Zinadee ugu dambi weyn baro diintaada

Zinadee ugu dambi weyn baro diintaada
Sinada ugu dembiga weyn waa tee , Sinada waxay ka mid tahay dembiyada ugu waaweyn oo diinta islaamka iyo diimihii ka horreeyay ay si toos u xarrimeen, diinta islaamka waa diinta lagu khatimay diimaha hore, sinada waa xaaran oo go’an oon shaki ku jirin, sinada waa in la galiyo geedka ninka madaxiisa farji dumar, marka sidaas dhacdo waa zino rasmi ah, haddii arrin sidaas aan ahayn ninka iyo naagta dhexmaraan waa dembi laakin sinada oo kabiirada ma aha, sida qofka haddii ay naagta geedkiisa gacanta ku qabato ama haddii uu cajiraha geedka ugu rugo ama barida ama caloosha ama kilkilaha.

Sinada miayay kala daran tahay dembi ahaan?


jawaabta waa ah, sinada ugu daran waa midda qaraabada sida hooyada ama habaryarta ama eedada ama walaasha , sinada noocan ah kama dhacdo bulshada soomaaliya, laakin bulshada qaar ayay ka dhacdaa, waxay ka mid tahay sinada midda ugu dambiga daran, nin hooyadii fuulaya waa falka ugu dambiga weyn sina ahaan, qofka na\oocaas sameeya waa lagu xukumaa dil xitaa haddii uuna guursanin, waayo wuxuu fasahaadianayaa koonka wuxuu ku soo laabtay familka taas oo keenaysa inuu wax badan sharaf ah burburiyo.

Galmada dersika xaaskiisa miyay dembigeeda sinada ka weyn tahay?


xadiis ayaa wuxuu tilmaamay inay tahay sinada ugu daran dembi ahaan ruuxa inuu la sinaysto xaaska deriskiisa , waayo deriska wuxuu shabahaa qaraabada sidaa awgeed waa in la dhowraa xurmadooda, waa inaan lagu xadgudbin gabdhaooda dadkooda, sidoo kale deriska way fududhay qofka inuu ku dhaco, marka waxaa la xirayaa waddada keeni lahayn xumaantaas.

Ciqaabta lagala kulmo zinada guud ahaan?


Sinada waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn saan horay u soo sheegnay, waxaa lagala kulmayaa naarta Alle, qofka sina ku dhaco waxaa laga rabaa inuu towbad rasmi ah keeno oo dhab ah, waa inuusan u laabanin sinada mar labaad.

Sidee looga fogaan karaa sinada?


Wax kasta marka laga fogaado wadada loo marayo waa laga fogaan karaa, Quraanka xitaa markuu sinada reebayay waxaa ku soo aroortay ” Sinada ha u dhowaanina” waxaa laga wadaa wax kastoo keeni kara sino, sida gabar inaad la saaxiibto inaad meel khalwo la gasho inaad, sawirada qaawan inaad fiirsato filimada wasmada qofka inuu daawado, waxaas oo dhan xumaanta zinada ayay kugu ridayaan.

sidoo kale sinada naagta la qabo ay samayso oo lagu magacaabo gogoldhaaf waa qaab aad u foolxun dembiga sinada ugu weyn.

 gogoldhaafka waxaa inta badan keena naagta oo ninka aan jeclayn oo nin kale jecel

source  http://www.maamul.com/nolosha-bulshada/sinada-ugu-dembiga-weyn.htm


 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

1 comment:

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes