BBC Somali

VOA Somali

Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Who's Online

5 user(s) are online (4 user(s) are browsing News)

Members: 0
Guests: 5

more...
Bulshada : Siilanyo oo Xilka la wareegay
Posted by zee on 2010/7/27 10:26:03 (26 reads)

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xilka Madaxtinnimada Somaliland kula wareegay xaflad aad loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa.

Xafladda oo lagu marti qaaday madax iyo dadweyne ka kala yimid gobollada Somaliland, ayaa waxaa iyaguna ka qeyb galay wafuud ka socota dalalka deriska ah.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee Djibouti, Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Dalxiiska Ethiopia, Maxamuud Dirir, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Cumar iyo Guddoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin, ayaa ka qeyb galay xafladdaas.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynihii xilka wareejiyay Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore, Axmed Yusuf Yaasiin.

Xafladdan oo ammaanka aad loo ilaanayay ayaa waxaa lagu dhaariyay Madaxweynaha cusub, Axmed Maxamed Silaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka, Cabdiraxmaan Maxamed Zeylici

Printer Friendly Page Send this Story to a Friend
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.