Dilaaca dabada maxaa keena maxaana lagu daaweeyaa

Maxaa laga wadaa dilaaca dabada

waaa jeex ama dilaac gudaha maqaarka dabada ku yimaada, marka ruuxa saxaroonaya xanuun daran u keenayaa

maxaa lagu kasi karaa inuu jiro dilaaca dabada

1- xanuun daran marka uu ruuxa saxaroonaya buu dareemaa
2- dhiig inuu ka soo baxo dabada saxarada kaddib
3- marka la fadhiyo in la dareemo xanuun daran
4- saxaro-adayg inay kugu dhacdo, waa sababka ugu weyn oo keena dilaaca dabada

sidee buu ku bilaabanayaa

wuxuu ku bilaabanayaa saxaro-adayg ama nabar

sababaha keena dilaaca

1- calool-adayga daran
2- ama shubanka badan
3- ama in si xad-dhaaf loo adeegsado waxyaalaha caloosha jilciya  
4- qofka inuu daahiyo saxarada muddo badan

sidee loo daaweeyaa

1- in la cuno cunto caloosha jilcisa sida qudaarta iyo furutiska oo kale
2- maalin kasta in la cabbo koob liin dhanaan ah oo qandac ah
3- in biyo qandac lagu  fariisto maalin kasta
4- cabbidda biyaha in la badsado
5- bamaatooyin loogu talaggalay in la mariyo

sidoo kale in la qaato daawooyinka
normacol waa daawo caloosha jilcisa hurdada ka hor ayaa la cabbayaa
sidoo kale bomaatadan xyloproct xanuunka ayay joojisaa meeshana way jilcisaa hal mar ayaa la marinayaa maalintiiba sidoo kale kaniinigan solpadeine  oo xanuunka joojiya seddex jeer ayaa la qaadanayaa, waxaa fiican daawooyinkan inaad qaadato marka uu dhakhtarka kuu qoro



 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes