Home » , » Maxay jecel yihiin dumarka galmada kaddib

Maxay jecel yihiin dumarka galmada kaddib

Written By RG on Thursday, April 26, 2012 | Thursday, April 26, 2012

Weydii naagtaada qaabka ay jeceshahay in aad ugu sameeyso weerarka sariirta iyo goobaha ay ka kacsaneyso , sidoo kale haweeneyduna waa in ay iyana weydiisaa .

Haka kicin lamaantaada illaa aad ka weydiiso in uu gaaray gariirka galmada (Yacnii dharagtay) haweeneydana waa in ay weydiisaa iyana .

Haka kicin lamaantaada illaa aad ka weydiiso in uu gaaray gariirka galmada (Yacnii dharagtay) haweeneydana waa in ay weydiisaa iyana .

Gabaryaheey si aad ninkaada la haysto uga dhigato isu qurxi , ku dhalaali dhiinkaada qortiisa , roobna uga dhig dhunkasho iyo qoor gilin ogaaw ninku waa cunug weynaaday oo u baahan xanaano.

Qodobada ugu muhiimsan ee loo bahaan yahay in la sameeyo si loo helo raaxo macaan oo aan xishood ku jirin waxaa loo baahan yahay in lala yimaado .

Talaabaada koowaad ee loo baahan yahay waxa ay tahay in labada lamaane ahaadaan kuwo ka fog daal iyo fikir si loo helo gariir macaan oo dhanka galmada ah .
In jirka ahaado mid fir-forcoon maxaa yeelay hadii jirka daalan yahay lama helayo raaxo , ogaaw raaxadana waxa ugu macaan midda saqda dhexe .

In goobta labada lamaane ku raaxeysanayaan ahaato mid jawigeedu degan yahay aan shanqar laheyn ,(Ujeedka waxa ay thay in aysan imaaneyn wax galmada oo socoto joojin kara).

Ka hor inta aan weerarka la qaadin waxaa muhiim ah in lagu bilaabo hadalo macaan oo jilicsan , baashaalin , dhuuqmo , farakacayaar si wadada loogu xaaro in la helo dareen kacsan .

Ragga ayaa looga digayaa in marka galmada dhamaado in ay dhabarka u jeediyaan xaaska , maxaa yeelay haweenka marka galmada dhamaato waxa ay u baahan yihiin hadalo macaan , dhunkasho xabad gilin waayo waa ay uga sii macaan badan tahay raaxadii galmada aheyd ee dhacday .
Share this article :

7 Comments:

  1. Anonymous8/18/2012

    waxad ka jawaabtaan ma banaan tahay in ninku gabadha naaska ka jaqo mase banaan tahay in uu afka ka jaqo

    ReplyDelete
  2. Anonymous8/26/2012

    sxb tasi jawaab umabaahna in uu ninku xaaskii naaska kashumuyo ama kajaqo

    ReplyDelete
  3. haa xaaskaaga naaska waad ka dhuuqi kartaa haddii caano ay kuu galaan afka wax dhib ma laha taas waxaa qaba afarta mad'hab

    ReplyDelete
  4. waxaan leeyahay 2 naas oo kala wayn ninkayga muu igu nici karaa? waxaan iskula ekaysiiyo maheli karaa?dawo ama cream? marwalba waan ka walbahaaraa pleease ila taliya

    ReplyDelete
  5. walaal waxaan ahay gabadh aad uqiimo badan misna qurux alle siiyay ha ahaatee bani aadamku ma dhamaystirna ani waxaan leeyahay naaso kala wayn mid yar iyo mid wayn marka ninkaygu ma igu nici karaa abuurka alle? dawo ama cream lamariyo maheli karaa?

    ReplyDelete
  6. walaal way dhici kartaa labada naas inay kala weynaadaan, haddii kala weynaanta ay sii daran tahay, waxaa jira qalliin lagu sameeyo si loo simo labadooda taasna waxay u baahan tahay wadatashi iyo fikir

    ReplyDelete
  7. Anonymous4/16/2013

    assallaamucalaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh
    salaan qaali ah kadib idinkoo mahadsan ikhyaarta RG
    waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo hada dhawaan guursaday, walina xaaskaygii maanaan aqalgalin,, insha allaah hada ayaanse isu diyaarinaynaa, marka waxaan rabaa inaad iisheegtaan talona iga siisaan habka ugu fiiican ee galmada ugu horaysa loo samayn karo iyo saliida la isticmaalo marka galmo la samaynayo magaceeda iyo meesha aan ka heli karo,,
    waxaa kale ood ii sheegtaan cinjirka/kondomka halkee
    laga heli karaa

    waad mahadsantiihin
    in sha allaah jawaab dagdag ah ayaan idinka sugayaa
    jzkumulaahu kheyr

    ReplyDelete

Followers

 
RSS Feed: http://www.xidig.com/rss.xml
Copyright © 2013. Raaxada guurka - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger