Dhexdhexaadnimada Shareecada

Shareecada Islaamku waxa ay ku tiirsan tahay dhexdhexaadnimada. Ha ahaato cibaadooyinka gaarka ah iyo hab u dhaqanka guud ee dadkaba. Cid kaste oo fiirisa isla markaana indho-indhaysa cibaadooyinka Islaamka iyo dhaqamadiisa ba waxay si dhab ah u arkaysaa in aanu ka leexsanayn go'aanka dhexdhexaadka ah isla markaana uu diidaayo xagjirnimada taas oo keenaysa in gees loo xagliyo.

Kuwan soo socda ayaynu arintaas kusii caddaynaynaa:

Dhexdhexaadnimada Cibaadooyinka:

B)-Dhexdhexaadnimada cibaadada Salaadda:

Cibaadooyinka ay ka muuqanayso dhexdhexaadnimadu waxa ka mid ah Salaadda. Ma aha mid farabadan oo dhib keenaysa mana aha mid yar oo aan wax raad ah samaynayn. Bal se waa shan salaaddood habeen iyo maalinba. Iskamana hor imanayaan gudashadeeda iyo shaqada nolosha iyo raadsashada risiqa.Muslinku wuu shaqaysanayaa oo wuu dhibaatoonayaa oo wuu ordayaa oo soconayaa haddana marka salaadda loogu yeero wuu soo ajiibayaa waanu soo gudanayaa markaas buu ku noqonayaa shaqadiisii, sidaas baanu ugu shaqaysanayaa adduunkiisii iyo aakhiradiisii ba.

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نُودِيَ لِلصَّلَاةِ مِنْ يَوْمِ الْجُمُعَةِ فَاسْعَوْا إِلَى ذِكْرِ اللَّهِ وَذَرُوا الْبَيْعَ ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَكُمْ إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ (9) فَإِذَا قُضِيَتِ الصَّلَاةُ فَانْتَشِرُوا فِي الْأَرْضِ وَابْتَغُوا مِنْ فَضْلِ اللَّهِ وَاذْكُرُوا اللَّهَ كَثِيرًا لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ)(1)


Maalinta Jimce ha wuxuu ilaahay ka yiri:

 (Kuwa ilaahay iyo rasuulkiisa rumeeyoow haddii salaadda laydinku yeedho maalinta Jimce ha, u degdega ilaahay xuskiisa "Salaaddiisa", iibkana ka taga, sidaas baa idiin wanaagsan haddii aad garanaysaan [9]. Haddii ay salaaddu dhamaato ku faafa dhulka oo raadsada ilaahay dheeraadkiisa, Ilaahayna in badan xusa si aad u liibaantaan[10])

Wakhti badan qaadan mayso maalintii, balse ilaahay ayaa u gooyay wakhti gaar ah oo aan ku talaxtag iyo ka gaabis midna lahayn isla markaana gudashadeeda aan dhib iyo cidhiidhi midna lagala kulmayn.

(لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا)(2)

Ilaahay wuxuu yiri:

(Ilaahay nafna kuma waajibin waxay awooddo mooyee)

Waxa kale oo ilaahay yiri:

(فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ)(1)

 (Ilaahay ka cabsada inta aad awooddaan)

Guddashada salaadda iyo akhrinta qur'aanka waxa ku jira in aan sare loo qaadin hoosna loo dhiggin sida uu ilaahay uu yiri:

(وَلَا تَجْهَرْ بِصَلَاتِكَ وَلَا تُخَافِتْ بِهَا وَابْتَغِ بَيْنَ ذَلِكَ سَبِيلًا)(2)

( Salaaddaada sare ha u qaadin, hoosna ha u dhigin, waxaad ku dedaashaa in aad labadaa dhexdooda dariiq ka yeelato)

Iyo in aanu salaaddiisa u gudan si degdeg ah oo aan xasilooni lahayn. Haddii uu imaan yahay in aanu salaadda dheerayn dheeraansho ay dadka ku daba tukanayaa ay ku daalaan, bal se ay waajib ku tahay in uu salaaddiisa u guto isaga oo dhamaystiraaya shuruudeeda oo dhan kuna xasilaaya ilaahayna ugu khushuucaaya isaga oo aan dadkana ku dheerayn.

Markii uu Macaad dheereeyay salaadii wuxuu ku yiri rasuulku:

(Macaadoow dadka miyaad fidnaynaysaa, sidaas ayuu ku yidhi saddex jeer markaasuu usii raaciyay " Maad ku tujisid dadka suuradaha, sabixisma, wa shamsi iyo walayli waxa kugu daba tukanaaya mid gaboogay, mid tamardaran iyo mid dan leh)(4)

Ilaahayna wuxuu ina amray in aynu rasuulka ku dayano isaga oo leh:

(لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة لمن كان يرجو الله واليوم الآخر وذكر الله كثيرا)(3)


 (Waxaa idiinku sugan rasuulka ilaahay ku dayasho wanaagsan, qof bay ugu sugantahay ilaahay iyo maalinta danbe rumaysan oo ka rajo qaba isla markaana ilaahay xusa in badan)

