Camera qarsan ayaa lagu qabtay nin dhar naag iibiyo

Dalka Kuwait waxaa dhacday qiso yaab leh marka ay la kulantay haweeney oo u soo gashay dukaanka inay wax ka iibsato, waxay maqashay ninka iska leh dukaanka iyo shaqaale ka shaqeeya dukaanka oo doodaya shaqaalaha baa wuxuu lahaa waan ku kashifayaa camerada aad ku xirtay meelaha naagaha dharka isaga beddelaaan kaddib haweeneydii waxay tiri waxaan galay meelaaha dharka lagu baddalo meel ka mid ah waxaan ku arkay camera u eg bareeska korontada, sida la sheegay camerada noocan ahi waxay ku faaftay maalmahaan dalalka khaliijka waxaa lagu iibiyaa lacag gaaraysaa  280 diinaar 
Read More »

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo xuska 51-guurada Xornimada Soomaaliya ku casuuntay qoxootiga ku nool Dhadhaab

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa wadda qaban-qaabo ballaaran oo ku aaddan xuska 51-guuradii kasoo wareegtay is-raacii gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, isla markaana ah markii ay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-dii Luuliyo (July) 1960-kii.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (America) ayaa sheegay in xuskan uu ka duwanaan doono kuwii ka horreeyay, wuxuuna sheegay in lagu qaban doono dhismaha gurigii hore ee safaaradda Soomaaliya oo dib u soo galay gacanta Soomaalida, iyadoo ay ka qaybgeli doonaan dhammaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya si ay u soo bandhigaan muhimadda ay maalintaas u leedahay ummadda Soomaaliyeed.
Safiirku wuxuu ku casuumay xuskaas Soomaalida qaxootiga ku ah xeryaha ku yaalla Dhadhaab oo uu xusay inay kasoo qeybgeli karaan.

''Qoxootiga ku nool saddexda xero ee Kenya sida: waxgaradka, dhallinyarada, haweenka, naafada, odayaasha iyo cid kasta oo doonaysa inay kasoo qaybgasho munaasabadda 01-da Luuliyo martiqaad ayaan u dirnay,'' ayuu yiri Cali America oo intaas ku daray in sababta ay u door-bideen ay tahay ballan uu horay uga qaaday oo ahayd in wixii Soomaali u dhexeeya ay kasoo qaygeli karaan.
Danjiraha ayaa hadalkan ka jeediyay shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa ku qabtay isagoo tibaaxay in safaaraddu u fududeynayso dadka qaxootiga ah sidii ay Nairobi kusoo gaari lahaayeen, ayna u diyaariyeen meelihii ay degi lahaayeen iyo farsamooyinka kale ee ay u baahan yihiin, isagoo xusay in arrintan ay safaaraddu kala kaashan doonto hay'adda qaxootiga Qarammada Midoobay ee UNHCR.
''Safaaraddu waxay u diyaarisay dadka kasoo qaybgalaya xafladda diyaarado kasoo qaada xeryaha qoxootiga, xitaa haddii ay noqdaan shan illaa lix qof," ayuu raaciyay hadalkiisa. Isagoo ku tilmaamay in sababta dadka qaxootiga loo doortay ay tahay inay ka sheekeeyaan dhibaatooyinka heysta ayna la wadaagaan dad kale maalinta ku weyn ummadda Soomaaliyeed isna tusaan in Soomaalidu ay wax qabsan karto iyadoo aan cid aan Alle ahayn u baahan.
Danjire Cali America wuxuu ugu baaqay Soomaalida ku nool Kenya inay kasoo qeyb-galaan xuska isagoo sheegay in qof walba uu muujiyo dareen wadaniyadeed iyo sida ay uga go'an tahay in Soomaaliya ay dib ugu laabato nabaddii iyo ammaankii horay uga jiray. Wuxuuna sheegay in xafladda aysan ahayn mid lacag lagu galayo.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxay dhawaanahan wadday dadaallo ku aaddan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, gaar ahaan dadka qoxootiga ah ee ku dhibaateysan xeryaha Dhadhaab. Xuskii sannadkii hore ay safaaraddu qabatay ayaa waxaa kasoo qaybgalay 40,000 oo Soomaali ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Read More »

