Sidee ayaynu u Tarbiyadaynaa Caruurteena.

Mawduucan waxaan doonayaa in aan kaga hadlo wixii alle iga garansiiyo bal sida ugu fiican ee aynu caruurta u tarbiyadayn karno.

Waxaa mawduucan igu kalifay markii aan arkay hooyooyin badan oo ubadkii ay dhaleen caayaaya, dadka ku diraaya, xakhalaaqdiisa aan ka warhayn.

Yaa marka hore ka mus’uul ah tarbiyada caruurta?

Waxaa si toos ah uga masuul ah tarbiyada caruurta qofkii markaas gacanta ku haye sida: Aabe,hooyo, walaal ,edo, habaryar, abti,adeer iyo wixii la mida.

Tarbiyada uu ilmuhu u baahan yahay waxaa ay martaa heerar kala duwan iyadoo ay ku xidhantahay kolba heerka uu maraayo, hooyada ayaa waxa ay tahay ta ugu horaysa ee masuuliyada ilmaha qaada isla marka uu dhasho, kadib waxaa dhici karta in uu qof kale oo ehelka ahi uu damaanad qaado korinta ilmaha markaas qofkaas ayaa la wareegaya.

Marka ugu horaysa waxaa muhiim ah in hooyadu fahanto kolba heerka uu ilmaheedu taaganyahay nooca tarbiyadadeed ee uu u baahanyahay,

Waxaa fiican in ilmaha la baro sida fiican iyo kalmadaha fiican ee lagu hadlo, dadka loola dhaqmo, caruurta loola ciyaaro guriga loo joogo dariiqa loo socdo, wax loo cuno, wax loo barto gooraha ugu fiican ee aad ilmaha wax ugu sheegi kartaa waa markuu intaa wax ka mid ah uu gacanta ku hayo sida marka uu wax cunaayo in loo sheego qaabka cuntada loo cuno sidii uu xadiiskii Nabigu ahaa (SCWS).

Hadaba waxaad moodaa in taasi ay ka daboolantahay in badan oo bulshadeena ka mid ah gaar ahaan qaar ka mid ah hooyinka Waana dhib si toos ah inoo wada saamaynaysa hadaba arinta ugu horaysa ee si toosa loo baalmaro waa hadalka ilmaha la baraayo.

Waxaa jira hooyooyin badan oo isla marka uu ilmahoodu raad qaado afkana baranaayo ku bilaaba cay sid (aabihaa, awowgaa waxaa ku samee, kalab, i.w.m) ka dib ilmuhu ma garan karo mana qiyaasaayo waxani waxa uu yahay laakiin maskaxdiisu waxay u baahantahay oo kaliya wax ay duubto hadana soo celiso, muddo yar waxaad arkaysaa ilmihii oo hoyadii caayaaya sababta oo ay tahay hore ayay maskaxdiisa ugu duubmatay mana garanaayo cida ka mudan iyo cida kale, waxaa kaloo jira in ilmaha marka afka la baraayo dadka guriga joogaa qaarkood ay ku yidhaahdaan hebel cay anigaa kaa celinaayee waxaas iyo waxaas ku dheh oo inta badani ay cay tahay. Taasina waxay ilmaha ka dhigtaa mid cayda aanu wax xunba u haysan.

Inta badan waxaa dhacda in hooyooyinka qaar ka mid ahi ay ilmahooga marka ay caruur kale is diriraan ay ku tidhaahdo iska celi oo adiga oo hebal ama heblaayo iska celiya oo wado cad iska mariya mooyee ha ii iman, ujeedada ay hooyadu rabtaana waa in ilmaheedu uu noqdo mid geesi ah oo caruurta qayrkii ah iska reeba, hadaba markaa ilmaha sidaas loola hadlo wuxuu ku barbaarayaa axmaqnimo iyo dagaal jeclaan wuxuuna caadi u arkayaa wax kasta oo dhib ku ah bulshada kale waa sida hadda umada soomaaliyeed u badantahaye.

Waxaa mihiim ah in ilmaha laga koriyo jidh ahaan iyo maskax ahaanba, maaha in ilmaha cuntada oo kaliya la siiyo laakiin waa in wax fiican maskaxdiisa la galiyo si fiican loo koriyo oo wax fiican loo sheego.

Qodobo aad iyo aad Muhiim u ah Barbaarinta Caruurta.

1. In ilmaha marka uu dhaso Nadaafadiisa si fiican loo daryeelo si uu hadhaw caafimaad fiican u helo.

2. In la siiyo cuntooyin vitamin leh inta uu ku jiro muddada korniinkiisa kaas oo kolba da’da uu maraayo uu u baahan yahay cunto u gaara taasi waxay ka caawinaysaa maskax ahaan iyo jidh ahaanba in uu si fiican u koro.

3. In ishiisa iyo dhagtiisaba laga ilaaliyo waxyaabaha xun xun sida, cayda, film, heesaha iyo xanta.

4. In la baro sida wax loo cuno sidii Nabiguba (scsm) uu inanka yar u baray sida cuntad loo cuno ee uu yidhi ku bilow magic alle dhanka ku xigana ka cun.

5. In labaro sida nidaamsan ee guriga loo joogo iyo dhaqan wanaaga.

6. In lala saaxiibo ilmahaaga.

7. Baro asaxaabtiisa haddii ayna ahayn qaar u qalma ama akhlaaqdiisu ayna wanaagsanayan si fudud uga dhaadhici sidii uu uga hadhi lahaa.

8. Bar xaqa uu dadku ku leeyahay iyo ka isaga lagu leeyayahay marka aad la hadlaysidna kala hadal meel uu wax ka fahmi karo oo tusaalayaal la arki karo tus.

9. Uga sheekee dadka wanwanaagsan iyo asaxaabtii Nabiga (sc) iyo bulshada uu markaas la noolyahay dad fiican oo ka dhex muuqda siday heerkaa ku gaadheen.

10. Waani oo ka caawi in marxalad kasta oo noloshiisa ka mid ah sidii uu kaga gudbi lahaa iyo wixii kala gudboon sababtoo ay tahay adiga ayaa hore u soo maray wadadan sidaa darted waad garanaysaa wixii dhib kaaga timid iyo sidii loo xalin lahaa.

11. Ogow ilmahaagu wiil iyo gabadhba marka uu qaangaadho in uu mid kastaaba u baahan yahay in aad si gaara ula dhaqantid una sharaxdid waxyaabaha cusub ee noloshiisa ku soo biiray.

12. Ka ilaali in ilmuhu uu ku maqlo adiga oo wax caayaaya, xaqiraaya, been sheegaaya isagana ha ku samayn intaas midna.
WQ: Nimco Abdilahi articles
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

3 comments:

  1. mar ka hore adiga diinta baro , markaas ayaa wax kasta carruurta la bari karaa .. loo sheego beenta in ey wanaagsaneyn. waalidkooda i xtiraamaan ,schoolka ey san rabshad ku sameyn.

    ReplyDelete
  2. Anonymous2/09/2012

    asc walaal waxaan rabaa inaan idin weydiiyo illaah kheyr hadin siiyee ilmaha ku dhasha handicap, hanikab ma daciifnimo ka imaaday shahwada hooyada ama aabahaa miyaa mise farac oo qabo mise waa wax ka imaada xagga alle inoo cungaan ku dhasho handicap mahadsannidiin jawaab insha allaah

    ReplyDelete
  3. walaal handicap ku waa cudur Ilaah u keenaya isnaanka Allaah ha inaga ilaaliyee

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes