BBC Somali

VOA Somali

Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Who's Online

4 user(s) are online (3 user(s) are browsing News)

Members: 0
Guests: 4

more...
Bulshada : Wetangula oo ka digay Soomaaliya
Posted by zee on 2010/7/8 20:23:20 (61 reads)

.Open in new window


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Moses Wetangula, ayaa ku tilmaamay in rag ka yimid dagaalka Ciraaq iyo Afghanistan ay u tallaabeen Soomaaliya.

Wasiirka oo maanta u warramayay wakaaladda wararka AP, waxaa uu Nairobi ka sheegay, in dagaalyahaniintaasi tiradoodu ay tahay mid ku filan in ay walaac ku dhaliso beesha caalamka

Xaaladda waxaa uu ku tilmaamay Wasiirku mid halis ah.

Dadka soo galay Soomaaliya waxay u dhasheen ayuu yiri Afghanistan, Pakistan, dalal Bariga Dhexe ah oo aan yareyn.

Waxay ka faa'iideysanayaan ayuu yiri in Soomaaliya aanay ka jirin dowlad shaqeyneysa.

Warar ka yimid hey'adaha sirta ayaa sheegaya ayuu yiri, Wetangula, in ay ay yihiin ciidn ashaamud ah oo isku dhafan.

Tiradooda dhabta ah ma naqaan ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Moses Wetangula, wuxuu kaloo sheegay in uu ka xun yahay in aan Mareykanku sida ay tahay arrintan uga hawlgelin.

Sida aan ka rabnay, gaabis ayuu ka yahay ayuu yiri.

Toddobaadkan horraantiisii ayay ahayd markii Madaxweynayaasha IGAD ay ku baaqeen in 20 kun oo askari la geeyo Soomaaliy

Printer Friendly Page Send this Story to a Friend
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.