Sidaas buu rasuulku isaga oo ah tilmaan wanaagsan, Nebi, mid danbiga laga ilaaliyay iyo kii lagu dayanaayayba haddana inoogu boorinayaa dhexdhexaadnimada isla markaana inooga reebayaa xadgudubka iyo ad adkaynta, ilaahay baana yiri:

(وَلَا تُلْقُوا بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ)(1)

(Ha ku tuurina nafihiina halaag

Ibnu-Mascuud waxa laga soo weriyay in uu yiri nebigu "N.N.K.H":

(Ha halaagsamaan kuwa ad adkeeya meelaha aan adaygu ku jirin)(2)

In qofku u naxariisto naftiisa ayaa iyaduna muhiim ah isla markaana saamaynteeda leh, xitaa haddii uu qofku la imanaayo mid ka mid cibaadooyinka, Islaamku wuxuu dadka ugu yeedhayaa in ay jidhkooda siiyaan qayb raaxo si ay u gudan karaan shaqooyinkooda gaarka ah iyo cibaadadooda ba.

Xandala El-Usayidi oo ka mid ahaa dadkii nebiga wax u qori jiray ayaa laga weriyay in uu yidhi: Waxaa ila kulmay Abu-Bakar, markaasuu igu yidhi: "Sidee tahay Xandaloow?" Waxaan ku idhi buu yidhi: " Xandala nifaaq buu sameeyay" wuxuu yidhi Abu-Bakar: " Ilaahay baa xumo ka nasahane, maxaad tidhi" Waxaan ku idhi buu yidhi: " Waxaanu la joognaa rasuulka ilaahay, wuxuu na xasuusinayaa Janno iyo Naar ilaa aanu is moodno in aanu arkayno ba, marka aanu ka nimaadno rasuulkana dumarka iyo ciyaalka ayaanu iskala ciyaarnaa oo ku mashquulnaa iyo weliba xoogsigayaga dabadeedna wax badan baanu ilownaa" Abu-Bakar baa yidhi: "Ilaahay baan ku dhaartee anaguna arintaas way nagu dhacday" Waanu is raacnay aniga iyo Abu-Bakar ilaa aanu usoo galay Nebiga "N.N.K.H" waxaan ku idhi: "Xandala nifaaq buu sameeyay rasuulkii ilaahayoow" Rasuulkii ilaahay baa yidhi: "Sidee wax u jiraan" waxaan ku idhi: "Adigaanu kula joognaa waxaad na xasuusinaysaa Janno iyo Naar ilaa aanu ismoodno in aanu arkayno, marka aanu kaa tagnana waxaanu la ciyaaraa oo ku mashquulnaa dumarka, carruurta iyo xoogsigayaga wax badana waanu ilownaa"

Rasuulkii ilaahay baa yidhi: " Ilaaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee haddii aad joogtaysaan sidaa aad ku jirtaan marka aad ila joogtaan iyo xuskaba, Malaa'igta ayaa furaashyadiina iyo dariiqaba idinku salaamaysa. Bal se Xandaloow waa saacad iyo saacad "Marba waa si") Saddex jeer ayuu rasuulku sidaa yidhi)(1).

Tanni waa naxariista qofka ee uu Islaamku jideeyay.Waxbarashadiisana ka dhigay in dadka iyada loogu yeedho laguna dedaalo.

                                                                                

T-Dhexdhexaadnimada iyo cibaadada Sakada:

Sidii aynu dhexdhexaadnimada salaada usoo aragnay si la mid ah ayaynu u arkaynaa dhexdhexaadnimada Sakada . Lama waajibin mar kaste laakiin waxa la yidhi " Xaqiisa siiya marka ay beertu go'do"(2)

Marka la gaadho wakhtigii ay Sakadu waajibaysay. Dahabka iyo Fiddadana marka laga soo wareego sanad. Haddii dedaalka la beerta la geliyay farabadan yahay waxa la bixinayaa wuu yaraanayaa.Haddii se dedaalka la geliyay yaryahay waxa la bixinayaa wuu badanayaa.

Wixii beerta midho iyo deleg ah ee biyaha cirku waraabiyeen iyada oo laga shaqayn isla markaana loo isticmaalin wax qalab ah waxa laga bixinayaa toban meeloodoow meel.

Wixii laga shaqeeyay ama se qalab loo isticmaalayna waxa laga bixinayaa toban meeloodoow meel badhkeed.

Wixii laga shaqeeyay isla markaana qalab loo isticmaalay waxa laga bixinayaa toban meeloodoow meel rubuceed, sida Sakada dahabka iyo fiddada. Maalka ganacsiga iyo wixii aan la shaqaysan ee dhulka hoostiisa laga hellayna waxa laga bixinayaa shan meeloodoow meel.


(1) Al-jumca, 9,10

(2)  Al-baqara, 286

(1)  Attgaabun, 16

(2) Al-israa ,110

(4) Waxaa soo saaray Bukhaari (705) iyo Muslim (465)

(3)  Al-axzaab, 21

(1) Al-baqara, 195

(2) waxaa soo saaray Muslim (2670)

(1)  waxaa soo saaray Muslim (2750)

(2) Muwada’a Imaam maalik (35)
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes