Magaalada Hargeysa Oo La Ciir-ciiraysa Xabxab Xad-dhaaf Ah Oo Ka Soo Go’ay Dhul-beereedka Galbeedka

Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey waxa ay la ciir-ciiraysay Xabxab xad-dhaaf ah oo ka soo go’ay dhul-beereedka Gobolada Galbeedka, ka dib markii sannadkan ay ka da’een roobaad badan, isla markaana ay dad badani jaanis u heleen inay Xabxab badan beertaan.

Guud ahaan suuqyada iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, ayaa meel walba waxa ay indhahaagu qabanayaan Xabxab la kala iibsanayo, iyada oo qiimaha la kala siisanayaa uu aad u jaban yahay, isla markaana ay dad badani awood u heleen inay qiimo jaban ku helaan Xabxabkii waa weynaa ee lacagta badan la kala siisan jiray. 

Sida oo kale gobolada dalka oo dhan ayaa waxa ay la ciir ciirayaan wakhtigan xabxab tiro badan oo ka soo go’ay deegaanada galbeedka Somaliland, kuwaas oo waayadan dambe caan ku noqday ama u jeedsaday dhinaca Beeraha, iyadoo aad moodo inay ka jeesteen dhincii xoolo dhaqatada.

Mar aan maanta booqday meel ka mid ah Goobaha Xabxabka lagu iibinayay, ayaa waxa aan halkaas kula kulmay mid tirsan hawl-wadeenadii Xabxabka iibinayay, waxaana aan wadydiiyey Xabxabka ugu faraha badani halka uu ka soo go’o, waxaanuu ku jawaabay oo uu yidhi “Horta Xabxabkan fara badan waxaa sababay roobabkii  badnaa ee saddankan waddanka ka da’ay. Waxaana Xabxabka badankiisu ka soo go’aa dhinaca Galbeedka ee Somaliland sida Gabiley, Arabsiyo, Alley-baday, Tog-wajaale, Ijaara, Xidhinta, Geed-ballaadh, Fara-weyne, Waalid-xoor, Goray, Boodhley iyo meelo kale.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Ciise Bullaale.

Cabdifataax Aw Jaamac oo isna ka mid ahaa dadka Xabxabka iibinayay oo aan is-na waydiiyey qiimeyaasha ay ku iibinayaan, ayaa ku jawaabay “Runtii xabxabku aad ayuu u jabay oo waxaa sannadkan soo go’ay Xabxab aad u fara badan oo meel kasta buux-dhaafiyey. Haddii aan wax kaaga sheeqo Qiimayaasha Xabxabka waa inta u dhexaysa dhawr kun ilaa dhawr iyo toban kun. Metelan xabbada weyn ee berigii hore la siin jiray 30,000 ee shilin, hadda waxa aanu siinaynaa 12000 shilin ama 10,000 shilin iyo wax ka hooseeya.”

Sida la wada og soon yahay, Xabxabka ayaa waxa uu ka mid yahay khudrada Ilaahay ku manaystey ummadiisa ee uu ugu talo galay inay quutaan, waxaanu wax weyn ka taraa caafimaadka dadka kalyo xanuunka ka cabanaya, waxa kale oo jira xanuuno dhawr ah oo uu wax ka taro Xab-xabku. Hadaba mudooyinkii u danbeeyay ayaa waxa suuqyada magaalooyinka Somaliland waxa buux dhaafiyay oo intuu ka batay bakhaaradii iyo goobihii lagu iibin jiray, uu daadsan yahay wadooyinka.

Magaalada Gabiley oo ka mid ah meelaha Xaxabka ugu badani ka soo go’o, ayaa mar keliya dhamaan meheradihii hore u iibin jiray khudradu ay hortooda iyo hareerahoodaba uu buuxdhaafiyay XabXab aad la yaabto quruxdiisa iyo sidda dhamayska tiran ee uu u bislaaday. Waxa kale oo aad ku dhex arkaysay magaalada gudeheeda isaga oo xab xabku si weyn uu ugu dhex daaday khashinkiisii, waxa kale oo aad la kulmaysaa iyada oo uu Xab-xab fayow oo nabar yar qabaa uu dhexdaadsanaa magaalada. Dadka ku nool magaalada ayaa waxay u isticmaalaan oo ku badasheen cunadii caadiga ahayd ee la quudan jiray.

Haddii aad dadka wax ka weydiiso waxa sababay sida xad dhaafka ah ee uu usoo go’ay xab xabku ayaa waxa ay kuu sheegayaa dadku in sanadkan ay da’een roobab ka badan intii hore ee di’i jiray, isla markaana ay dadku beereen in ka badan xadigii hore ay u beeran jireen markay ka niyad jabeen midhaha hay’ada WFP ku soo beegto xiliga dalaga la goynayo.

Geesta kale, Beerashada Xab xabka ayaan hore dalka Somaliland uga ahayn wax la tixgaliyo oo ninkii qotaana aanu u beeran jirin hab ganacsi  laakiin waxa sanadihii ugu danbeeyay si aan la qiyaasi Karin ugu soo badana dalka beerasha geedka xab xabka oo ah geed aan mudo badan waari Karin, waana sababta hay’ada WFP aanay dibada uga keeni Karin xabxab sida ay midhaha kaleba u keento si ay ugu jabiso beeralayda rasmiga ah.

Baabuurta waawayn ee galbeedka ka soo gala magaalada Hargeysa ayaa waxa ay badidoodu keenaan oo magaalada u soo diiqaan xab xab, hadaba xad-dhaafka beerasha xab xabka ayaa waxa uu ka batay intii looga baahnaa suuqyada maagaalooyinka taasina waxa ay keentay in dad badani u waayaan wax suuq ah xab xabkii ay mudada ka soo shaqaynayeen ee hawsha iyo wakhtiga badani ka soo galay, taasina waxa ay muujinaysaa sida aanay bulshadeenu ugu bislaan habka loo beerto khudrada ganacsiga u gaarka ah, waayo waxa meesha ka baxay oo gabi ahaanba laga dhaqaaqay in la beero, khudrado kale oo hore loo beeran jiray iyo midho kale kaddib markii hay’ada WFP khaati laga joogsaday.

Dhinaca kale, Xabxabku waxa uu ku baxaa biyo aad u yar ama roobab ka yar kuwa ay khudrada kale u baahan tahay, geedka xab xabku kama baxo oo kaliya beeraha bustaanada ah. Laakiin waxa uu ka baxaa oo sifiican looga beeraa beera roobaadka. Xiliga lagu jiro oo ah xiligii uu  sida ugu badan usoo ga’ay geedka xab xabku ayaa waxa ay dadkii beertay ee mudada ku soo tabcay ay u dhowyihiin in ay u waayaan suuq lagaga iibsado oo u qalma howshii iyo maalkii ay ku bixiyeen xiligii uu geedka ku yaalay, si ay uga helaan faa’iido.

Si kastaba ha ahaatee xukuumadda cusub ee xilka la wareegaysa ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabato hay’adaha ku tumanaya wax soo saarka dalka isla markaana curyaaminaya wax soo saarkii beeralayda, sida WFP oo dalka soo galisa raashin tayadiisu aad u hoosayso.

 C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

2 comments:

  1. Anonymous2/23/2012

    scww. Waxaan maqlay in xab xabku u fiican yahay xaga hamada ama raaxada labada is qabta. waxaan kaloo arkay in carabaha lagu cuno iniinyaha xab xabka oo la dubay. arintaasi ma khuraafaadbaa mise waa wax jira.
    mahadsanidiin.

    ReplyDelete
  2. haa xabxabka iniinihiisu waxay leeyihiin burutiin

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes