Waxaa magaalada Muqdisho ka kala cararay fanaaniin majaajiilistayaal caan ah tan iyo wixii ka danbeeyay markii marshaale la dilay.

Cabdi muriidi dheere oo ay somalida u yaqanaan Ajakis iyo cabdi Maxamed ilkacase oo lagu Xasuusto sheekadii laca oo ay Wada sameeyeen Majaajiliistihii caanka ahaa allaha u Naxariistee Jayte, ayaa ka mid ah majaajiilistayasha muqdisho ka cararay.

Ajakis ayaa hada ku sugan magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland, waxaana la sheegay in uu wacad ku maray in uusan Magaalada Muqdisho ku laaban doonin inta ay socdaan dilalka Wariyayaasha iyo Majaajiliistayaasha.

llah u naxariistee Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo ka tirsanaa Majaajiliisteyaasha caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa dilay Kooho Hubeysan waxaana la dilay asaga oo sooman 31 bishiii Julay ee bishii a soo dhaafay, Xili uu isku Diyaarinayay afurka waxaana lagu dilay afaafka hore ee Hoyga uu ka daganyahay Degmada waabari.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
www.Nuxur.com
cabdixakiin@nuxur.com

Tags:

0 Responses to “Majaajiliistayaal uu ka mid yahay Cabdi Muriidi dheere Ajakis oo ka cararay Muqdisho kadib markii la dilay marshaale”

Post a Comment

Emailkaaga

Kala soco wixii cusub emailkaaga

© 2013 Raaxada guurka iyo Somali news. All rights reserved.
Designed by SpicyTricks