Dhexdhexaadnimada isjacaylka dadka dhexdiisa

Islaamku wuxuu ina amray dhexdhexaadnimada isjacaylka dadka dhexdooda waxaanu islaamku xidhiidhka dadka u dhigay miisaan caddaalad ah, taas oo loo miisaamay si isjacaylku usii socdo kalgacalkuna u waaro.
Sidaa daraadeed wuxuu islaamku inoo tilmaamay dhexdhexaadnimada isjacaylka iyo ka ganacsiga wanaagsan iyo in la badhxo la dhaqanka dadka isla markaana la dhexdhexaadsado reernimada lana joogteeyo wax wadaagista.
Haddii aad ka hesho oo uu ku cajab geliyo arrin ama ra'yi ama fikraddi ha u jeclaan jacayl daran kaas oo keenaya in aad iyada u dhimato ba, balse ka dhiga keliyaa doorasho ama se ka hellid.Adigoo isu diyaarinaya in aad ka noqon karto haddii aad ogaato in aan danni kuugu jirin.  Cumar ilaahay haka raali noqdee baa yiri:
 (Jacaylkaagu yuu noqon mid aad ku talaxtagtay oo saa'id ah, nacaybkaaguna yaanu noqon mid aad is odhanayso qofku ba muu dhinto ama se halaagsamo)
Sidoo kale Cali Binu Abii-Daalib ilaahay haka raali noqdee ayaa yidhi: (Qofka aad jeceshahay u jeclow si aad yar ah, laga yaabaa in uu maalin maalmaha ka mid ah uu noqdo mid aad necebtahay)

X-Dhexdhexaadnimada shaqaysiga:
Xoogsigu wuxuu ku jideysan yahay in wixii xalaal ah laga shaqaysto lagana dheeraado wixii xaaraan ah ee aan banaanayn nooc kaste oo uu yahay uguna horeeyaan ribada, khamaarka iyo wax kaste oo lagu soo qaato dariiq aan banaanayn sida Laaluushka.
Dhexdhexaadnimada Waxbixinta:
Tanni waxa ay u dhexaysaa bakhaylnimada ama dhabcaalnimada, iyo siin xoolaha si xun loo bixiyo ama se in la burburiyo ba, waana dariiqa tooska ah ilaahay baa ku yidhi Nebi Muxamed:

)وَلاَ تَجْعَلْ يَدَكَ مَغْلُولَةً إِلَى عُنُقِكَ وَلاَ تَبْسُطْهَا كُلَّ الْبَسْطِ فَتَقْعُدَ مَلُومًا مَّحْسُورً)(1)
(Haka yeelin gacantaada luquntaada mid ku xidhan, hana wadda fidin fidis dhamays ah oo aad ka murugooto)

Isaga oo ka hadlaaya xumaanta in xoolaha la daadaadiyo na ilaahay wuxuu yidhi:
قال تعالى: (وَآتِ ذَا الْقُرْبَى حَقَّهُ وَالْمِسْكِينَ وَابْنَ السَّبِيلِ وَلاَ تُبَذِّرْ تَبْذِيرًا)(2)
 (Sii xaqiisa qofka ku xiga iyo miskiinka iyo ka safarka ku jira hanna daadaadin xoolaha daadaadin)
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes