Caydiid Muxuu dhagaxa ugu keenay martidiisa

Caydiid Muxuu dhagaxa ugu keenay martidiisa
Sheekadan haddii aad akhriso waxaad ogaanaysaa dhabta soomaali ka jirta, G. Maxamed Faarax Caydiid wuxuu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyada kaalinta weyn ka cayaaray burburka dalka soomaaliya, waxaa la dhihi karaa waa ninka ka dambeeyay baa’ba soomaaliya, ninkan wuxuu ka dhashay beesha habargidir oo degta galkacyo, wuxuu rabay inuu xoog ku qabsado xamar iyo shabeelaha hoose ilaa iyo kismaayo.
Waxaa la sheegaa qiso ama sheeko ka dhacday xamar, waxaa la yiri caydiid ayaa wuxuu marti qaaday odeyaasha beesha habargidir, marka la gaaray waqtiga qadada waxaa la keenayo saxamo dhagax ka buuxo, dadkii meesha fadhiyay aad yaay ula yaabeen qof kasta iyaga ka mid ah afka ayuu qabsaday, iyagoo sidaas u yaaban ayaa waxaa laga qaaday saxamaha oo dhagaxa ku jiray, durbadiiba waxaa la soo galiyay saxaman laga soo buuxiyay cunto iyo hilib qudaar kala duwan, dadkii martida ahaa way cuneen marka ay dhamaysteen, caydiid ayaa meesha ka hadlay wuxuu yiri: waxaan filayaa inaad la yaabteen dhaxa aan idin keenay taas waxaan uga dan lahaa inaan idin dareensiiyo dhulkiina inuu yahay dhul dhagax ah oo aan barwaaqo lahayn, marka haddii aad rabtaan inaad ku noolaataan barwaaqo idinka iyo familadiina haka tagina dhulkan aannu haysano, balse waxaa la inaga rabaa inaan ku dadaalno si aan isugu ballaarin lahayn haddaanu nahay qabiilka habargidir, dadkii meesha joogay aad bay ugu farxeen figradda uu soo jeediyay caydiid,
Meesha  ayaa laga soo bilaabay fikradda ah in dadka masaakiinta la dhaco caydiid wuxuu tagay ilaa baydhabo wuxuu ku soo laayay dad badan oo masaakiin ah, ilaa iyo hadda waxay joogaan dadkan meelo badan oo ka tirsan shabeelaha hoose,

Caydiid iyo Cali mahdi yaa gardarnaa?

Waan ognahay marka uu dhacay maxamed siyaad barre waxaa la soo doortay madaxweyne Cali mahdi maxamed oo ahaa nin ganacsate ah, wuxuuna ka dhshay beesha abgaal, laakin ninka horistaagay wuxuu ahaa caydiid oo dagaal ku qaaday afar bilood dagaalkaas oo kaalin weyn ka qaatay burburka xamar.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes