Qiimaha Islaamku siiyay Cadaalada

Magaca ilaahay barakadiisa ayaan ku bilaabaynaa ,nabad iyo naxariisi rasuulkeenii sharafta badnaa korkiisa ha ahaato isaga iyo saxaabadiisa giddigooda “
Islaamku marka uu ka hadlayo Caddaalada waxa uu siiyaa mudnaan gaara,waxana uu kaga hadlaa aragti saraysa iyo tix-gelin qiimo badan.
Ugu horayn waxa uu ku qeexay islaamku macnaha Caddaalada erayo kooban oo si qoto dheer u tilmaamaya Caddaaladu waxay tahay :
Caddaaladu waa  kasoo hor jeedka Dulmiga , waxa looga jeedaa wax kasta oo aan dulmi ahayni waa cadaalad .hadii dulmi meesha soo galana cadaalada ayaa ka baxda .
Dulmigu waa wax kasta oo si aan ku haboonayn loola dhaqmay, cadaaladuna waa wax kasta oo sidii ku haboonayd loo la dhaqmay, waa isku cagsi ,waxa kale oo cadaalada muuqaaladeeda ka mida Sinnaanta, toosnaanta, miisaanaanta, hadii meesha sinaantu ka baxdo cadaaladi ma taalo, hadii toosnaani ka baxdana qalooc ayaa soo gelaya oo cadaaladi jirimayso, hadii miisaanka saxda ahi meesha ka baxana dheeli ayaa soo  baxaya oo cadaaladi ma jirayso.
Islaamku Caddaalada meel sare ayuu gaadhsiiyay , qiimaha iyo saraynta halka laga gaadhsiiyayna waxa tilmaamaya waxa laga dhigay magac ka mida magacyadda alle ( العدل ) ilaahayna waa caadil, waxana uu jecelyahay cadaalada ,magacyadiisana waxa ka mida Caadil.
Caddaaladu inay ka mid noqoto magacyada alle waxay ku tusaysaa qaalinimadeeda iyo muhimada ay u leedahay dadka iyo dawladnimadaba , waxay ku tusaysaa caddaalad la,aan inaan la noolaan karin, sidaa darteed islaamku waxa uu diiday qofku xitaa naftiisa inuu dulmi ku sameeyo .
إِنَّ الَّذِينَ تَوَفَّاهُمُ الْمَلَائِكَةُ ظَالِمِي أَنْفُسِهِمْ )النساء 97.)
“ kuwa Malaa’igtu nafta ka qaadayso iyagoo dulmiyay naftooda”
Dadka aayadani ka waramaysaa maaha kuwo dulmi iyo dhib u gaystay dad kale balse waa dad naftooda keliya dulmiyay oo dhib u gaystay,waxana aayadu tilmaamaysaa naftu caddaalad inay u baahantahay,haddii caddaalad nafta lagu hagi waayana dulmi iyo dhib inay imanayso, xisaabta qiyaamahana qofka la waydiin doono naftiisa muxuu ugu caddaalad samayn waayay.
Aayadaa tilmaamtay dadka naftooda ku sameeyay dulmiga waxay sheegtay muuqaalo ka mida dadka naftooda dulmiyay iyo waxay sameeyeen, waxana aayadu tidhi iyadoo ka waramaysa su’aalaha la waydiiyay dadkaa .
،"إِنَّ الَّذِينَ تَوَفَّاهُمُ الْمَلَائِكَةُ ظَالِمِي أَنْفُسِهِمْ قَالُوا فِيمَ كُنْتُمْ قَالُوا كُنَّا مُسْتَضْعَفِينَ فِي الْأَرْضِ قَالُوا أَلَمْ تَكُنْ أَرْضُ اللَّهِ وَاسِعَةً فَتُهَاجِرُوا فِيهَا" سورة النساء 97.
“ kuwa naftooda dulmiyay ee malaa’igtu nafta ka qaaday waxay su’aalaysaa ,maxaad qabanayseen, waxay ku jawaabayaan waxaanu ahayn kuwo  dhulka lagu dulaysto, malaa’igtu waxay ugu jawaab celinayaan, miyaanu dhulka Alle waynayn si aad meel kale ugu hijirootaan”
Hijrada aayadu ka waramaysaa waxay tahay aragtida dulmiga maxaad uga tegi waydeen oo u qaadan waydeen aragtida ku dhisan cadaalada, qofka ka tagi waaya meesha dulmiga lagu samaynayo,ama la mawqif iyo aragti noqda dadka dulmiga samaynaya xitaa hadaanu ka qayb qaadan dulmiga waxa uu noqonayaa qof dulmiyay naftiisii, waxana uu la denbi noqonayaa dadkaa aayadu ka warantay,halkaana waxa ka cad mawqifka iyo halka islaamku iska taagay caddaalad darada iyo sida uu u dhiiri geliyay caddaalada.
Waxa cad qofka hadii aan loo ogolayn naftiisa dulmi iyo dhib inuu u gaysto inaan cid kale inuu u gaystaana la ogolayn oo ay kasii daran tahay xagga danbiga iyo diidmada .
Caddaaladu dadka oo dhan ayay ka dhaxaysaa ,qofna looma baahna dulmi iyo dhib in loo gaysto, gaal iyo muslimna cadaalada way u siman tahay,I slaamkuna waa ixtiraamay dadka diimaha kale haysta,waxana uu faray tacaamul fiican iyo qadarin in loo muujiyo .
Islaamku waxa uu amaray cadaalad in lagu wada dhaqmo iyadoo xitaa lakala muuqaal duwan yahay midab ahaan, ama la kala duwan yahay luuqad, ama la kala duwan yahay qoomiyad iyo qabiil, waxana uu tilmaamay sinaanta iyo caddaaladu daruuri iyo waajib inay yihiin.
“waxa quraanku ictiraafay qofka kale ee haysta diin kale, waxa uu tilmaamay Tawraadi inay tahay nuur iyo hanuun, in-jiilina hanuun iyo nuur, waxa uu ku baaqay nabiyada iyo rususha in la wada rumeeyo , la ixtiraamo  dhamaan muqadasaadka iyo diimaha’
Quraanku marka uu ka hadlayo caddaalada ma tilmaamo islaamka oo keliya balse waxa uu tixgelin siiyaa dadka kale iyo diimaha kale waxa uu ku dadaalaa sinaanta iyo cid waliba inay hesho amaan iyo nabad ay ku qabsato hawlaheeda iyo waxay rabto, waxana arintaa cadaynaya oo tilmaamaya aayada ku jirta suurada al-xaj ee ilaahay kaga waramayo bulshada in laga difaaco dulmiga .

"وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُمْ بِبَعْضٍ لَهُدِّمَتْ صَوَامِعُ وَبِيَعٌ وَصَلَوَاتٌ وَمَسَاجِدُ يُذْكَرُ فِيهَا اسْمُ اللَّهِ كَثِيرًا" الحج40.
“ hadii alle dadka badh ku difaacayn badhka kale, waxa la dumin lahaa goobaha Majuustu ku cibaadaysato,Kaniisadaha Yuhuuda iyo Nasaarada, Masaajida Muslimiintu ku xusaan magaca alle in badan “
Aayadaas iyo aayadaha la macnaha ahi waxay tilmaamayaan caddaalada islaamka iyo qiimaha ay leedahay iyo islaamku inaanu caddaalada ugu deeqin muslimiinta oo keliya balse uu gaadhsiiyay dhamaan khalqiga ,waxa aayadu tilmaamtay goobaha cibaadada waxyeelo in loogaystaa xaaraan inay tahay, cidkastaa halahaatee, kiristaan, majuus,yuhuud,muslimiin .
Islaamka Xadaarada iyo ilbaxnimada uu la yimi waxa laga arki karaa dhulkii saxaabadu ay qabsadeen may dumin goobihii cibaadada iyo taallooyinkii ay ugu yimaadeen, waxana arintaa tilmaamaya dalka masar markii uu furtay saxaabiga Camar binu caas  muu dumin Asnaamtii iyo taalooyinka sida Abuu hawl iyo kuwa la midka ah ee waxa rasaas ku furay oo wax yeelo u gaystay Naabalyoon binnaa burrddi qarnigii 18 aad .
Muslimiintu way ixtiraameen taallooyinkaa iyo kaniisadahaa, sababtuna waxay tahay islaamku waxa uu aqbalay diimo kale inay jiri karaan, dadku xor inay u yihiin diinta ay rumaynayaan, Islaamku xitaa waxa uu faray caddaalad in lagula dhaqmo dadka cadawga muslimiinta ku ah ,waxana arintaa tilmaamaya .

وَلا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى) المائدة 8.)
“ yay idinku xanbaarin cadho aad cid kale u qabtaan inaad u caddaalad samayn waydaan, caddaalada sameeya iyadaa cabsida Alle u dhawe”

Caddaalada islaamku waata tix gelisay in kala diin la noqon karo, kala maslaxad la noqon karo, waxana arintaa tilmaamaya saxaabada iyo rasuulku markay Makka joogeen cidna khasab ugumay baaqin, waxay rabeen xoriyadooda inay ku wataan diintooda ,waxa arintaa diiday kufaartii reer makka , markii saxaabada iyo nebigu qabteen Madiina waxa ka daba tegay oo la dagaalamay kufaartii quraysheed , hadii qurayshi ogolaan lahayd nebiga -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-iyo saxaabadu diintooda inay ku wadaan si xoriyada dagaalo badan oo dhex maray iyaga iyo rasuulka ma dhaceen , basle quraysh iyadaa diiday nabad inay kula noolaato nebiga -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- iyo saxaabada .
Nidaamka loo yaqaano edegaynta caalamka (Globalization) ee reer galbeedku adeegsadaan waa nidaam raba caalamka inuu gacanta u geliyo cidda xooga badan iyadoon la dhawrin xaqa cida awood daran, waa nidaam raba meesha inuu ka saaro kala duwanaanshihii bulshooyinka , waa nidaam isku fuuqsanaya xuquuqdii  shucuubta oo gacanta u gelinaya dawladaha reer galbeed ee awooda badan, waxana sidaa la mida nidaamka dhaqaalaha ee layaqaan raasamaaliyada (Capitalism).
Islaamku waxa uu qiray wada noolaanshaha xaddaaradaha, xadaarada hindiya, xadaarada shiinaha, xadaarada jabbaan, xadaarada muslimiinta, xadaarada afrika ,iyo dhamaan xadaaradaha kale si loo helo xadaaradu ku dhisan dhaqamo kala duwan, aragtiyo kala duwan, horu-maro kala duwan, iyo waayo aragnimo kala duwan, waxana ka dhaxaynaya caddaalad, is tix-gelin kala faaiidaysi ,waxana halkaa laga dareemayaa saraynta islaamka iyo macnaha balaadhan ee ku jira xadaaradiisa iyo aragtidiisa iyo sida uu uga duwan yahay nidaamkaa edegaynta caalamka ee raba meesha inuu ka saaro ummaddaha iyo bulshooyinka kale xuquuqdooda iyo jiritaankooda .
Islaamku si loo dhaqan geliyo Caddaalada waxa uu ku baaqay nidaamka wada tashiga iyo in talada laga qayb geliyo dhamaan shucuubta ,shacab kastaana xaq u yeesho talo iyo aragti inuu ku yeesho arimihiisa ,waxana wada tashigaasi dhidibada  u taagayaa wada noolaansho ku dhisan caddaalad iyo is tixgelin, wada noolaansho ku dhisan wax sixid iyo wax toosin, wada noolaansho ku dhisan wadaagid iyo wax wada lahaansho ,waxana nidaamkaa loo yaqaan islaamka dhexdiisa (shuuraa ) oo macnaheedu yahay wada tashi.

“ Nidaamka wada tashiga islaamku waxa uu yahay iyadoo la wadaago aragtida go’aan qaadashada, oo aan qof keliya keligii goyn go’aanka bulshada ama ummada ama koox dadka ka mida basle waa in la wadaago”
Dig-taatooriyadu waxay dilaysaa hanka bulshada iyo muj-tamaca ,waxay meel kaga dhacaysaa jiritaankooda iyo caddaaladii, waxay tirtiraysaa sinnaantii iyo kalsoonidii shacabka iyo xukuumada ka dhaxaysay , waxa loo baahan yahay nidaam ku dhisan wada tashi iyo wax wadaag, maaha dawlada oo keliya cidda looga baahan yahay wada tashigu balse waa cid kasta oo maamusha xarun iyo goob ka dhaxaysa dadka .
“Nidaamka wada tashiga islaamku waa caddaalad bulshadu xaq u leedahay tilmaamayana in loo sinnaado qaanuunka iyo shuruucda”
Qaanuunka in loo sinnaado waxa qoraya dhamaan Dastuurada iyo shuruucda bulshooyinka balse in la dhaqan geliyo ayaa adag,waxana islaamku ku baaqay nidaamkaa Shuurada in la dhaqan geliyo ,si loo helo bulsho ay ka dhaxayso caddaalad ,sinnaan, iyo is tixgelin, bulshadu hadii ay dhaqan geliso nidaamkaa shuurada waxa meesha ka baxaya shakiga ,dulmiga , yasida, kala saraynta , sad bursiga iyo wax kasta oo dhib ku ah bulshada, waxa imanaya horu-mar iyo aragti saxan oo bulshadu ku hogaamiso nolosheeda .
Nidaamka shuuradu waxa uu tix gelin siiyay dhamaan qaybaha bulshada ,rag, dumar, caruur, waawayn, faqiir iyo qani ,cidna ma ogola xaqooda in meel lagaga dhaco.
Dadka qaar ayaa u maleeya Nidaamka Shuuradu inuu yahay ,hogaamiyaha oo isugu yeedha koox uu rabo ka dibna inta uu talo waydiiyo waxa uu rabo sameeya, sidaa way ka duwan tahay waanay ka macno balaadhan tahay, shuuradu waxay ka mid tahay asalada diinta, maaha furuucda , mana aha wax marka la doonana la sameeyo marka la doonana laga dhaqaajiyo balse waa nidaam joogto ah oo talo wadaag ku dhisan ,waajibna ay ku tahay qofka hogaanka ah inuu la tashado dadka aqoonta iyo garashada leh ,dadka khibrada iyo waayo aragnimada leh, dadka indheer-garadka ah, dadka matelaya bulshada kana ah hor-joogaha .
Shuuradu waa Nidaam dhan oo ka mida rukunada iyo tiirarka islaamka ,quraankuna waxa uu waajibiyay Shuurada, marka uu muslimiinta iyo siday u dhaqmaan ka waramayayna waxa uu yidhi .
) وَأَمْرُهُمْ شُورَى بَيْنَهُمْ ) الشورى38
“mu’miniinta wadatashi baa ka dhexeeya”
Waa nidaam faral iyo waajib ku ah bulshada muslimka ahi inay hir geliso,ku dhaqanto , tixgeliso , barto qaybaha bulshada ,wax kasta ku dhamayso wada tashi iyo aragti wadaag.
Faral-nimada nidaamkan shuuradana waxa cadaynaya quraanka ,aayadaha ka hadlaya waxay ku yimaadaan luuqad ahaan tilmaamta wax lagu amro, nebigana -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- sidaa ayaa la faray ,oo la yidhi la tasho saxaabada .
