Iraan iyo Somali iyo Sacuudi

Iraan iyo Somali iyo Sacuudi
Dowladda soomaaliya maalmahan la soo dhaafay ayay xiriirka u jartay dowladda Iran, taas waxaa la filayaa inay ka dambaysay boqortooyada sacuudi arabiya, marka hore dowladaha carabta oo u dhow sacuudiga xiriirka mayna jarin, sida oman kuwit iyo imaaraadka jordan, keliya waxay u yeerteen safiirradooda, laakin dowladaha masaakinta ah sida soomaali iyo jabuuti iyo suudaan iyo komorok xiriirk ayay jareen,  teeda kale boqortooyada sacuudiga waa dowlad xiriir weyn la leh maraykanka iyada guud ahaan waxaa asaasay ingiriiska marka dadka u malaynaya inay diin u gargaarayso waa dad jaahil ah, bal waxaa la dhihi karaa qaska somali waxaa dowr weyn ka cayaaray dalka sacuudiga, Iran waa dowlad shiico ah waxayna u soo gurmaday soomaaliya ma ahayn in xiriirkeeda la jaro, shiicanimada waa laga ilaalin karaa umadda iyadoo xiriir lala leeyahay, dadka dhahay shiicada hala fogeeyo haddii ay ka wadaan mad'habka hala dheereeyo waa wax sax ah, laakin ummad ganacsi shaqo baa idin ka dhexayn karta, waxaa la sheegay soomaali markii ay la dagaalami jirtay itoobiya sacuudiga wuxuu taageerayay itoobiya, dowladda iraan oo markaas boqorka shaah uu madax ka ahaa waxay la jirtay soomaali, si kastaba ahaatee dadka soomaali xukumaya waa reer baadiyeyaal oo aan waxba la soconin
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

2 comments:

  1. Sawirkan iran shaqo kuma leh. Waxa uu ka tarjumaya dawlada somalia oo suufiyada calankooda kor u qaaday. Sufi influence in the goverment

    ReplyDelete
  2. aad baad u mahadsan tahay walaal sawirka waan badalaynaa

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes