Xiriirka adiga iyo dadka idin ka dhexeeya

Xiriirka adiga iyo dadka idin ka dhexeeya
Marka laga soo galo halkan oona la suuraysto xiriirka ka dhexeeya islaamka iyo shanta ujeeddooyin oo ay ka mid tahay diinta, waxaa agteena ka dhismaya


Arrimo la xiriira fiqiga fardiga iyo fiqig ummadda:


Xiriirka aannu la leenahay dadka kale dhanka gudaha iyo dibaddaba wuxuu ku dhisan yahay dhanka gudaha dhowrid dhanka dibaddana dacwada, marka hadalkeena ku wajahan caalamka wuxuu noqonayaa mid macquul ah, waayo waxaanu caddeynaynaa dadka kale in islaamku ka ballaaran inuu diin keliya yahay, ileen isagu waa hadalka Alle ku wajahan dadka , hadalka Alle ku wajahan dadka wuxuu wataa wixii uu insaanka xadaarad ku dhisan karo, iyo wixii ay ugu suurroobi karto inuu dhulka ku camiro, iyo sidoo kale wixii ay ugu suurroobi karto inuu Alle -subxaanahu wa taalaa- ku caabudi karo oona aawaamirtiisana fulin karo si faahfaahsan, marka waxaa lagama maarmaan ah dadka ku jira gudaha inay hoos yimaadaan islaamka iyo xadaaraddiisa xataa haddii aysan soo gelin diinteena.


Waxaa halkan inooga caddaanaya in islaamkan uu yahay :


1- Diin khuseaysa qofka islaamo oo rummeeyo ilaahay iyo rasuulkiisa.


2- Dowlad ilaalinaysa dadka, una ilaalinaysa ujeeddooyinka shanta ah oo ay diintu ka mid tahay oo Alle – subxaanau wa tacaalaa- banneeyay in dadku ku kala duwanaadaan, ama ay ku hoos noolaadaan, wuxuu u banneeyay ehlu kitaabka inay nala joogaan, inay nala degaan hal dal, inaan ka cunno oo aan ka cabno oo aan ka guursano, inkastoo diinteena ay reebayso nimankooda inay naagaheena guursadaan, iyo inkastoo uu naga reebayo raashiinkooda qaarkiisa, laakinse wa nala nool yihiin hal luqad baannu ku hadalnaa hal xadaarad baannu leenahay, rajadeenu iyo xanuunkeenu waa mid… sii waad, kan waa midka gudaha jooga.


Midka dibadda joogana xiriirka naga dhexeeya wuxuu ku dhisan yahay dacwada, nagama dhexeeyo xiriir dagaal ama xiriir nabadgelyo, dagaalka iyo nabadgalyadaba waxay ku xiran yihiin dacwada wixii la soo gudboonaado.


Waxaa ka mid ah laamaha mas'ladan: fadilitaanka uu ka fadilay Ibnu taymiya muslinka aan caadilka ahayn gaalka caadilka ah xagga cammiridda dunida, waayo cadaaladdu waa tiirka mulkiga, Ibnu taymiya wuxuu rajaxayaa arrinkan, waayo gaalka caadilka ah –halkan- wuxuu waafaqay xadaaradda islaamka haba khilaafee diinta islaamka, waayo xadaaradda asaaskeeda waa cadaalo, tasoo ah tiirka nafta iyo caqliga iyo taranka iyo maalka, arrinkaas waa midka adduunka uu ku taagan yahay, dulmigana wuu tagsiiyaa.



Muslinka haddii diin uu haysto xataa -markuu dulmi uu samaynayo- wuxuu tagsiiyaa qiimaha ku salaysan ujeeddooyinka kale ee cibaadada iyo camiraadda dunida ay ku taagan yihiin, arrinkanna natiijo ma keeni karo waaqacan aan ku nool nahay.


Hadalka Ibnu taymiya habkan ayuu u soconayaa, ku sii dar hadalkiisa in ay suurtagal tahay in laga wado ka hormarinta maslaxadda guud maslaxadda gaar, taasna waxaa caddeynaya wixii aan ku soo sugnay habaynta kulliyaadka iyo fiqiga kala mudnaanta.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes