JOH DRY SDYLE KU GEERIYOODAY HARGAYSA

JOH DRY SDYLE
Magaalada Hargeysa waxaa ku geeriyooday JOH DRY SDYLE oo ahaa khabiir caan ah oo muddo ka badan todobaatan sano ka soo shaqeeyay ama xidhiidh la lahaa dhulka iyo dadka soomaalida .
John Dry sdyle oo ahaa oday da' weyn waxaa geeridiisa u xaqiijisay BBC goor Dhoweyd Edna Adam Ismaaciil maamulaha cisbitaalka Edna ee Hargeysa oo iyadu aad ula socotay mudooyinkii danbe
xaaladda John dry sdyle .
John dry sdyle oo ku hadli jiray luqdda soomaalida wuxuu dhawr iyo labaatankii sano ee u danbeeyay ku noolaa somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Gabilay . sida uu u sheegay beri sii horeysay wareysi uu la yeeshay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige Joh Dry Sdyle wuxuu yimid somaliland 1943 , wuxuu noqday 1952 gudoomiyaha degmada laascaanood oo maamulkii ingiriiska , 1954 wuxuu noqday wakiilkii dawladda ingiriiska ee Jigjiga .
markii somaliya xoriyadda qaadatay 1960 wuxuu noqaday xoghayihii kowaad ee safaaradii ingiriiska ee muqdisho , kadib wuu ka tegay oo wuxuu la taliye u noqday ra'iisal wasaarihii somaliya ee xilligaasi cabdirashiid cali Sharma'arke . 1992 wuxuu noqday la-taliye hawgalkii qaramada midoobay ee somaliya ee UNISOM , wuxuu sheegay inuu iskaga tegay oo ku qanci waayay siday wax u wadeen .
kadibna 1993 wuxuu u soo wareegay somaliland uu uu la-taliye muddo u ahaa Madaxweynihii somaliland maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal . 1998 wuxuu Joh dry sdyle samastay hay'ad ka shaqeysa mashaariicda horumarinta ee somaliland . wuu islaamay dhawr sano ka hor wuxuuna la baxay magaca Cabbaas , .

Edna Adan waxay BBC u sheegtay in aas weyn loogu samayn doono John dry sdyle Hargeysa oo la sugayo qoyskiisa xubno ka tirsan .

BBC
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes