Dowladda imaraat-ka carabta ayaa markii ugu horeysay wax ka badashay sharciga is guursiga ee dadka wadankasi udhashay.

Dowladda imaraat-ka carabta ayaa markii ugu horeysay wax ka badashay sharciga is guursiga ee dadka wadankasi udhashay.
Haweenka United Arab Emirates ayaa loo fasaxay markii ugu horeysay in ay guursan karaan rag ajinabi ah oo aan wadankooda udhalan.
Caruurta wadankaas ama raga ayaa iyagana loo fasaxay in ay nolol lasameyn karaan oo ay guursan karaan gabdho aan udhalan Imarate-ka oo ajinabi ah.
Madaxweynaha isutaga imaarat-ka carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahayan ayaa yiri sidan.
“Waxaan shaacineynaa in gabdhuhu ay guursan karaan raga ajinabiga ah wiilshuna ay guursan karaan gabdhaha shisheeye laakin waa wiilkii gaara da,da 18 sano jirka”
Wakaalada wararka WAM state news agency oo kuhadasha afka dowlada Imarate-ka carabta ayaa sheegtay in ay arintaan ad usoo dhoweyeen dhaman haweenka wadankas kuwaa oo dhib kuqabay hadii ay caashaqaan rag shisheye ah in aaney guursan Karin.
Wadamada carabta ayaa kasoo laabanaya wadada qaldan ee xayiraada guurka iyo in aan shisheeyuhu guursan Karin gabdhahooda.
Wadanka Algeria ayaa 2005-tii loo fasaxay haweenkiisa in ay guursan karaan raga ajinabiga ah iyadoo sidoo kale 2007-dii isna wadanka Morocco haweenkiisa loo fasaxay guurkiisa raga shisheeyaha ah.


 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes