Sidey ku ogaan kartaa gabadha ninka beenta wata iyo kan runta wata

Naagaha qaar ma fahmi karaan ninka inuu been u sheegayo mid mid mooyee, haddaba ninka markuu naagta shukaansanyo waxaa lagu garan karaa inuu been wato waxyaalo badan marka hore wuxuu isku dayayaa inuu gabadha ku raaxaysto isagoon mehersanin wuxuu leeyahay macaanto adiga ayaa mustaqbal ii ah aniga aad baan kuu jeclahay si kastaba waan ku guursanayaa xaaskayga mustaqbalka ayaad noqnaysaa, wuxuu daldalayaa hadaladaan oo runtii soo jiidasho ay ka tahay, waxaa kaloo lagu garan karaa inuu waalidkiisa iyo waalidkaaga loo sheego inuu ku rabo wuxuu isku dayayaa in arrinta labadiina ay idin ka dhexayso keliya wuxuu leeyahay abaayo macaan mustaqbalkeena annagaa garanayno, haddii gabadha ay ku dhahdo soo dedeji guurka wuxuu ku marmarsiyoonayaa inuu hadda wali wax gacantiisa soo galin abaayo labo sano kale aan isla socono ayuu leeyahay si uu u dheeraysto mudda shukaansiga, waxaa kaloo lgu fahmayaa beentiisa mar kasta uu gabadha la kulmo wuxuu isku dayayaa inuu ku raaxaysto gacmagacmeeyo, laakin ninka run ahaan guur u rabo gabdha wuu iska ilaalinayaa jirkeeda meel gaar ah lama galayo oo aan dad joogin sidoo akle wuxuu kula dhaqmayaa walaashiisa oo kale aad buu u ilaalinayaa sharfteeda waayo wuxuu ka rabaa mustaqbal
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

2 comments:

  1. Anonymous5/27/2015

    walaalayaal waxaa jira niman daacad ah oo gabdha ka doonayo inuu guursado oo mustaqbalkiisa noqoto haddana guurka ka daaho ama dib u dhigo sababo la xariiro dhaqaala la'aanta marka haddii aad dhahdaan ninkii guurka dib u dhigo waa beenloow soo gabdhaha ninka oo daacad ah lkn dhaqaalo dara heyso beenlow uma maleynayan

    ReplyDelete
  2. hadalka si fiican u akhri marka hore qofka guurka gadaal u dhigaya lacag ala'aan awgeed loolama jeedo ee waxaa laga hadlayaa midka wax kasta haysta gabadhana ku raaxaysanaya

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes