BBC Somali

VOA Somali

Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Who's Online

7 user(s) are online (6 user(s) are browsing News)

Members: 0
Guests: 7

more...
Bulshada : Yurub oo ugu cadcad World Cup, 2010
Posted by zee on 2010/7/7 11:58:53 (36 reads)

Waxaa la soo gebagebeeyey wareega sideeda kooxood, kaddib marki ciyaartii u dambeysay ey ku badisay Spain oo hal iyo iyo eber kaga reysay xulka qaranka Paraguay.

Spagna waaxa ey noqotay kooxdi affaraad ee u gudubtay ciyaaraha semifinaalka. Waxaana ey la kulmi doonta kooxda Jarmalka, oo ciyaartii ka dhacday Green Point Stadium ee magaalada Cape Town cagta marisay Argentina oo ey kaga takhalustay affar iyo eber.

Waxaana haddaba ciyaaraha ka horreeya ciyaarta kama dambeysta ah, isugu soo haray saddex dal oo ka socda qaaradda Yurub oo kala ah Spain, Germany, Netherlands, iyo dal ka tirsan Konfur America oo ah Uruguay, oo ahna dalka kaliya ee u gudbay ka soo haray affartii dal ee Konfur America ee ka qeybqaadatay wareegga sideeda kooxood, kaddib markii ey guuldarreysteen labadii koox ee la sadaalinayey inay noqondoonaan kuwa isku arki doona ciyaarta finaalka, oo kala ahaa Brazil iyo Argentina oo guryahooda loo diray.

Kulanka u horreeya ee semifinaalka waxa bishan Luulyo lixdeeda uu ka dhici doona garoonka kubbada cagta Green Point ee magaalada Cape Town halkaasi oo ey ku kulmidoonaan Uruguay iyo Netherlands. Maalinta xigta ee toddobada Luulyo waxaa gegida Moses Mabhida Stadium ee magaalada Durban ku ciyaari doona Jarmal iyo spain.

Printer Friendly Page Send this Story to a Friend
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.