Ninkii naagtii xumaanta rabtay ka badbaaday qiso dhab ah


Waxaa jiray wiil dhalinyar ah oo iibin jiray aarikudheeshan ama marwaxooyin wuxuu wareegi jiray guryaha si uu dadka u tusiyo marwaxooyinka uu hayo, maalin maalmaha ka mid ah wuxuu tagay guri ay hal naag keliya joogto markay aragtay inuu yahay wiil dhalinyar ah oo aad u qurux badan waxay ka gadatay hal marwaxad waxay ka qaadatay mid labaad waxay ku tiri gudaha soo gal si aan u doorto midda aan rabo markuu soo galay albaabka ayay xirtay waxay ku tiri labo dooro inaad i fuushid ama inaan qayliyo dadka aan ku dhaho ninkan waa xoogi rabay, wiilkii wuxuu isku dayay inuu cadaabka ilaahay xusuusiyo oo yiraahdo Alle ka cabso laakin shahwo darteed wax dhan kama maqal markaas wuxuu ku yiri waan oggolahay laakin musqusha ayaan rabaa inaan aado si aan isu soo nadiifiyo aad  bay ugu faraxday musqushii ayay tustay markaas ayuu galay wuu isku soo xiray wejiga iyo jirkiisa ayuu xaar soo marsaday wuu soo baxay wuxuu ku yiri hadda ayaan diyaar ahay markay aragtay way qaylisay waxay ku tiri iiga bax guriga, markaas ayuu soo baxay gurkigiisa ayuu aaday wuu is nadiifiyay wuxuu marsaday dhalo miski oo dhan hadduu meel soo maro waxaa la dhihi jiray ninkii carafka badnaa ayaa halkan soo maray ilaa uu ka dhinto, dar alle ayuu uga tagay sinada ninkaa ilahayna khayr badan ayuu siiyay
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes