BBC Somali

VOA Somali

Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Who's Online

7 user(s) are online (5 user(s) are browsing News)

Members: 0
Guests: 7

more...
Bulshada : IGAD oo u dalabtay Soomaaliya 20 kun oo askar
Posted by zee on 2010/7/6 7:27:59 (51 reads)

Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD, ayaa shir deg deg ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo ammaanka ee Soomaaliya ku yeeshay magaalada Addis Ababa.



Shirku waxa uu go'aansaday qoddobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin in AMISOM iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay lagala shaqeeyo sidii labaatan kun oo askari loo keeni lahaa dalka Soomaaliya oo dhan.

Shirku, waxa uu hoosta ka xariiqay si taas loo suurta galiyo ay muhiim tahay in xoogagga Soomaaliya loo diyaar gareeyo suurtagalnimada in ciidamo dalalka deriska ka socda ay soo galaan dalka.

Shirku waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM aan la gaarsiin heerkii horey loogu heshiiyay, wuxuuna go'aansaday in laba kun oo nabad ilaaliyaal ah oo AMISOM hoostaga sida ugu dhaqsiyaha badan loo geeyo dalka.

Printer Friendly Page Send this Story to a Friend
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.