Jacaylka maanta

Dhalinta Maanta ayaa noqday kuwa Magaca Jaceylka aanan sifiican u daryeelin iyagoo kuwada ganbanaya Magaca Qiimaha badan ee Jaceyl misana dadka gaarsiiyey heer ay ka amin baxaan jaceylka hadaba Soomaalidu ka gadaal kolkii ay kusoo xoomeen Qurbaha ayaa yaraatay is aaminaadii badneed ee labadu lamaane kalsoonidu iskugu qaadi lahaayen misana uhorseedi lahaa Guurka iyo Iftiinka Nolosha.
Jaceylka Maanta maahan mid xaqiiq ah ama runta hoos jooga waxa jira Dad aanan si dhadhan leh uusan usoo marin jaceelka misana ku sheegay inuu wax soo jeclaaday , Qofku waxa uu dareemaa jaceeelka marka uu qaraarkiisa soo dhadhamiyo ama uu soo taabto Xumaanta jaceylka waa goorta uu garabkaaga ka baxo jaceyl aad mudo aad ubadan soo dhiseesay.
Dhalinta Cusub waxaa dilay Dookh iyadoo aysan ukala saarneen Dookha iyo Jaceylka waxa farqi ahaan u dhaxeeya waxaa jiri kara kumanaan Dhigaaga ah ood isha uun ka jeclaatay balse wali usan hadal idin dhex marin niyada ayaad ka taageersantahay waad ku hanweynathay inaad la wadaagto xariir Balse kuma aysan suura galyn , Laga yaabee in niyadaadu ku tiraah qofkaas ayaadba jeceshahay.
Dookhi ayeey dadku ka dhigeen Jaceyl iyagoo aanan fahansaneen Magaca Guud ee Jaceyl, Waxaad is barateen Gabadh/Wiil Isbuuc gudahiisa waxaad isku sheegteen in qalbiyadiinu isku furan yihiin Wiilka/ gabadha laga yaabee iney ku dhahdo Waan ku Jeclahay, Balse waxaa Xaqiiq ah in qofkaasi weydiin Maxaad igu Jeclaatay? iwm, Lacala markii ay imaatana waa Jawaab aan sidaas Uga Fogeen Ficilka ahna, < Runtii Waxaan jeclahay Quruxdaada, Socodkaaga, Ilkahaga Cac cad,, Gadgaduudan, Indhahaaga Baliisha, Buur buuran, Labiskaaga wacan, Qosolkaaga, Kaftankaaga, Sheekadaada, IWM.
Balse Ma is weydiiyan Beri hadii Quruxdayda iyo midabkeygu is badalaan Maxaa dhacay oo Miyaad iga xiisa dhigeysaa ood inacaysaa Marka sidan si ka duwan usoo labistu maxaad Igu Sameyneysaaa , Waana Su’aalahan dhalinta Maantu is weydiinin marnaba Balse waa Muhiim inaad sifiican uga taxadartaa ruuxa aad qalbiga ufureysid Misana aad aamineysid, Ka Fiirso oo baar wixii ka run ah iyo wixii Ka been ahba.
Abdulfatah Ali Samatar Sablale
Cape Town, South Africa
sablale@hotmail.com
Read More »

Ilmaha aan helin dareen aabbenimo mustaqbalka xaasid ayay noqonayaan

Caruurta waaya daryeelka aabanimo xiliga ay yar yihiin ayaa lagu waramay in ay noqdaan kuwo manaxayaal ah oo cadaawad badan .
Daraasad lagu smaeeyay Jarmalka ayaa lagu tilmaamay in daryeelka aabinimo oo la waayo xiliga caruurtu yar yihiin in taasi ay caruurta ka dhigeyso kuwo cadaawad badan isla markaana hareer marsan hab dhaqanka wanaagsan ee bulshada .
Natiijada ka soo baxday baaritankaas ayaa lagu sheegay in caruurta kaliya hooyooyinka soo tarbiyeeyaan isla markaana waaya daryeelka aabaha in ay la soo muuqdaan dhaqan cadaawad ay ku dheehan tahay taasi oo ay sii dheer tahay in ay si weyn u madax adkaadaan .
Baaritaanka ayaa lagu xusay in lagama maarmaan ay tahay in caruurta ay helaan daryeelka aabaha si ay ula soo kobcaan dhaqan wanaagsan .
 Cisman Fantastic
 ossmanfantastic@hotmail.com
 Alcarabiya Editor Team
Read More »

Gabadha niyadda u dhisan ayaa ka caafimaad badan midda kale

Haweenka Rajada badan ayaa lagu waramay in ay ka cimra dheer yihiin dhigooda aan rajada laheyn mar waliba sida daraasad la sameeyay lagu xusay .
Baaritaan qubaro Mareykan ah ay sameeyeem ayaa lagu sheegay in haweeneyda nolosha dhanka rajada ka fiirisa ay noolaaneyso cimri badan marka la bar-bar dhigeeda nolosha dhanka quusashada ka eegta .
Daraasada waxa ay intaa raacineysa in sidoo kale ay ka caafimaad badan tahay midda rajo beelka ku nool mar waliba taasi oo u nugl xanuuno dhowr ah. .
Baaritaanka waxaa kale uu leeyahay haweeneyda rajada badan waxaa yar in uu ku dhaco xanaanada Sokorta iyo cadaadiska dhiiga , halka dhigeeda rajjo beelka ah ay u nugushahay in cuduradaas ku dhacaan ayna u dhimato .
Cisman Fantastic
Alcarabiya Editor Team .
Read More »

Hurdada qurux ayay keentaa waayo jirka oo dhan ayaa dareema nasasho ballaaran

Soomaalida ayaa hore waxa ay ugu maahmaaday “hurdo habar korin wayday”, waxa kale oo hore uga jirtay caalamka in meelo badan ay dumarku aaminsanaayeen in hurdada ay ka helaan jir qurux badan. Hadaba hurdada aad si wanaagsan u seexato habeenkii ayaa waxa ay kaa dhigaysaa gabadh qurux badan.
Bal waxa aad waydiisaa gabdhaha badan ee asxaabtaada ah waxa ay ku qurxiyaan jirkooada, waxa hubaal ah in jawaabta intooda badani noqon doonto “hurdada”.
Arinta ah in ay kuugu jawaabayaan huradau waa waxa aan ka helo qurux ayaa ah mid ay ku saxsan yihiin.
Khuburo u dhalatay wadanka Sweden ayaa waxa ay baadhitaan ay sameeyeen ku soo bandhigeen in hurdada wanaagsan ay qurxiso qofka.
Khuburada oo ka socda maxadka la yiraa Caroline Institute ayaa markii ay baadhitaanka samaynhayeen waxa ay sawiro ka qaaden koox dad ah oo marna habeen si fiican u seexday marna soo jeeday. Kooxaha tijaabada samaynayay ayaa waxa ay markasta marsanaayeen waxyaalaha u caadada ah in ay habluhu isku qurxiyaan, samaynayeena raacayeena hababka kala duwan ee ay isku quxiyaan.
Kadiba ayaa waxa laga codsday dadkii ka qayb qaatay tijaabada in ay sawirada saf galiyaan sida ay u kala qurux badan yihiin. Waxa ayna xulitaankii ku soo saareen in ay ku qurux badnaayeen sawiradii laga qaaday markii ay si fiican u seexdeen. Sawiradii ay soo jeedeen 31 saacadood ayaa waxa ay u eekaayeen kuwo daalan, soo jiidasho lahayn oo jiran.
Markaa waxa la odhan karaa waxaba roon in ay gabadhu hal saac oo dheeraad ah ku darsato hurada subaxdii. Taasina u sahli doonta in ay si fudud oo waqti yar ka qaadanaya isu sii qurxiso subaxdii marka ay banaanka u baxayso.
(source: msn.se)
Read More »

