Islaamka sida uu u dhamaystiran yahay

Islaamka sida uu u dhamaystiran yahay
Islaamku waa diin caalami ah oo nidaaminaya dadka oo dhan, ma suurtagalayso in dad gaar ah lagu soo koobo, caalaminimadan oo deeqaysa kooxaxa oo dhan si aan khilaafsanayn diinta ayaa waxay ka dhigtay xiriirka islaamka uu dadka la leeyahay labo mustawo:


Kan koowaad: inay rumeeyaan oo ay soo galaan, markaa waxay soo hoos galayaan ujeeddooyinka shaanta oo dhan.


Kan labaad: waa inay tixgeliayaan oo ay ka iska daayaan si dadka uu u gaaro oo marka ay nabadgeliyaan muslimiinta, oo ay soo hoos galaan xadaaraddiisa ka muuqanaysa nidaamka nolosha oo wata ojeeddooyinkiisa diinta ka sokow.


Halkan islaamka xadaaraddiisa wuxuu keenayaa dhulka iyadoo ah labo qaybood (waxyiga iyo jiritaanka) arrinkaas oo ka soo horjeeda in islaamka raacsan yahaydad kale, iyadoo ay u sii dheertahay in la burburyo sheegashada ay ku faafinayaan caalamka guud ahaan, ummadda islaamka dhexdeedana gaar ahaan, annagu iskuma tuurno dadka kale dhabtooda asaas la'aan, markaa waxaannu seegaynaa jiritaankeena iyo xadaaraddeena, iyo dhammaan wixii na xoojinayo.


Ku sii dar arrintaas kulliyaadkan shanta ah -sida ay u dejiyeen- diimaha oo dhan waa lagu sugay, waxaa laga wadaa waa la sugay asalka khalqiga laga soo bilaabo Nabi Aadan -nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- iyo hadalka Allaha -sarreeyay- u jeediyay ilaa Nabi Maxamed -naxariis iyo babadgelyo korkiisa ha ahaatee- iyo hadalka Allaha -sarreeyay- u jeediyay.


Socdaalkan Alle wuxuu kula hadlay dadka inay ilaaliyaan ujeeddooyinkan shanta ah.


Annagu waannu isku waafaqsan nahay- muslimiin haddaannu nahay, waxaannu leenahay sharci gaar ah iyadoo diinta la socoto- ummadaha kalena afar waxyaabood oo ka mid ah ujeeddooyinkan ayaannu kala mid nahay, waxaannu kaga duwan nahay qadiyadda diinta, iyadoo sidaa ay tahay waxaannu ku adkaynaynaa inay diinta ilaaliyaan, waa inuu insaanka diin leeyahay oo uu rummaysan yahay inuu jiro manhaj oo dadka gaarsiiya ridaha Alle -cazza wa jalla-.


Waxaa ka farcamaya mas'aladan oo inoo caddaanaya in islaamku yahay diin iyo dowlad, taasoo waafaqsan macanaha gaarka aannu hoary u soo caddeynay, iyo inuu yahay dowlad, wuxuu ilaalinayaa ujeeddooyinka afarta ah ee soo horay.


Iyadoo si gaar loo fiirinayo in diinta gadaalba ha martee habayntan dhexdeeda, maxaayeelay diinta ma jiri karto haddii naf iyo caqli jirin, laakin axkaamta diinta maqaasidda oo dhan ayay ku daboolmaysaa, taasoo ka dhigaysa inay wada socdaan, waxyiga ayaa ah kan xukuma oo habeeya jiritaanka, taasoo sugaysa waxa soo hoos galaya inuu islaamka ku dhaboobayo xadaarad iyo dowladnimaba, axkaamtiisa ayay u hogaansamayaan haba yayna qaadanin diintiisa.


Habaynta kala mudnaanta iyo ka hormarinta masaalixda mafaasidda waxay ku waajibinaysaa ummadda inay ka tagto waxa yar oo ay eegto arrimaha waaweyn, iyo in laga shaqeeyo horumarka ummadda, iyo in laga soo leexdo arrimaha liita iyo luminta faradka iyo waajibaadka, waxaa laga wariyay Cabdullaahi bin Cumar -Alle raalli haka noqdee- in nin weyddiiyay isaga : qofka dilaya tixsi wuxuu yiri: dadka (reer Ciraaq waxay weyddiinayaan tixsi waxayna dileen wiilka gabadha Nabiga –naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee-)[1], wuxuu weyddiiyay wax fudud wuxuu ku gaboodfalay wax weyn.


In lagu dadaalo arrimaha waaweyn oo ummadda waqtigan la joogo ahamiyad u leh waa waajibka culimada ummadda iyo mufakiriintooda iyo madaxdooda, in lagu dadaalo cilmi baarista, horumarinta waxbarashada iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka, iyo dibunoolaynta wadashaqaynta fiican xagga shaqada qaranka bulshada qaybaheeda kala duwan, waxay ka fiican yihiin in xaj lagu soo celceliyo iyo cimro ama masjid in lagu ag dhiso masjid kale agtiisa, sidoo kale in laysku kaashado mashaariicda samafalka ah iyo daaweynta dadka jirran iyo daryeelka agoonta waxay ka fiican yihiin maal badan in lagu bixiyo waxyaalo qiimo lahayn, hormarinta waxyaalaha awlawiyaadka iyo habayntooda iyo in laga fogaado waxyaalaha yaryar, waxay keenayaan inay ummadan horumar gaarto, markaas waxaa laga helayaa khayriyada oo Alle -cazza wa jalla- sugay :


{ كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ} آل عمران 110


“ waxaad tihiin ummadii ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo saaray”.


Ilaahay haku saliyo sayidkeena Muaxamed iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa hana nabadgeliyo






[1] - waxaa wariyay Bukhaari (3543)
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes