BBC Somali

VOA Somali

Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Who's Online

5 user(s) are online (3 user(s) are browsing News)

Members: 0
Guests: 5

more...
Wararka dibadda : Cabsi Soo wajahday Somalida Uganda
Posted by zee on 2010/7/17 7:46:18 (89 reads)

Cabsi ayaa soo wajahday Somalida ku nool Uganda, kuwaasoo ka baqanaya in qaar ka tirsan dadka Uganda ay uga aargutaan qaraxyadii Kampala.

Ciidamada Boliiska ee magaalada Kampala ayaa maanta howlgallo fuliyay. howlgallada maanta ayaa ciidamadu waxay isku gadaameen masaajid weyn oo ku yaalla Kampala. Ciidamada ayaa baarayay dhamaan qof kasta oo galaya ama ka baxaya masaajidkaasi.
Soomaalida degan Kampala ayaa dareen cabsi ah ay wali ku jirtaa, waxaa ay yareeyeen dhaq-dhaqaaqyada iyo isku-socodka. Waalidiinta Soomaalida ayaa joojisay inay caruurtooda u diraan dugsiyada waxbarashada.
Dowladda Uganda mas'uuliyiin ka tirsan oo shalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ayaa Somalida u sheegay inay is-dajiyaan, isla markaana feejignaadaan. Dowladdu waxay Soomaalida u xaqiijisay inay ammaankooda sugayso.

Printer Friendly Page Send this Story to a Friend
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.