Sacuudiga oo shardi uga dhigay maxram inay naagaha tagaan meelaha shiishadda lagu cabbo

BBC ayaa laga soo xigtay , khasab miyaa inuu maxram la socdo dumarka markay doonayaan inay shiisho cabaan?
Doodan ayaa ka socotay baraha internet-ka ee ay bulshada ku wada xiriiraan ee dalka Sacuudi Carabiya.
Doodan ayaa billaabatay kaddib markii la soo dhigay barta Twitter-ka sawir laga soo qaaday meel lagu cabo shiishadda.

Carabta iyo Shiishada

Goobtan lagu cabo shiishada ayaan loo oggoleyn in ay galaan dumarka aanay la socon maxramkooda.
Maxram la’aan laguuma oogalanayo in aad gashid oo aad xitaa ka qaxweysid hotellada qaar.
Shiishadda oo sidoo kale loo yaqaan Hookah ayaa ragga iyo dumarka ay isku si ugu cabaan gudaha wadammada Carabta.
Shiishadda ayaa lagu cabaa tuubo, iyadoo madaxa horana la saaro tubaako lagu daray qudaarta qaarkeed taaso dadka markey dhuuqaan ay qiiq sanka ka sii daayaan, waxaana la cabaa shiishadda xilliyada nasiinada.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes