Somali guurdoon

Home » , , » BARASHADA QAADKA.

BARASHADA QAADKA.


WAA  MAXAY  QAADKU ?

Dad  badan oo ku xeel dheer aqoonta Qaadka ayaa sida soo socota ku  Qeexay.

Qaadku waa  geeda Maanka  doorsha oo caleemihiisa la calaashado, oo  aan  miro iyo ubaxba  bixin.

Qaadku waa geed la beero oo marba marka ka danbeesa  aa u waynaada oo caleemihiisa laga ganacsado oo la calaashado,   Wuxuu ka mid yahay dhirta maanka doorisa sida  xashiishka iyo  Afyuunka.

Qaadku waa geed maanka doorsha  aadna  sun u ah khamriga  ka wax yeelo badan.
Qaadku waa geed mukhadir ah caafimaadkana u daran  sababtuna waa  maadada loo yaqaano (cathine)  ama  kaathiin.

Qaadku waa geed ka baxa Bariga Afrika ( soomaliya,itoobiya, keenya  iyo muuzanbiiq ) dhacana  xagga kookaynta iyo aafyuunka dhexdooda.

Qaadku waa mukhadir cunistiisu ku faaftay dalka oo dhan  waana  maandooriye dadka caqligii ka qaaday  dhibna u gaystay hadii la eego  xag dhaqaale akhlaaqdeeda  bulshadeeda iyo tacliimeed.

Qaadku wuxuu keena  "Araq"  ama  hurdo la,aan  wuxuu dhib u geystaa dareemayaasha  waana "mukhaddir" wuxuu kale uu dhib u gaystaa  maskaxda iyo lafdhabarta  ama lafduudka ( spinal  cord ) waxaa Qaadku ku jirta maadooyin badan oo mukhaddir  ah  oo ay ka mid tahay tannins oo si gaar ah wax u yeesha  dheefshiidaha.

Qaadku waa  mukhaddir fudud oo laga helo  geed noocyo kala duwan leh,  dhererkiisuna mar mar gaadho lix mitir.

badanaaba  aqoonyahanada  wax ka qora Qaadka waxay aragtidoodu ku aruursan tahay in qaadku yahay maado caqliga  doorisa oo waliba khatar  aad u daran leh.

Qaadku waa "shaydaan  geed  loo  ekeysiiyay" .

Qaadku waa geed  qofka cuna  ka dhiga  qof ku firfircoon  cunista qaadka  oo nashaad galiya .



                             mukhaddir?

    Waa maado kasta  oo wax dabicii ah  ( sida  Qaadka, xashiishka  afyuunka    iyo kooka )  ama la sameeyo oo soo saarta  canaasiir  ( elements ) neerfayaasha kiciya ama dajiya oo hadaan loo isticmaalin caafimaad ahaan iyo warshadayn  keeni karta caadaysi oo khatar galisa gaar ahaan bulshada iyo caafimaadka iyo nafta.
Waa maado kasta oo hadii la qaato ama la cuno ama la cabo u keenta jirka  dhib iyo shido caqliga iyo miyirka tebisa oo keenta " Qaayibid " Qaawaaninnta diinteena ay xaaraatimiinsay waxaana ugu caansan maadooyinkaas la xaaraatimeyay  Xashiishka  ,  Afyuunka   , Morfiinka  ,Hiroowiinka ,Kookeynta     iyo   QAADKA 


 waxaa ka mid ah astaamaha lagu garto ruuxa qaayiba  ama cuna  Qaadka sidan soo socota......


  1. ka fogaanshaha uu ka fogaado dadka ama bulshada ( isolation).
  2. rafaad,     bas iyo is daryeelid la´aan  (  gaar ahaan xaga nadaafada ).
  3. wahsi iyo hamaansi joogto ah.
  4. waji kaduudu  dhidid  iyo  faro gariir.
  5.  cunto yari, dhubnaan ( weydnimo) iyo calool istaag.
  6. Xanaaq deg deg ah .
  7. Aqoon raa din la,aan  iyo shaqo  goyn goyn.
  8. T,V  horfariisi.
  9.  Been  dhjagar iyo  khiyaamo  hanti lagu raadsho.
XANUUNADA  QAADKU  LEEYAHAY.
 Hadii  aad loo raad raaco dadka qaadka ka hadla  waxay ku soo aruuruieen  Xanuunadiisa ama ay ku soo kordhiyeen sidan...
1.  Gastric: oo ay sababto maadada "Tennins" waana maado wax toobta  Qaadkuna waa (7-14%).
2.  Mushkilada jinsiyeed ( Sexual problems     -reduces saxual drive- ).
3. Wadne xanuun.
4.  Kalyo xanuun ( kidney diseas).l
5. Cunto xumi iyo cunto diidmo ( Anorexia & reduction of appetite ).
6. Calool istaag ( constipation ) ay ka dhalan karto  Baabaasiir.
7. Hurdo xumi ( sleeping discorder ).
8. Neerfe  kicin gaar ahaan hab dhiska jidhka ee dhexe.¨
9. Hadal tiro iyo nacasnimo aan meelna jirin.
10. Calool xanuun  iyo  Af qalayl markasta ah  iyo  haraad .
11. Kaadi aan xad lahayn (Diuresis ) oo ka dhalata cabida badan  ee qaadka la socota.
12. jir kulayl iyo dhidid joogto ah. ( sweating )

13. Manida oo qubata (  Badanaaba  dadka qaadka cuna waxay ka sheegtaan inaysan raali galin karin  Dumarka u dhaxa gaar ahaan Da,da u dhaxaysa 35____40.   Taasina waxay keeni kartaa  dhibaato bulshadeed ).
14. Dhalida  caruur wayd ah. ( daciif ah ).  iyo indhaha oo waawaynaada qofka cuna.
15. Waali,      iyo qufac daran  iyo   cabsi la,aan iyo isla wayni iyo raaxo la,aan.

DALALKA  QAADKA U AQOONSADAY INUU MAANDOORIYE YAHAY IYO KUWA ISKU DAYAY INAY JOOJIYAAN
DALKA SANADKA 
 SOOMAALIYA 1921,1956,1939,1957,1982
 JABOUTI 1921
 KENYA 1934,1945,1950
 YAMAN 1957
 MASAR 1958
 SACUUDIGA 1957
 ITOOBIYA 1960
 SUUDAAN 1957



BAARITAAN LAGU SAMEEYAY QAADKA
Laga soo bilaabo dhamaadki qarnigii sagaa iyo tobnaad waxaa si is daba joog ah loo baadhay, waxyaabah uu ka koobanyahay geedka qaadka loo yaqaan, sanadkii 1887kii,   ayaa laba nin oo lakala oran jiray  FLUCKIGER &GEROCK  Ogaadeen in geedkaas ay ku jirto maado loo yaqaan  "Cathine".

Waxay taasi keentay dareen wayn oo ku dhashay aqoonyahanada  dhirta caqliga doorisa  iyo in ay xil iska saaraan baaritaan dhab ah oo ku saabsan geedka Qaadka,                        Sanadkii 1974kii,  ayaa cilmi baaris qoto dheer oo ay maalgalisay ururka Qaramada midoobay ( UN )oo lagu daraaseeyay Geedka qaadka xag baayooligi,Kiimiko,  Baayoo kimisteri ayaa lagu ogaaday in maado kale oo ka khatarsan "Cathineka"  ay ku jirt qaadka maadadaas oo loo yaqaan "Cathinone".

Labadaas baaritaan waxaa ku cad in Qaadku maandooriye yahay laguna sheegi karo "Mukhaddir" waana  caqli-dooriye aan ka duwanayn maskax dooriyayaasha kale sida ( Xashiishka,  Aafyunka, Hiiroowiinka iyo Kookeynka ).

Yaraanta iyo badnaanta ( Concentration ) labadaas maado oo kala ahaa  ( Cathine )  iyo ( Kaathinoon ) waxay xiriir la leedahay

1: Nooc qaadka.
2:Cimilada.
3:Ciidda uu qaadku ka baxo.
4:Da,da geedka.
5:Xilliga la guro.
6:Dalka uu ka baxo.
7:Waxyaalo kale.
Q : ENG:   ABDIKARIM AHMED HUSSEIN

contac  abdikarim ahmed hussein
la soo xidhiidh
Share this article :

0 Comments:

Post a Comment

Followers

Somali pictures

Online visitors

 
RSS Feed: http://www.xidig.com/rss.xml
Copyright © 2013. Raaxada guurka iyo Somali news - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger