Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ayaa ku soo qulqulaya magaalada Kampala si ay uga qeybgalaan shir madaxeedka Midowga Afrika ee beri furmaya. Madaxda Afrika ayaa ka doodi doona ajendayaasha ugu muhiimsan kulanka oo ay ka mid yihiin xasaradaha ka taagan Somalia, Darfur iyo weliba sidii loo adkeyn laha amaanka qaaradda. Wasiirka Horumarinta Afrika ee dalka Britain oo isna ka qeybgalaya shir madaxeeda Midowga Afrika ayaa taageerey qorshaha ciidan dheeri ah oo nabad ilaalin ah loogu dirayo Somalia. Sida uu ku soo waramay weriyaha BBC Daud Aweis oo Kampala ku sugan
Garoonka diyaaradaha ee magaalada Entebbe ee dalka Uganda waxaa sii isdabajoog ah uga soo degaya madaxda dalalka Afrika iyo wufuud kale oo caalami ah oo isku diyaarinaya ka qeybgalka kulan madaxeedka AU-da oo beri ka furmaya magaalada Kampala.
Ilaa iyo haatan waxaa wasaaradda Arimaha dibeda ee Uganda ay xaqiijisey inay dalka soo gaareen ilaa sagaal hoggaamiye oo ay mid yihiin madaxweynayaasha Senegal, Abdulahi Wade, Algeria , Abdul Azeiz Bouteflika, Nigeria, Goodluck Jonathan, Congo Brazaville, Gen Denis Sassou Nguesso, Namibia, Hifipekunye Pohamba, Malawi,Bingu wa Mutharika, iyo Zambia, Rupia Banda .
Raisul Wasaarayaasha Ethiopia iyo Lesotho , Meles Zenawi iyo Pakalitha Mosisili ayaa iyaguna ka mid ah madaxdii ugu dambeyse ee shirka soo gaara.
Ajendayaasha shirka
Madaxda ayaa dersi doona isla markaana ansixin doona agendayaasha ay soo diyaariyeen wasiiradooda arrimaha dibedda oo shir laba maalmood ah ku yeeshey magaalada Kampala.
Agendaha ugu weyn shirka waxaa markii hore uu ahaa horumarinta adeegyada hooyada iyo dhalaanka qaaradda, hase yeeshee, waxaa ajendahaasi laga hormariyey amniga gaar ahaan Somalia, kadib markii xaalada dalkaasi ka jirta ay ka sii dartey, iyo weeraro ay dad badan ku dhinteen oo lagu qaadey magaalada Kampala , kaas oo ay masuuliyadiisa sheegteen kooxda Al-Shabab ee dalka Somalia.
Ciidanka loo dirayo Soomaaliya
Madaxa Guddiga Sare ee Mdowga Afrika Jean Ping ayaa sheegey in dalalka Guinea iyo Djibouti ay diyaar u yihiin ciidamo inay ku biiriyaan hawlgalka milateri ee Midowga Afrika ka waddo Somalia, iyadoo durba ciidamada Guinea ay tababar ku qaadanayaan dalka Ethiopia ka hor intaaney tegin Somalia.
Ku xigeenka madaxa Guddiga sare ee Midowga Afrika, Erastus Mwencha, ayaa isna sheegey in caqabada ugu weyn ee hortaagan kordhinta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia jooga ay tahay saadka oo aad u hooseeya loona baahan yahay in dhankaasi si degdeg ah looga daboolo.
Madaxda Afrika ka sokow waxaa shirka jooga diblomaasiyiin reer galbeed ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Waaxda Horumarinta Afrika Britain, Henry Bellingham, oo ka qeybgalyaasha shirka u xaqiijiyey in dalkiisu taageerayo qorshaha ciidamo dheeri ah loogu dirayo dalka Somalia.
Walaaca jira
Wasiirka waaxda horumarinta Britain, Henry Bellingham, waxaa uu walaac ka muujiyey qorshaha ku saabsan in wax laga bedelo awoodaha ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee ah in loo oggolaado dagaal in ay la galaan kooxaha mucaaradka Somalia sida kooxda Al-Shabab, waxaana uu wasiirku sheegey in talaabadaasi ay dhibaatadeeda la iman karto, isagoo dhanka kale taageerey in ciidamadu ay dagaal galaan oo keliya marka la soo weeraro, si ay isu difaacaan.
Wasiirku waxaa uu goobta shirka uu ka socdo kula kulmey wasiirka Arrimaha Dibedda ee Eritrea, oo si lama filaan ah u soo booqdey shirka, iyadoo sida la ogyahay Eritrea ay sannadkii hore ku dhawaaqdey in ay isaga baxday Midowga Afrika, kadib markii ururka uu ku baaqey in cunaqabateyn lagu soo rogo dalkaasi, oo lagu xiriirinayo taageero uu siinayo kooxaha Islaamiyiinta Somalia ee dowladda ka soo horjeeda.
Wasiirka Horumarinta Afrika ee Britain, Bellingham, waxaa uu sheegey in Eritrea ay door weyn ka cayaari karto hanaanka nabad raadinta Somalia, xiriirka ay leedahay kooxaha mucaaradka awgii, isagoo intaa raaciyey in beesha caalamku aaney wax dan ah ka lahayn xukuumadda Asmara, balse ay qirsan yihiin in dalkaasi yahay xubin muhiim ah oo door wanaagsan ka cayaari kara arrimaha Somalia.
Mareykanka waxaa uu shirka u soo dirsanayaa masuul sare, kaas oo ah Xeer Ilaaliyaha guud ee dalkaasi oo ay wehlin doonaan saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo FBI-da oo gacan siinaya ciidamada amaanka ee Uganda ee ku hawlan baaritaanada weeraradii ba’naa ee 11ka July ka dhacey magaalada caasimadda ah ee Kampala.