BBC Somali

VOA Somali

Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Who's Online

5 user(s) are online (4 user(s) are browsing News)

Members: 0
Guests: 5

more...
Posted by zee on 2010/7/17 7:48:08 (60 reads)

Wasiirka Amniga ee Puntland wuxuu sheegay Jen. Yuusuf Axmed Kheyr wuxuu sheegay in xarunta maxkamadaasi ay noqon doonto Garowe

Read More... | 919 bytes more | Comments?

Posted by zee on 2010/7/2 12:30:56 (62 reads)

Open in new window
Wasiirka Tacliinta Sare Maxamed Cabdullaahi Omaar oo hadda London jooga ayaa is casilay.
Xasan Macallin, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa isna casilay.

Wasiirka uu ilaa bishii April ku sugnaa magaaladan London, BBC wuu u xaqiijiyay in uu is casilay, hase yeeshee, ugama warramin sababta.

Wararka Muqdisho naga soo gaaraya waxay sheegayaan in Wasiiru Dowlaha Difaaca, Yusuf Siyaad Indhacadde uu isaguna is casilay.

Saddexda Wasiir oo is casilay laba waa niman ku dhow dhow Madaxweynaha oo dowladda dhinaciisa ka soo galay.

Xasan Macllin wuxuu ahaa gacan yarihiisa maalmihii uu Shiikh Shariif ku jiray Olalaha doorashada iyo markii uu Madaxweyne noday labadaba.

Ka dib wuxuu u dallacay Wasiiru Dowlaha, waxaana lagu tirayaa intii Shiikh Shariif xilka hayay in uu Xasan macallin ka mid yahay ragga xogta ugu badan u xafiday.



Yusuf Maxamed Siyaad, Wasiir Dowlaha Difaaca
Yusuf Siyaad Indhacadde waxay Shiikh Shariif wada shaqeynayeen ilaa iyo berigii Maxkamadaha oo Indhacadde uu madax u ahaa ciidanka.

Markii uu Madaxweynuhu hadda ka hor sheegay in uu shaqada ka fariisiyay Ra'iisal Wasaaraha, wuxuu Indhacadde ahaa Wasiirka keliya ee si aan qarsoodi lahayn u eedeeyay raiisal Wasaaraha.

Ugu yaraan hal Wasiir oo kale ayaa la sheegay in uu isaguna is casilay.

Lama yaqaan sababta ay Wasiirradu isu casileen.

Laba ayay mid noqon kartaa.

In ay ka saluugeen waxqabad la'aanta dowladda iyo in tani ay tahay shirqool loogu dan leeyahay in looga takhaluso Ra'iisal Wasaaraha.


Posted by zee on 2010/7/2 12:29:48 (67 reads)

Dagaalka Muqdisho ka socda ayaa bilaamay saakay siddeedii subaxnimo, waxaana qaaday dagaalka ciidamada dowlada iyo ciidamada AMISOM.

Dagaalka ayaa ka socda degmada Cadicasiis iyo agagaarka hotel Global.

Goobta dagaalka waxaa ku sugan Madaxweynaha Shariif Shiikh Axmed oo ay la socdaan taangiyada ciidamada AMISOM.

Inta la ogyahay lix qof ayaa dagaalka ku dhintay, sagaal iyo toban qofna waa dhaawac.

Magaalada oo dhan waxaa la maqlayaa madaafiicda iyo hubka cul culus Open in new window


Posted by zee on 2010/7/2 11:07:02 (109 reads)

Open in new window

Caawa waa habeenkii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay 1-da July 1960.

Waxaa habeenkaas la soo geba gebeeyay maamulkii Qarammada Midoobay ay u dhiibtay in Talyaanigu uu Soomaaliya gaarsiiyo gobannimo.

Taas oo uu ka sii horreeyay Gumeysigii Ingiriiska oo ka talinayay dhammaanba degaannada Soomaalida ee geeska Afrika marka laga reebo Djibouti.

Read More... | 3570 bytes more | Comments?