sidee xaasgaaga uga dhigaysaa mid aad kuu jecel


Marka hore jacaylka waa qalbiga  hadaba inta badan waxaan diirada saarnaa sidii loo heshiisiin lahaa lamaanayaasha soomaaliyeed oo aad moodo in xiriirkooda jaceyl kii aay isku guursadeen aay kasiii gaabinayaaan.

Qodobadani iyo qodobada qaarb waxeey qaas u yihiin qofka xaas leh ama seey leh, maahan inaan ka hadleyno lamaanayaasha soomaaliyeed xiliga haasaawaha, kuwaasi wakhtigooda ayaan kahadalnaa wakhtina qoysaska dhisan ayaan ka hadalnaaa.

Hadaba akhristoow qodobada aanu fareeyno kuwa is qabaa adigoo qoys laheyn haku dhaqmin waayo danbi ba kaasoo gaari karo, isbuuciiba sadax qormo ayaanu soo qaadanaa labo waa kuwa lamaanayaasha midka kalena waa qoysaska soomaaliyeed sidii aay usii adkeyn lahaayeen jaceylka ka dhaxeeyo.

Yaan war kugu daalinee ceelka gudaha aan iskugu tuuro si aan usoo dhaamiyo sirta ku jirta gudaha hoose.

Qodobka koowaad ee aad jaceylka adiga iyo lamaanahaada idiinka dhaxeyo aad ku hormarin kartaa wa adigoo ku fikirin adiga iyo xaaskaaga/seeygaaga inaad labo kala tihiin , kaba soo qaad adinkoo hal ah wax walbo oo aay naftaada jeceshahay la jecloow, sidaad u jeceshahay in aay kugu naxarisato adne ugu naxariiso, sidaad u
jeceshahay in xumaanta lagaa illaaliyo adne ugu illaali, wax walbo oo aad naftaada u sheegi laheyd ama aad rajeyneyso lamaanahaada la wadaag maadaama aad hal naf inaad tihiin kaso qaaday, in lagu midoobo nolosha oo hal lagu noqdaana waxeey aad usii adkeeysaa jaceylka idiinka dhaxeeyo kaasoo maguuraan idiinku sii noqonayo…

Qodobka Labaad, lamaanahaada jaceylka aad u qabto mar waliba afka ha ugu sheegin mar mar isku day inaad xarakaad ahan ugu sheegto, sida xiliga uu tv-ga daawanayo intaad gadaal kga imaato oo aad qoorta ka shumiso, taasi wxey ka mid tahay adigoo jaceylkaaga si xarakaad leh ku sheegtay, isku day mararka qaar inaad ku dadaasho sidii aad uwada qabeysan laheedeen, cijiyaha iskaga jari laheedeen, I.W.M kuwaasi oo reebo xasuus jaceyl mida ugu kulul.

Qodobka Sadaxaad, isku day inaad lamaanahaada quraac, qado, iyo cashaba aad ugu talo gasho shumis, xusuusnoow shumisyada ayaa kala duwan oo habab kala wanaagsan ka turjumayo, sadaxdaas wakhti ukala badbadal shumiska, ogoow shumiska aad lamaanahaada ka shumiso labada indhood wuxuu ka turjumayaaa, inaad raaliyo u tahay rali buuxana had iyo goor aad ku tahay.

Hadaba akhristoow jaceylka dhabta ah iyo macaanta nolosha waxeey ku jirtaa adinkoo diinta islaamka u barto sida dhaqanka qoyska taasina waxeey kaalinta ugu horeeyso ka qaadataa jaceyl aan ebid salguurin.

Ugu danbeyntii waxaan xusuusinayaa dhamaan mucaashiqiinta soomaaliyeed in aay muhiim tahay in lamaanahooda aaysan ka eegin meelaha uu ka xunyahay, ogoow meel haduu ka xunyahay meel ayuu ka fiicanyahay, qofna dhan weliba kama dhameystirno sida xaqiiqda ahba, sidaa awgeed mar weliba isku day qeybaha uu ku wanaagsanyahay inad ka eegto, taasoo sii hormarineyso jaceylka idiinka dhaxeeyo
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes