Xalinta mushkiladaha xisaabta

somali bn
  Xisaabtan isku day inaad xaliso


1-      Seddex bisad oo isla jooga waxay haystaan 12 ilmo. Mid kasta immisa ayay haysataa?  Seddex xal kala duwan samee.


2-      Cula waxay kaxaynaysaa baaskiil 21 km halkii saac waa immisa?
Immisa dhul ay jari kartaa Cula marka ay kaxaynayso baaskiilka seddex saacadood?
Jawaabta:




  Caasho iyo Kaloodiya iyo Liiza waxay haystaan lixdan iyo sagaal kuul
Waa immisa tirada kuusha ay haysato caasho haddii qof kasta uu haysto tiro isla eg
                      

 Jawaabta:                                    

                                                                                          
3-      Waxaa jiro dugsi leh toddobo fasal iyo isla tiradaas arday ah oo mid kasta iyaga ka mid ah,  tirada duuduubka ardayda wiilasha iyo gabdhaha ee dugsiga waa 154
Waa immisa tirada ardayda fasal kasta?
                                                          

Jawaabta:                   
                                                                                  
4-      Rexlo la aadayo magaalada Maalmo waxay ku kallifaysaa qofkiiba 128 karoon Swedish
Immisa ayay ku kallifaysaa isla rexladaas toddobo qof?
Jawaabta:     


5-      Beeralayda mid ka mid ah wuxuu rabaa inuu qaado wan iyo yey iyo sanduuq karooto oo uu marsiiyo webi, doontana way yar tahay waxaa loo helaa boos beeralayga iyo hal xayawaan ama beeralayga iyo sanduuqa karootada keliya, labada xayawaan mid kastaba wuu gaajaysan yahay, yeyga wuxuu rabaa inuu cuno wanka, wankana wuxuu jecel yahay karootada, sidee ku habboon beeralayga inuu u qaado wanka iyo yeyda iyo sanduuqa karootada oo uu dhinaca kale webiga ugu gudbiyo?
Jawaabta:

6-      Waxaad haysataa sagaal lacag dahab ah, mid ka mid ah lacagta waa feek waxay ka miisaan yar tahay kuwa kale.
Sidee ay kugu suurtagali kartaa adigoo kaalmaysanaya miisaan labo kafad leh inaad ogaato lacgta midda feegga ah?


7-      Beeralay oo haysto soddon lo' iyo digaag, xayawaanaadka oo wada jira waxay leeyihiin 76  lug.
Immisa waaye tirada digaaga ee uu hayso beeralayga?


8-      Yaa haysto iskaaf guduudan, yaa jecel xisaabinta nambarada?
U adeegso macluumaadka ku arooray hoos xallinta mushkilada
1-      Fasalka B 4 arday baa ku jirto.
2-      Yuhan wuxuu fadhiyaa meesha bidixda ugu fog wuxuuna jecel yahay fuud.
3-      Andro wuxuu fadhiyaa midka hilibka jecel dhinaciisa.
4-      Amiira waxay jeceshahay qoraalka iyo ugaarsiga kalluunka.
5-      Midka jecel inuu wax sawiro ukunta buu jecel yahay.
6-      Midka kalluunka jecel Joon dhinaciisa ayuu fadhiyaa.
7-      Midka fadhiya qofka iskaafka xiran dhinaciisa hilibka ayuu ugu jecel yahay.
8-      Iskaafka buluugga wuxuu saran yahay midka cad bidixdiisa.
9-      Cali akhriska buu jecel yahay.
10-   Gabar baa haysato iskaaf cad.
11-   Andriyaas wuxuu xiran yahay iskaaf jaalle ah.
Yaa xiran iskaaf guduudan?
Yaa jecel xisaabinta nambarada?


Nasteexo: noocan oo ah jadwalka caddaynta waxaa laga yaabaa inuu wax taro marka mushkilada la xalinayo.
Magaca


Midabyada
   
Maaddada

Cuntada
   
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes