BBC Somali

VOA Somali

Login

Username:

Password:

Remember me



Lost Password?

Register now!

Who's Online

5 user(s) are online (5 user(s) are browsing News)

Members: 0
Guests: 5

more...
Bulshada : Ugu yaraan boqol qof oo lagu xiray Kenya
Posted by zee on 2010/7/16 9:04:49 (42 reads)

In ka badan boqol qof oo Soomali ah ayey booliska Kenya ku xireen caasimada Nairobi, howgal ay boolisku ka fuliyeen xaafada Easleigh ee Somaalidu ku bandantahay.

Howgalkan ayey boolisku waxay sheegeen in ay ku baadi goobayeen dadka sida sharci darada ah u galay KenyOpen in new window

Howgalkan ayaa dhacay maalmo ka dib markii Axaddii hore qarax lala beegtay, dad ku daawanayey ciyaartii kama dambeysta ahayd ee tartanka koobka adduunka magaalada Kampala ee Caasimada ee Uganda.

Waxaa halkaas ku dhintay dad kor u dhaafaya 70 qof.

Ma cadda in si toos howgalkan uu ula xiriiray qaraxa ka dhacay Kampala oo massuuliyadiisu ay sheegatay kooxda Al-shabaab, balse Kenya ayaa qaraxaasi ka dib sheegtay in ay gacan ka siinayso Uganda dhinaca baaritaanada lagu baadi goobayo ciddii ka dambeysay qaraxaasi.

Bishii January ee Sannadkan Sarakiisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa waxay xabsiga u taxaabeen boqolaal Somali ah oo ay ku jireen xildhibaano ka tirsan dowladda KMG ee Soomalia, ka dib markii mudaaharaad ka dhacay masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi ay ka dhasheen rabshado ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen

Printer Friendly Page Send this Story to a Friend
The comments are owned by the poster. We aren't responsible for their content.