Hilib waraabe ma la cuni karaa



hilibka dhurwaaga waa la isku khilaafay culimada qaar way xarrimeen qaarna way banneeyeen

culimada banneeyey waxaa ka mid ah  imaam shaafici iyo imaam axmed iyo ibnu taymiya iyo ibnu-alqayim waxay daliilsadeen xadiiska jaabir oo ah

  عن جابر رضي الله عنه أنه سئل عن الضبع أصيد 
هو ؟ قال : نعم ، قلت : آكلها ؟ قال : نعم ، قلت : أشيء سمعت من رسول الله صلى الله عليه وسلم ؟ قال : نعم
رواه أبوداود والترمذى والنسائى


waxaa la weyddiiyay jaabir Allaah raali haka noqdee waraabaha ma ugaar baa ? wuxuu yiri haa waxaan ku iri ma la cuni karaa wuxuu yiri : haa markaas ayaan ku iri ma wax Nabiga   (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) aad ka maqashay miyaa wuxuu yiri : haa

culimada qaarna way xarrimeen waxaa ka mid ah dadka xarrimay  saciid ibnu masayab iyo imaam abuu xaniifa iyo  ibnu almubaarak iyo layth iyo sufyaan iyo xasan albasri iyo awzaaci iyo cbdurazaaq alsancaani, iyagana waxay daliilsadeen xadiiska ku soo arooray saxiixaynkabukhaari iyo muslim oo ah



عن أبي ثعلبة رضى الله عنه : أن النبي صلى الله عليه وسلم نهى عن أكل كل ذي ناب من السباع 
رواه البخارى ومسلم


Nabiga  (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu reebay in la cuno mid kasta mici leh oo dugaag ah

imaam maalik labo qowl ayaa laga hayaa mar inuu baneeyey marna inuu xarrimay

caalimka abuubar ibnulcarabi ayaa wuxuu yiri

وعجباً لمن يحرم الثعلب وهي تفترس الدجاج ، ويبيح الضبع وهو يفترس الآدمي ، ويأكله

waxaa yaab leh qofka xarrimaya dawaco iyada oo cunaysa digaaga wuxuuna baneeyaa waraabe oo   banii aadanka cuna

7 comments:

Anonymous said...

hilib waraabe yaa cunay

Anonymous said...

dhurwaa wuxuu cunaa bakhtiga iyo qashika oo dhan diinta waxy xarimtay wax kasta oo xun

saciid jaamac said...

axaadiis badan ayaa reebay dameer in la cuno dameerka sida la ogyahay ma cuno wax bakhti ah amaba hilib diinta waxaa kaloo ay diiday in la cuno xoolaha saxara cuno sida digaaga quud ka dhigta saxarada sidee ay xalaal ku noqonaysaa cunidda dhurwaaga

Anonymous said...

Diinu waa naqli e. Fikrad ma aha

cabbaas keynaan said...

waraabe hilibkisa qofkii cunaa qof nasab dhiman ah waa qof boon ah
waxii ilko kuro leh oo dhulka ku nool lama cuno marka laga rebo kuwa ku nool bada

cabbaas keynaan said...

waan ka xumahay in manta waraabe la moda maciin waliged lama shegin waraabe la cuna in u isaga wax cuna ma ahane

Abdika cadde said...

Wlh wayab waxan maqli jiray waraba wax cunay hadane asaba lacuna waxaa la dhahay nin aduunyo joogo maxaa aragti kulaban

Post a Comment

Followers