Cillaanka nimanka wuxuu xusuusiyaa habeenka aqalgalka

Sida la ogyahay haweenka waxyaabo fara badan ayay isku qurxiyaan, waxaa ka mid ah cillaanka ma xinnaha, wuxuu aad u siiyaa soo jiidasho weyn hablaha marsada, xitaa wuxuu u roonyahay meelaha la mariyo, qaabab badan ayaa loo saartaa cillaanka gabdho waxaa jira si fiican u soo jiita raggooda marka ay saartaan cillaan, isku day weligaada inaad saarato cillaan oo ninkaaga aad u muujiso isbaddal sidoo kale cillaanka wuxuu ninka soo xusuusiyaa habeenka aqalgalka 
Read More »

Yar Soomaali oo uureeyey Xaaska aabihiisa Painful story

Waxaa  magaalada Dalac ee dalka Yeman  ka dhacay todobaad ka hor dhacdo la yaab leh taasoo ka fajacisay Soomaalidii ku nooleed dalkaasi,
Magaalada Dalac gaar ahaan Xaafadda oo ay Soomaalida u  badanyihiin ayaa waxaa ka dhacay qiso ka fajicisay kadib markii wiil uu uureeyay eedadiisa aabahiis qabay,
Muddo lix bilood ka hor Aabe Soomaaliyeed oo deganaa magaaladaas ayaa safar  shaqo waxa uu u aaday magaale kale ee lagu magacabo Al Qayda oo ku taalla isla dalkaasi,
Wiil uu dhalay Aabe Axmed  oo ahaa dhalinyaro oo aan magaciisa u qarinay sababo ceeb jirta awgeed ayaa waxa uu bilabay inuu damaaciyo eedadiisa aabihiisa qabay oo aheyd mid aad u qurxoon soo jiidasho badan dhan walba iyadoo la isu helay waqti guriga lagu kaliyoobo,
Wiilkaas ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuulay siduu ku hanan lahaa eedadiisa ayaa bilaabay inuu hadalo kaftan iyo waji farxadeed kula dhaqmo mudo iyadoo markii dambe uu dhexmaray isfaham kadib bilaabay baashaal,
Lix bilood kadib ayaa waxaa ka yimid safarkiii shaqo Aabe Axmed waxa uu arkay xaaskiisa oo calool yar leh kadib shaki weyn ku dhashay isaga oo yaaban ayaa waxa uu geeyay rug caafimaad waxaana loo sheegay inay xaaskiisa Uur dhowr bilood leedahay,
Odaygii oo qabay sonkor iyo dhiig kar ayaa isla goobtii jooga ugu dhacay kadib Cisbital galay iyadoo maalmo kadib markii uu meyrka yeeshay waydiyay su,aalo ah yaa Uurkan kuu yeelay ?
Xaaskii ayaa ka biyo diiday inay sheegto qofka ka dambeeyay arintaan fajacisada ah dood iyo dagaal kadib ayaa waxa uu Aabe Axmed waydiyay caruurtii yareyd ee uu dhalay,
Gabar ka mid ah caruurti weyneyd oo la socotay jeceylka qarsoodiga ah ee ay wadaageen walaalkeed iyo hooyadeed aya si lama filaan ugu sheegtay Aabahed oo dhahday ,Aabe waxa habeenkii sariirtada ku ciyaari jiray walaalkeey iyo hooyo taasoo cajiib ku noqotay Aabe Axmed oo ku soo dhacday inuu wiilkisa cel celis ahaa balse uusan fileynin inuu u daba maryeeyo xaaskiisa qaaliga aheyd,
Odaygii oo yaaban  ayaa isla goobtii ku furay xaaskiisa u dhashay caruur badan waxa uuna eryay habaarna farqaha ugu shubay wiilkiisa iyadoo eededii sheydaanka qaaday ee wiilkeeda la galmootay iyo wiilkii aabahiise godkiisa u daba maryeey ay laba wado ka  kala baxeen,
Aabe Axmed oo iminka ku nool magaaladaas heysta  caruur hooyadood beerta gashay iyadoo xaaskii uu furay iminka joogta xaafadda Basaatiin gaar ahaan meelaha ay naagaha  meelaha ay ku noolyihiin dumarka Soomaalida ee balwada leh,
Dalka Yeman oo ay Soomaalida u badanyihin ayaa waxaa ka dhacay dhowr jeer qisooyin la yaab leh iyadoo Wariyaha Alcarabiya ee dalkaasi Siraaj Soomaali ballan qaaday inuu soo bandhigi doona qisooyin kale oo la yaab leh maalmaha soo socda,
W/D C/qaadir Axad, iyo Xaaji Tahriib,
Read More »

Naag Soomaali oo ninkeeda isaga furtay gabdho dhalidda !

Arin aan horay loo arag haweeney Somaliyed oo ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka codsatay ninkeeda in uu furo iyadoo ay sabab u tahay dhalmadeeda badan ee gabdhaha ah , iyadoo markaasi dooneysa in wiilal ay dhasho .
 Haweeneydaan oo ninkeeda maxkamad Nairobi ku taal isaga soo furtay  ayaa iyadoo mar marsiyo raadineysa tilmaantay in  dhalmada wiilal iyo gabdho ay tahay mid awoodda alle ku xiran  balse ciladaasina ay ninkeeda u laabeneyso.
 Goob joogayaal ayaa ku soo waramay in haweeneydaan magaceda lagu soo koobay Mulki ay haatan haysato 5 gabdhood .
Alcarabiya wacdaraha aduunka .
Read More »

Wiil Soomaali 26 jir ah oo 48 meher soo maray

26-jir Soomaali ah Misana Soomaray 48 Meher Waxa uu noqonayaa Wiilkii ugu Yaraa ee Soomara Cadad Meher intaa la eg Hadaba
Cabdalla Maxamed waa 26jir Soomaali ah waxa uu ku dhashay Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud .
Cabdalla Yaraantiisa waxa uu aad ujeclaa inuu Mar walbo lasocdo Gabadh cusub isagoo lagu tirin jiray Wiilasha Shibanayaasha ah sida ay Soomaalidu utaqaana Juuqlaawe waana wiil jeclaa inuu shiriyo hadba gabadhu inta ay mida kale ka Qurux badantahay.
Dookhu marka si loo eego waa cudur bulshada ka dhexsaaraya Sida Al-Fanaan Booska uu uyiri:- Dookhu waa jiraa Waa kii ijiitee iijiirnaxayeee” isagoo ku catabaya in Dookhu meel daran ujiiday” Ruuxa Damacu watana waa kan kasii Daran.
Cabdalla oo Sheegay Sanadkiisii ugu yaabka badnaa ayaa so Maray ilaa 16 Meher oo Qarsoodi ah Sida ay Soomaalidu utaqaan (QUDBASIRO) Cabdalla oo uwarayay Shabakada Alcarabiya ayaa sido kale xusay In 48 Meher 4kamid ahi ay Dadkiisu Ogaayeen halka 44 Meher ay Nafsad ahaantiisa ku Koobneyd.
Waa Layaab Waana arin inaga Yaabisay kolkii inoo waramay Cabdalla oo Sheegay in aaanan laso bandhigin SawirkiiSa si uusan Bulshada uga Takoormin balse Ogalaaday inaan maqaal ka Sameeno Bulshada uso Bandhigno Waa layaabe Akhriste Weli Ma Aragtay Qisadaanoo Kale Halka hoose waxa Furan Mesha aad Fikradaada kuso Bandhigi Lahyd.
Fadlan Comments-ku haku Ekaado Mowduuuca, Aflagaadada iyo Qabiilku waa ka Mamnuuc oo Ilaali Anshaxa iyo Sharafta Websiteka.
Abdulfatah Sablale
Cape Town, South Africa
sablale@hotmail.com
Read More »

Nin shiici ah oo aflagaadeeyey hooyadeena Caaisha (RC)oo kansar carrabka ka galay

Mid ka mid ah Hogaamiyeyaashaa Shiicada oo lagu magacaabo Yaasir Alxabiib, balse loogu magac daray Yaasir Alkhabiith, islamarkaana hadda ka hor aflgaado kula kacay Saxaabiyadda Jaliilka ah ee Caas’isha Bintu Abiibakar Asadiiq Allaha ka raali noqdee ayaa waxaa kusoo booday Cudurka Kansarka, isagoona la dhigay  Isbitaal ku yaalla dalka Ingiriiska.
Ninkan Majuusiga ah ayaa waxaa laga deyrinayaa Xaaladiisa Caafimaad, waxaana dhaqaatiirta Isbitaalka magaalada London ee Wadanka Ingiriiska ay sheegayaan in Xaaladda Yaasir Alkhabiith ay tahay mid liidata, islamarkaana uu ubaahanyahay in si deg deg ah xaaladiisa wax loogu qabto.
Daaciga islaamiga ah ee Sheekh Muxamed Alkows oo dhowr bilood ka hor ay dood dhex martay Yaasiir Alkhabiith ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay  in Xaalad Caafimaad darro ay lasoo deristay Majuusiga Shiiciga ah ee sida daran u aflagaadeeyay Ummunaa Caa’isha (Radiyallaahu Canhaa), wuxuuna sheekhu tilmaamay in Khabarkaasi ay u xaqiijiyeen dad ku dhow dhow Majuusiga Shiiciga ah.
Yaasiir Alkhabiith ayaa mar uu  ka qeyb qaadanayay dood ka baxday Tv-ga Alxikma ee laga leeyahay dalka Masar, waxa uu weerar aan leex leexad laheen ku qaaday Ummunaa Caa’isha, isagoona ku sifeeyay inay tahay Zaaniyad, islamarkaana ay ka dambeysay dilka Nabi Muxamed Calayhi Salaam..  laakiin Majuusigaasi waxa uu iloobay in Caa’isha Bintu Abiibakar laga bari yeelay Todobada Samo korkooda.
Daaciga islaamiga ah ee Sheekh Muxamed Alkows oo xilligaasi Yaasir Alkhabiith kala qeyb qaadanayay doodda ka baxeysay Tv-ga Alxikma ayaa waxa uu u rajeeyay in Allah uu ka abaalmarin doono Aflagaadada iyo been abuurka uu kula kacay Ummunaa Caa’isha Radiyallaahu Canhaa, waxaana hadda muuqata in Majuusigaasi uu Allah soo dadajiyay halaagiisa.
Read More »

Naaago oo Sacuudi o dhashay oo u doodaya gaari inay kexeeyaan



Sida la ogyahay dowladda Sacuudiga uma ogola haween inaay gaari kexeeyaan, bisha na soo dhaafat waxaa la qabtay naago isku dayay inay gaari wadaan, xabsi ayaa loo taxaabay, maalmahaan waxaa soo batay naagaha inay dhahaan waxaan rabnaa xaqeena oo la xiriira gaari kaxaynta  olole aya ku magcaabeen  
  من حقي أسوق ama  Women 2 Drive  iyagooo ka shidaal qaadanaya kacdoonka ka jira dalalka carabta marka  sheekadaan waxaa wada naago ka soo qaatay laysanka kaxaynta gaariga dibadda
Read More »

Followers