آل عمران 159. (وَشَاوِرْهُمْ فِي الْأَمْرِ )
“nebi allaw talo wadaag la yeelo saxaabada “
Amarka nebiga -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- lugu siiyay inuu hir geliyo nidaamkan wada tashiga ah ee shuurada waa mid kelidii aan ku koobnayn ee dhamaan hogaamiyayaasha iyo wax garadka bulshada ku waajiba, waa nidaam lagaga dayanayo rasuulka ,waana sifo iyo calaamad ay ku tilmaaman tahay bulshada muslimka ahi iyo astaan mar walba waajib ay tahay inay ka muuqato dawladnimadooda iyo nidaamkooda .
Nidaamka shuuradu waxa uu dhidabada u tagaayaa sinaanta bulshada ,waxana islaamku ka duwan yahay koox yari inay madaxa qabsato dadka kale ,koox yari inay af-duubto xuquuqda iyo jiritaanka dadka kale, koox yari inay majaraha iyo hogaanka u qabato tiro badan oo raali ka ahayn.
Reer galbeedka 20% waxa dishay daacaa qudhun iyo dhereg ,waxay ku tagri falaan hantida caalamka yaala 86%, saxna maaha iyo wax quman caalamka dadna dhereg inay is hayn kari waayaan ,qaar kalana gaajo iyo macaluul la bakhtiyaan ,waa arin khaldan oo ku dhisan qalooc iyo araxan daro.
Waa dulmi marka reer galbeedka oo lagu qiyaaso tiradooda 20% ay gacanta ku dhiganaa hantida caalamka 86%, oo ay uga tagaan dad tiradoodu gaadhayso 80% hanti aan ka badnayn 14%,  iyagoo adeegsanaya nidaamka ribada iyo nidaamka raasamaaliyada ee khilaafsan nidaamka silaamka iyo cadaalada uu ku baaqay.
Islaamku waxa uu ka dhigay hantida iyo dhaqaalaha  bulshada mid ka mida mulkiga ilaahay ,waxana uu diiday dad gaari si qaldan inay ku hantiyaan kuna maamulaan, waxana uu ku baaqay cadaalad iyo sinnaan in lagu maamulo ,waxna la siiyo dadka baahan iyo kuwa bilaa hantida ah.
وَآتُوهُمْ مِنْ مَالِ اللَّهِ الَّذِي آتَاكُمْ) النور 33. )
“ maalka ilaahay ee ilaahay idin siiyay wax ka bixiya”
Hantida dunida guudkeeda taala waxa iska leh ilaahay ,waxana islaamku faray bulshada inay maalka ilaahay masuulka uga dhigay u maamusho cadaalad iyo sinnaan, qofku inuu daryeelo dadka waxba aan haysan ee baahan, wax inuu ka siiyo xoolaha ilaahay ee isaga ilaahay masuulka uga dhigay.
Nidaamka shuyuuciyadu (Communism) waxa uu ku dhisan yahay maalka bulshada oo dhami inay wada leedahay ,hanti wadaag, waxana meesha uu ka saarayaa xoriyadii qofku u lahaa inuu hanti gaara yeesho ,caddaaladii tilmaamaysay maalka isagu inuu isagu masuul uga yahay ilaahay lagana xisaabin doono .
Nidaamka raasamaaliyaduna (Capitalism),waxa  ku dhisan yahay dadka inyar oo ka midi inay dhaqaalaha badankiisa gacanta ku dhigto oo dadka kale ku hayso dabaqada faqiirnimada ,hanti goosad, waana nidaam ku dhisan cadaalad daro iyo sad bursi .
Nidaamka islaamka ee ah Shuuradu waxa uu ku dhisan yahay qofku xaq in loo siiyo wax inuu hantiyi karo, iyo dadku inay u sinnaadaan hantida guud iyadoon dad gaara la ogolayn inay ku qabsadaan dadka afduub balse waxna waa in si gaara loo kala lahaado, waxna loo sinnaado lahaanshihiisa ,waana nidaam cadaalad iyo dhexdexaadnimo ku dhisan.
Sheekh Maxamed cabbdo isagoo ka hadlaya quraanka iyo sida uu uga waramay nidaamka dhaqaalaha waxa uu yidhi :
“quraanka kariimka ahi maalka marka uu ka hadlayo 7 aayadood ayuu ku tilmaamay hantida qof ahaaneed ,halka 47 aayadood uu ku tilmaamay hantida guud ee Ummaadu leedahay ,waxana arintaasi tilmaamaysaa  islaamku inuu tixgeliyay qofka gaar ahaantiisa iyo ummada guud ahaanba ,qofku xaq in loo siiyay wax inuu hantiyi karo iyo qofku ummada inuu ka midyahay ,ummaduna ilaahay masuul uga tahay hanashada hantida iyo waliba in la horu-mariyo hantidaa “
Sheekha hadalkiisa waxa laga garanayaa muhimmada maalka guud ummada u leehayahay iyo waajibka ka saaran ummada in la horu-mariyo maalkaa iyo waliba in lagu dhaqo cadaalad iyo sinnaan, in lagu maamulo nidaamka shuurada ee ku dhisan tala wadaaga, iyadoo la tixglinayo iyadana maalka iyo hantida gaarka ah ,qofka hantida gaarka haystana ay waajib ku ah xuquuqda alle inuu ka gudo .
 Imaam samakhsari waxa uu ku fasiray kitaabka kashaafka aayadan :
-"وَآتُوهُمْ مِنْ مَالِ اللَّهِ الَّذِي آتَاكُمْ"
 oo macnaheedu yahay “ maalka ilaahay ee ilaahay idin siiyay wax ka siiya dadka xaqa u leh “ waxa sheekhu ku macneeyay maalka gacanta qofka ku jiraa maaha maalkiisii dhabta ahaa ee waa maalkii ummada markaa xuquuqda ummada waa inuu ka gudaa .
Nidaamka keliya ee xaqiijiyay caddaaladii saxda ahayd waa nidaamka islaamka ,waayo nidaamka islaamku waxa uu qofka xaq u siiyay inuu hanti yeesho  balse hantida ka bixiyo waajibaad sadaqo, sako , waxa kale oo qofka loo diiday inuu si xaqdaro ah hanti ku yeesho , xad-gudub iyo dhib dadka kale gaadhaysa waa inaanu ka taajirin, hantda guud ee ummadana islaamku waxa uu faray in la horu-mariyo ,la kocbiyo loo sinnaado caddaalad iyo wada tashina lagu maamulo, markaa islaamku waxa uu tixgeliyay hantidii gaarka ahayd iyo tii guudba .
Nidaamka shuuciyada iyo raasamaaliyadu waxay ku xad-gudbeen xuquuqdii bulshada iyo tii qofka , shuuciyadu waxay diidayba qofku si gaara inuu wax hantiya ku yeesho ,taasina waa xuquuqdii qofka oo meel lagaga dhacay , raasamaaliyaduna dadk gaara ayay u xidhay dhaqaalihii guud ,dad gaara ayaa si qaldan loogu afduubay khayraadkii bulshada ,labada nidaam kuma dhisna caddaalad iyo sinnaan.
Islaamku waxa uu qofka iyo bulshada geliyay rajo danbe ,qofka qalad gala xisaabtiisu inay imanayso aakhiro, hogaamiyaha si daacada wax u maamuli waaya xisaabtiisu inay iman doonto, dadka si gaara masuuliyad u qaaday ee ku tagri galay xisaab adag inay la kulmi doonaan ,dhibi aduunyada way jiraysaa laakiin xisaab ayaa ka danbaynaysa sida aayadani sheegayso.
"إن تَكُونُوا تَأْلَمُونَ فَإِنَّهُمْ يَأْلَمُونَ كَمَا تَأْلَمُونَ وَتَرْجُونَ مِنَ اللَّهِ مَا لَا يَرْجُونَ".النساء 104.

“ hadii aad tihiin kuwo xanuun iyo dhib dareemaya ,kuwa qaladka ku jiraa waxay dareemayaan dhib iyo xanuun, waliba idinku waxaad ilaahay ka rajaynaysaan wax fiican iyo caddaalad aan iyaga dani ugu jirin “
Islaamku waxa uu dadka baray rajada iyo amalka , lama ogola quusashada iyo niyad jabka ,ummada islaamku waa umad qalbi furan ,rajo badan, amal iyo yididiilo ku nool, hadii dhibi dhacdo waa kuwo ku sabra dulqaad iyo dadaala la yimaada, dhib kastaa waxay leedahay wakhti ay dhamaato ,rasuulkuna isagoo arintaa ka hadlay waxa uu yidhi .
لا يلبس الجور بعدي إلا قليلا حتى يطلع فكلما طلع من الجور شيء توارى من العدل مثله حتى يولد في الجور من لم يعرف العدل ثم يأذن الله سبحانه وتعالى بالعدل فكلما طلع من العدل شيء توارى من الجور مثله حتى يولد في العدل من لم يعرف غيره"في معنى الحديث.
“dulmigu wax yar ka dib wuu soo bixi ,caddaaladuna way sii yaraan ilaa marka ugu danbaysa caddaalada la waayo ,dadka dulmiga ku dhashaana ay garan waayaan caddaaladu waxay tahay iyo inay jiri jirtay, ilaahay ayaa ogolaanaya caddaaladu inay soo laabato ,mar kasta oo caddaaladu ay soo korodho waxa yaraanaya dulmiga  ilaa marka ugu danbaysa qofka caddaalada ku dhashaa garan waayo dulmigu waxa uu yahay iyo in dulmi jirijray “
Dooda lagu raadinayo caddaaladu way jiraysaa, muuqaalada dulmiga dagaalka lagula jiraanaa wuu soconayaa ,dig-taatooriyada ,khasabka ,cabudhiska iyo caga juglayntuna way daciifayaan ,waxana bedeli doona doorsho ku dhisan caddaalad, xoriyad ku dhisan is tixgelin, kala danbayn ku dhisan sharci iyo qaanuun qof waliba xaqiisa qaato, wanaaga oo lays faro iyo xumaanta oo layska reebaa waxay ahaanaysaa dhaqan joogto ah sida quraanku tilmaamayo.

)وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ التوبة 71)
“raga iyo dumarka muuminiinta ahi iyagaa is xiga, waxay is faraan wanaagga, xumaantana way iska reebaan”
Islaamku culimada waxa uu saaray waajibaad gooniya, caddaalada inay ku baaqaan kana sheqeeyaan, culimadu xor inay ahaadaan xoriyadda dadkana difaacaan, darajada islaamku siiyay culilmada nidaam kale oo siiyay ma jiro ,culimadu waxay ka sareeyaan hogaamiyayaasha, waxay leeyihiin talada iyo nasteexada ummada ,waxa uu yidhi sheekh imaam al qaasaali ,kitaabkiisa Ix-yaa culuumu diin , culilmadu haday tagaan albaabada madaxda waxa lumaysa xoriyadoodii ,toosnaantoodii, dhex-dhexaadnimadoodii, kalsoonidii iyo sharaftii ummadu huwisay .
Islaamku waxa uu la dagaalamay Nidaamka ribada ,ribadu waa qofku inuu hantiyo maal aanu shaqaysan kuna dhididin ,waraaqaha lacagtoo la dulsaarto lacag lagu dhibayo qofka daynsaday ee u baahan, hantida saxda ahi waata qofku shaqo ku keeno.
Waxaan majjallad faranisiisa ka akhriyay war sheegaya booqsho uu ku tagayay dalkaa faransiiska baabaha kiristaanku ,waxay kusoo beegantay booqashadu xiligii ay jirtay dhakhaalaxumadii ku dhafatay dalka maraynkanka iyo yurub, intaanu soo gaadhi baabuhu dalka faransiiska ayay waxa qortay majjalladaasi weedhan .
“waxaan u baahanahay quraanka inaan akhrino in ka badan intaan akhriyayno fariimaha baabaha ,nidaamka dhaqaalaha ee islaamku lacagta lacag ma dulsaaro,nidaamkaa islaamka ee ka madhan ribadu waaka lagaga bixi karo dhibta dhaqaale ee uu horseeday nidaamka raasamaaliyadu”
Bulshadaa faransiiska ee kaatooliga ahi siday u fikirayso markaan u fiirsano waxaan dareemaynaa islaamku inuu yahay ka saxda ah, islaamkana ilaahay kor inuu yeelayo xili kasta iyo wakhti kasta .
(لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّه)الفتح 28.
“ Si diimaha kale oo dhan uga korraysiiyo”
Majjalladaas oo keliya maaha kuwa ka waramay saraynta islaamka ,dhamaan joornaalada reer galbeedku iyagoo kiristaana way amaanayaan nidaamka iyo habka dhaqaalaha islaamku u maamulay una jideeyay in loo maamulo .
“Aragtida Masuuliyada dunida ee ummada ilaahay gacanta u geliyay macnaheedu waxay tahay  maalka iyo khayraadka waxa abuuray ilaahay isagaana dhex dhigay dunida waxana uga masuula ummada ,caddaalad iyo sinnaana waa inay ku kobciso kuna maamusho”
Ilaahay isagoo dadka hantida haysta la hadlaya waxa uu  yidhi :

وَآتُوهُمْ مِنْ مَالِ اللَّهِ الَّذِي آتَاكُمْ) النور33. )
“ maalka ilaahay ee ilaahay idin siiyay wax ka bixiya”

وَأَنْفِقُوا مِمَّا جَعَلَكُمْ مُسْتَخْلَفِينَ فِيهِ)الحديد 7.)
“wax ka bixiya maalka aanu masuulka idiinka dhignay”

Islaamku waxa uu faray dadka naxariista , is jacaylka, wax wadaaga iyo wadanoolaanshaha , waxa uu diiday danaysiga iyo keli noolaanshaha ,nacaybka iyo hanti goosadka ,kibirka iyo xad gudubka .
كَلَّا إِنَّ الْإِنْسَانَ لَيَطْغَىأَنْ رَآهُ اسْتَغْنَى) العلق 7,6. )
“Saas ma aha ee aadanaha wuu xadgudbayaa. Markuu isku ogaaday inuu kaaftoobay”
ugu danbayn hogaanka iyo amarka kore waxa iska leh rabi, isagaa dadka iyo hantidooda maamulaya ,qofka iyo bulshada fulisa sida uu amray waxa uu siinayaa barako iyo korodh, bulshada ka leexata xaqa iyo nidaamka uu jideeyayna waxa uu kusoo dabaalayaa faqri iyo imtixaan, waxana ay hirdayaysaa gidaar adag oo dhibaato ah .
xadaarada dhabta ahi waa xadaarada islaamka ee dhiiri gelinaysa samo falka iyo is taakulaynta , wada tashiga iyo cadaalada, sinnaanta iyo is ixtiraamka, wada noolaanshaha iyo is tixgelinta ,caddaaladuna waxay ahaanaysaa tiirka nolosha iyo udub dhaxaadka barwaaqada .


“ ilaahay waxaan waydiisanaynayaa inuu inoo taabo geliyo caddaalada “

وسلام الله عليكم ورحمته وبركاته.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes