Hogaaminta qoyska yaa iska leh

Dhaqanka gabdhaha qaar wuxuu ku dhisan yahay kibir ma oggola inuu ninka guriga hogaamiyo, waxay rabtaa ninka inuu u hoggaansamo iyada, runtii waxaan suurtagal ahayn labo madaxweyne inay hal meel xukumaan, dolwladdii laga waayo hogaan midaysan waxaad ogaataa inay burbur ku sugan tahay, waxaa la mid ah qoyska, qoyska haddii ay hoggaaminayaan ninka iyo naagta oo ay siman yihiin qof laga maqalayo ma jiro hadal, sidaa daraadeed waxaa laga rabaa naagta inay ogaato ninka inuu yahay madaxweynaha guriga iyaduna ay tahay wasiirka arrimaha gudaha, marka qof kasta uu ka soo baxo mas'uuliyadda saaran ayaa qoyskooda gaari kara horumar iyo barwaaqo, jacaylkana waa sidaas, maanta maxaa badiyay furiinka siiba dadka ku nool yurub waa lawada ogyahay ninka iyo naagta inay u baahan yihiin kala dambayn, naagta rabta inay ku noolaato guri degan ninkeeda haka dambayso, sidoo kale ninka waxaa laga rabaa inuusan yasin xaaskiisa oo uuna ka dhigin derbi meesha taagan, waa inuu la tashadaa u naxariistaa iska ilaaliyaa dhibkeeda iyo ciriirinteeda, dalalka reer galbeedka waxay ku booriyaan naagaha inaysan ka amar qaadanin ragooda, iyaga ma oggol yihiin in shacabkooda amarkooda diido? jawaabtu waxay tahay ma oggola in shacabka amar ka diido madaxda waayo fowdo ayaa dhacayso haddii sidaas ay tahay maxay ugu boorrinayaan naagaha inay nimankooda amar ka qaadanin?
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

1 comment:

  1. Anonymous10/29/2015

    Aad bad ugu mahadsan tihiin

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes