Sababaha ragga ku kallifa inay la guursadaan xaaskooda

 Sababaha ragga ku kallifa inay la guursadaan xaaskooda iyadoo aysan jirin duruuf ku kallifaysa waxaa ka mid ah:
1- Raggu waa indho-ku-caasha oo hadday gabadh qurux badan arkaan way damcaan. Quruxdu waa shayga koowaad ee ragga soo jiita marka u horreysa. Marka inuu quruxdaas la dhaco oo uu guursado way dhacdaa.

2- Hadduu dhaqaale fiican Ilaahay siiyana sida badan wuu la guursadaa.

3- Hadduu rabo inuu dhalo carruur badan, isagoo carruur iyo xaas wanaagsan haysta way dhacdaa inuu la guursado.

4- In lagu sharfo gabadh oo la siiyo, taasoo uusan maya dhihi karin.

5- In walaalkii dhinto oo uu ku qasbanaado inuu dumaalo, isagoo fiiriniya maslaxda carruurta.

6-In gabadhi jeclaato sidey doonto ha ku jeclaatee (maal, cilmi qurux iwm) oo ay daba dhigato illaa uu oggolaado inuu guursado, taasoo ragga badankii u nugul yihiin.

7- Inuu qudba siro, si sahlan ugu guursado oo uu isleeyahay ku meel gaadh.

8- Inuu safar badan yahay oo uu is yidhaahdo meelaha uu safarkiisu u badan yahay guri deegaan ah ka sameyso.

9- Inuu gabadh diin leh arko oo uu saas ku jeclaado guursadana.

10- In gabadhu maal leedahay oo uu maalkaas damac kaga jiro oo uu saas ku guursado.

Laga yaabo iney jireen sababo kale, laakiin intaasaan kaaga sheegi karaa.

Haddaan ku daro duruufaha ku kallifa ama ku qasba inuu la guursado xaaskiisa:

1- Iyadoo aysan carruur dhaleynin xaaskiisu.

2- Xanuun ama jirro qaadata wakhti dheer.

3- Haddey tahay naag aad dhib badan oo uusan u adkaysan karin.

4- Naag ka soo bixi weyda maamulka gurigeeda iyo carruurteeda.

5- Ineysan ku fiicneyn sariirta oo uusan ku qanacsaneyn.

6- Iney kala fogaadaan, sida iyagoo 2 waddan ama 2 qaaradood ku kala nool.

7- Inuu gabadh si sharci darro ah ku uureeyo, ayna qasab ku noqoto inuu guursado.

Wacan, intaasaan hadda xusuustaa, waysi jiri karaan sababo kale ee ciddii ku dari karta ha noogu darto.


Salaam,

DW
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

2 comments:

  1. Anonymous2/17/2012

    thanks aad baad u mahadsantahay sxb

    ReplyDelete
  2. Anonymous3/04/2012

    asc wr wb walalaha rg aad baad u mahasantihiin runtii howshaad heysaan ilaahay ha idinka abal mariyo. intaas hadi aan ka gudbo ani gabar xaas ah baan ahay odeygaga wuu shaqeyya marka waxaan jeclaan lahaaa hadi aada awoodaan in aan cuntooyin nafaqo leh oo odoyaasha wax u tara sida loo sameeyo noo soo gelisaan taaas waa iga codsi. lacalla hadii aan damco in odeyga suprise romantic night usamee realy waxaan jeclaan lahaa delicious food in uu helo beside the roses and candles plzzzzzzzzzz isoo sheeega how to make different foods xattaaa cuntooyinka fudud oo shaqada lo qaato aad baad umahadsantihiin i just wanna make him happy

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes