Arimaha sida loo kala horreysiiyo

Arimaha sida loo kala horreysiiyo
Qadiyadda habaynta kala mudnaanta ka dhexeysa arrimahan shanta ah looguma heshiinin si gaar ah, waayo habeynta dhanka laga eego ayaa kala duwan, ama waxaa kala duwan waxa laga fahmayo ereyga diinta ma waxaa loola jeedaa islaamka oo dhan? Ama cibaadaadka diiniga baraxtiran? qofka u arkay in ereyga diinta loola jeedo islaamka diinta ayuu ka hormariyay kulliyaadka kale oo dhan, qofka u arkay in loola jeedo cibaadaadka baraxtiran wuxuu hormariyay nafta tusaale ahaan.


Zarkashi ayaa qaatay habeyn aan diin lagu bilaabin wuxuu yiri : ( meesha labaad [qaybaha munaasibka xagga dhabta iyo qancinta] wuxuu u qaybsamayaa mid dhab ah iyo mid qancis ah, kan dhabta ah wuxuu u qaybsamayaa wax istaagi kara booska daruurada iyo booska baahida fudud iyo dheeraadka, kan koowaad waa daruuriga, wuxuu wataa ilaalinta ujeeddo ujeeddooyinka shanta ka mid ah oo sharciyada aysan isku khilaafin, balse way isku waafaqsan yihiin, iyaguna waa shan:


Midda koowaad: ilaalinta nafta: waxaa lagu ilaaliyay jideynta qisaaska haddii arrintaas jiri lahayn dadka ayaa qasmi lahaa nidaamkana wuxuu hallaabi lahaa.


Midda labaad: ilaalinta: maalka waxaa lagu ilaaliyay labo arrimood: midda koowaad : waxaa la waajibiyay damaanka wixii lagu xadgudbo, waayo maalka waa noloshu waxa ayku istaagi lahayd, midda labaad : waa in gacanta laga gooyo qofkii wax xado.


Midda seddexaad: ilaalinta taranka: waxaa la xarrimay sinada cuquubo ayaa la saaray, waayo sababaha waxay keenayaan in la isu hiiliyo oo la iskaashado, waayo nolosha ma suurroobayso in taa la helo mooyee caadi ahaan.


Midda afaraad: ilaalinta diinta: waxaa la jideeyay dil iyo dagaal, riddada darteeda iwm in wax loo dilo iyo in lala dagaallamo gaalada.


Midda shanaad: ilaalinta caqliga : waxaa la jideeyay xad in lagu oogu qofkii cabbo khamri, waayo caqliga waa tiirka fal kasta maslaxad la xiriirto, halaaabiddiisa waxay keenaysaa fasaad weyn, kan waa wixii ay ku heshiiyeen culimada usuulka[1]


Aniga waxaan arkayaa habeyn kale oo mandiqi ah taasoo ah:


“ ilaalinta nafta iyo caqliga iyo diinta iyo sharafta insaanka- sida hadda lagu magacaabo mar hore waxaa la dhihi jiray cirdi ama taran- -lahaansho- waa magac casri ah magacii hore wuxuu ahaa maal.


Habayntan waa marka loo eego inaan ula jeedno diinta halkan : shacaacirta oo u baahan niyad ama cibaado baraxtiran, ama cibaadaysi baraxtiran, xitaa haku sugnaadee mucaamaladaha, waxa aan ula jeedno diinta halkan islaamka ma aha, balse islaamka waa ka ballaaran yahay halkan diinta marka mafhuumkan la eego, wuxuu soo kulansanayaa ujeeddooyinkan shanta ah, markaas waxaa la xallinayaa mushkilooyin badan.


Islaamka wuxuu cibaaro ka yahay: hadalka Alle -subaaxanu wataacaalaa- ee ku wajahan dadka sidii loo qeexay : (waa wax Alle u soo dejiyay dadka caqliga saliimka oo u kexaynaya wixii waxtarka diintooda iyo adduuyadooda ku jiro).


Waxaan sidaan ugu habeeyay, maxaayeelay layskuma raacin in hab gaar ah loo habeeyo, habayntan waxaan u arkayaa inay munaasib ku tahay fikirka iyo casriga, sidaas oo kale inasaanka wuxuu ilaalinayaa naftiisa, kaddib caqligiisa kaddib xil baa la dul saarayaa kaddib diintiisa ayuu ilaalinayaa, kaddib sharaftiisa iyo hantidiisa.


Habyntaan markaan ku socono waxaannu ka dhignay nidaam u suubada sidoo kale dadka aan islaamka ahayn, waayo dadka dhan ayaa isku waafaqsan, ma jiro qaanuun bannaynaya dil gardarro ah ama xatooyo ilaa maantadan aannu joogno meel kasta adduunka laga joogo, taas waxay ka dhigaysaa nidaamkan guudka ah inuu deeqayo xadaarooyinka kala duwan oo ay muslimiinta sameeyeen marka ay u daayeen gaallada arrinkooda iyo kooxo kala duwan ah.


Habeynta kulliyaadka shanta ah sida aan soo suganay [nafta, caqliga, diinta, taranka, maalka] waa habayn mandiqi ah, waxay leedahay tixgelin, marka waxaa waajib ah in la ilaaliyo nafta taasoo falalka samaysa, kaddib caqliga oo sabab u ah xilka, kaddib diinta oo cibaadada ay ku sugan tahay oo tiirka caalamka ah.


Kaddib waxaan ilaalinaynaa wixii ka dhalanaya ilaalinta nafta iyo caqliga iyo diinta: taasoo ah in la ilaaliyo taranka insaanka iyo wixii la xiriira ama soo hoos galaya oo ah ilaalinta cirdiga iyo xuquuqda insaanka iyo sharaftiisa.


Kaddib waxaan ilaalinaynaa qadiyadda lahaanshaha taasoo camiridda adduunka ku dhisan tahay marka la isu dhiidhiibayo, maalkaas waa midka marka la wareejiyo matalaya muhimmad weyn oo ka mid ah lafdhabarka nolosha.




[1] - Al-baxr al-muxiid . Zarkashi 7/265-266
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes