Somali guurdoon

Home » » Barnaamijka Barashada Aqoonta Galmada

Barnaamijka Barashada Aqoonta Galmada

Soomaalidu waa dad dhaqankoodu soo jireen ahaa balse waayadan danbe waxa aad isku soo bad badalaya dhaqamada nuucyadooda kala duwan waxyaabo anshax daro ku ahaa kolkii hore ayaa hadana caado kawada dhigteen Soomaalida dhan walbababa waa kuwa isbadalo kala duwan ku yimaadeen.

Waxaan Qoraalkani ugu tala galay inaan Codsiyada dadweyanaha ku abaaro ogaadana hadba sida ay ugu wada baahanyihiin Soo gudbinta Barnaamijkii aan waagii hore wadi jirneey ee Sirta Sariirta isla markaana aan ugu Magac darnay Galmada Barnaamijka oo ahaa barnaamij aan bulshada ugu adeegeenay ayaa hadana Sababo fara badan awgeed hakad galay.

Fikrada Akhristaha oo ah mid muhiim ah maadaama aan ushaqeeno Akhristaha ayaa hadana waxaan dooneeynaa inaan ogaano waxa uu aadka ugu baahanyahay iyo sida ay ugu kala baahanyihiin Mowduuca kore sida aad ka aragtaan waa Mowduuc dadku qaari dhibsadaan dadka qaarna jecelyihiin iney wax badan ka faa’iidaan.

Faqidada Sirta Sariirta oo ah barnaamij lagu bidhaan ifiyo Hordhaca nolosha Aqal galka kadib ayaa Waxa suura gal ino ahaan weenay inaan ogaano Fikirka dadweynaha Balse si aan Jawaabta dhabta ah u ogaano waxaan Dooneynaa Fikirkaaga (Commenst-kaaga) Fadlan dhanka hoose ku qor Fikirkaaga.

Sideed u aragtaa Barnaamijka Sirta Sariirta Ma waxaad taageersanyahay inaan sii wadno Mise inaan sidan u hakino, Muhiimada barnaamijku maahan wax saqajaanimo ah Kaliyah in Akhristaha u ifino Hordhaca Nolosha kuso foodka leh Fikrikaagu Waa Muhiim Akhriste kastoow sida ay kula tahay Noosoo Bandhig Jaaniskani waa Midkaagee.
Share this article :

16 Comments:

  1. Anonymous1/11/2012

    aniga waxan u arkaa barnamijkani in u yahay muhiid waxan qabaa in ad horey u si wadaan runti wax badan ayan ka faa'ideystey. Mahadsanidin

    ReplyDelete
  2. Anonymous1/11/2012

    waa muhiib barnaamijkani waayo qofkii aqriyaba waxbuu ka faaiidaya ma ahan oo kaliya dadka aqal galka ah dadka uu anfacaya ee dada sanado badan dheero lahaa ayaa casharo badan kaqaatay runtii
    marka go ahead and do not hesitate writing this fascinating article, misa qof oo isleh xariif ayaad kutahay raaxada sariirta ayaa halkaan kabartay casharo muhiib ah waliba way tijaabsheen aniga ayaana kamid ah, wiil xaas leh ayaan ahay

    ReplyDelete
  3. Anonymous1/11/2012

    asc anigoo ah gabar soomaaliyeed waxaan aad ukumahad celinaa walaalaheenaa waqtigooda qaaliga ah noo huray hadane jecleesteen wax yaabaha aan anaga aqoon u laheen in ee naga jaahil bixiyaad aad iyo aad ayaan idinkuku mahad celineenaa waxaana idin ka codsanaa in aad ka sii wadaan barnaamijkaan meeshiisa aadna naka hakina wabilaahi towfiiq

    ReplyDelete
  4. Anonymous1/11/2012

    Hadalyar hadii aan isku darsado, waxaan jeclaan lahaa inaa sidaas kasii wadiin sababtoo eh waxa aad qoreeysaan ma aha wax aa iska qoreeysaan ee waa wax jira oona dhaca. Marka idinkoo mahadsan waxaan idin dhihi lahaa bahda website-ka meeshiina kasii wada, faa'iido weeyn ayeey noo tahay waxa aad inoo faa'iideeyneeysaan mahadsanid : From Muna

    ReplyDelete
  5. asc wr wb wllayaal hadii aan fikir keyga eego waxaan u arkaa barnaamijkaan mid aad iyo aad u wanaag an bulhada wax qalada kuma jiraan omalida ayaa u fahanta waxa wanagan xumaan waxa xuna aman u arka bale waxaan dhihi lahaa wa muhiin waxa ku saaban gogosha ama aqalgalka guurka iyo wixi lamida waxana ka faa iday wax badan wana idin kaga mahad calinayaa mahad anidiin walalayaal asc

    ReplyDelete
  6. Anonymous1/11/2012

    HALA SII WADO

    ReplyDelete
  7. Anonymous1/11/2012

    As/al.
    Waxan ka xumahay inaanan horey u akhrisan jirin barnamijkaas,laakiin haddaan si guud ra yigayga u cabiro waxaan dhihi lahaa barnaamijyada sariirta marna waa sir oo waa mamnuuc in laga hadlo marna waybannaantahay tahay in laga warramo waxayna leeyihiin shuruudo iyo xudduudo.
    Sidaasi darteed adinka ayay mas,uuliyad idinka saaran tahay inaad miisaantaan waxa,aan qoraysaan,oo aydaan xadduudaheeda ka gudbin.
    tankale waxaan codsan lahaa hadduu jiro kayd barnaamijyadii aad horey u qorteen ah inaad ii sheegtaan meel,an ka heli karo.
    WTQ

    ReplyDelete
  8. aniga ma qabo waxaan inaad ka hadashaan waayo dhaqanka soomaalida ayuu khilaafsanyahay waxaan idin dhihi lahaa caafimaadka xooga saara iyo wararka bulshada, naga daaya sheekada sariirta

    ReplyDelete
  9. Anonymous1/11/2012

    abaayo dad badan ayaa ka faa'idaysta haddii adiga aadan u baahnayn

    ReplyDelete
  10. Anonymous1/12/2012

    Asc sallan ka dib wallalaha qora webka raaxada guurka run ahaanti weey dadaaleen dadaal lagu faani karo maxaa yeelay wexey na fahansiiyeen wax yaabo badan oo naga daboolnaa ani ahaan runti aad ayaan uga faa,iideystay marka waxaan idin leeyahay halkiina ka sii wada wax kasta oo sirta sariirta ahna noo soo gudbiya soomali inteeda badan waxaa haya jaahil nimo in rabto in laga baxana weey iska yar yihiin ee yaan la dhageysan mahadsanidin

    ReplyDelete
  11. Anonymous1/14/2012

    asc, halasii waddo, waayo waxaa laga faa iiday waxyaabo badan oo adkeynaya wadanoolaanshaha qoyska kordhinayana kalgacaylka lammaanaha,waxaa hubaal ah in lammaane badan oo somaliyeed gurigoodii ku dumay fahanla'aan ama aqoon yari kaga timi raaxada sariirta

    ReplyDelete
  12. Anonymous1/14/2012

    barmaamijka waa haboon yahay waana mid wax tar weyn yeelanaya ee hala siiw ado idinkoo mahadsan

    ReplyDelete
  13. Anonymous1/23/2012

    barnaamijkan aad iyo aad buu u fiican hayay runta marka laga hadlo waxaan ka fa ideysaney tiro laguma soo koobi karoo rag iyo dumar ba waloo wada bahanyahay in cilmigaa wan laga biirsado talabaad waxaan shegeyaa somalida xumaan u arkeysa barnaamijka waxaan odhen lahaa war waxa xun ka xishooda WCS

    ReplyDelete
  14. asc wr wb walalayaal waan idinsalaamay salaan kadib waxaan idin dhihilahaa sii wada maxaayeelay ania nafsad ahaan teeda barnaamijkaan aad baan ii fa idayayay waxaana filayaa gabdhahayaryar aan wali udhimatahay sideenoo kale ineey kafaaideen aad baadd umahadsantihiin wixii aad nagu dhaamtaan oo muhiimna inoo soo gudbiya iinsha allah

    ReplyDelete
  15. asc dhamantii walayaal waan ku mahadsan tahiin barnamijkan waa mid aad iyo aad faaido leh runtii waxyabo badan oo nolosha bili adamka ama labada qof ee nolosha wadaagto faido u leh ayaad noo so aruurisaan waxana dhihi lahaa noo sii wada koley waxii saqajanimo ahna oo diintu ogaleena qofkii iiman leh waa ka dheranaa anigu waan ku heestaa
    waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa bahda shabakatan ama webkan oo isku xilsartay arimahaas thnk u dhamntii dhaliyarada kale iyo dadka kaleba aan dhahee waad mahadsan tihiin dhamntiin salan sare

    ReplyDelete
  16. asc dhamantii dhaliyro iyo mudanayaal iyo marwoyin runtii waad ku mahadsan tihin barnamijkaan aad had iyo goor noo soo gudbisaan
    waana barnamij faaido u leh bulshada dhexdeeda gaar ahaan lamanayaasha iyo bili adamka dhamantiis aniga ahaan waxaaan jaclan lahaa in aad noo si wadaan oo aad sidii iyo ka ka wanagsan aad noogu sii wadaan runtii koley waxii xumaan ah ama saqajanimo ah qofkii diin iyo imaan leh waa ka dheran karaa lakin faidada kale oo ku jirto ayaa badan oo aan dhihi karo dad badan ayey tusale u noqon kartaa wana mahadsan tahiin mar labaad thnk u dhalin yaro bahda webka

    ReplyDelete

Followers

Online visitors

 
RSS Feed: http://www.xidig.com/rss.xml
Copyright © 2013. Raaxada guurka - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger