BBC Somali

VOA Somali

Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Who's Online

5 user(s) are online (4 user(s) are browsing News)

Members: 0
Guests: 5

more...
Bulshada : Madaxwayne Shariif oo jooga Masar
Posted by zee on 2010/7/18 11:15:55 (66 reads)



Madaxweyaha dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya,
Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa booqasho ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxwaynaha, ayaa la kulmaya madaxwaynaha dalka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak, iyadoo lagu wado in ay ka wadahadlaan dhibaatada dalka Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa

Sida uu sheegay weriyaha BBC uga soo warama magaalada Qaahira, Abuukar Maxamed Cabdi,wasiirka arrimaha dibedda, Yuusuf Xassan Ibraahim, ayaa saxaafadda u sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya uu faahfaahin ka bixin doono xaaladda dalku uu marayo, iyadoo dowladda Masarna uu ka dalbanayo in ay kaalin ka qaataan xal u helidda arrimaha Soomaaliya.

Wuxuu wasiirku sheegay in madaxwayne Shariif uu u sharixi doono madaxwayne Mubaraak aragtida dowladda ku meelgaarka ah ee ku aadan sida xal waara loogu soo dabaali karo dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda, ayaa intaas ku daray in labada madaxwayne ay sidoo kale isla soo qaadi dooni arrimo la xiriira sii xoojinta iskaashiga dhinacyada dhaqanka, dhaqaalaha iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Masar ay ahmiyad wayn siinayso sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada Soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kadib marka ay u dhamaato booqashadiisa dalka Masar, waxaa la filayaa in uu gaaro dalka Talyaaniga

Printer Friendly Page Send this Story to a Friend
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.