Xukuumadda KMG Soomaaliya oo soo dhaweysay shirka ay Xukuumadda Ingiriisku u qabanayo Soomaalida

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali maanta oo Isniin ah ayaa lagu sheegay in xukuumadda KMG ah ay soo dhaweynayso shirka ra'iisul wasaaraha UK, David Cameron uu u qabanayo Soomaaliya kaasoo looga hadlayo daganaashaha Soomaaliya iyo sidii maraakiibta ku safra biyaha Soomaaliya looga difaaci lahaa burcadbadeedda.
Ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa horraantii bishan November sheegay inuu qabanayo shir looga hadlayo xasiloonida Soomaaliya iyo burcadbadeedda, isagoo ku tilmaamay Soomaaliya dal guuldareystay oo ay tahay inuu caalamku u istaago sidii wax looga qaban lahaa. Isagoo aan sheegin xilliga uu dhacayo shirkan. 
"Anigoo ku hadlaya magaca xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya iyo kan shacabka Soomaaliyeed, waxaan soo dhaweynayaan hadalkii dhawaan uu ku dhawaaqay ra'iisul wasaaraha Britain ee ahaa inuu sannadka soo socda ku qabanayo dalkiisa shir looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo sidii la isaga difaaci lahaa burcad-badeedda," ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso hadalkan oo kale, isagoo sheegay in ra'iisul wasaaraha UK uu saxsanaa markii uu ka sheegay in beesha caalamka ay tahay inay qayb ka qaadato xasilooni kusoo celinta Soomaaliya.
"Waxaa la joogaa waqtigii saxda ahaa ee beesha caalamku ay caawin lahayd dadka Soomaaliyeed, si dalka loogu soo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii," ayuu ra'iisul wasaare C/weli Gaas ku daray hadalkiisa.
Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaalidu ay si buuxda u taageerayso shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee Britain ay ku qabanayso dalkeeda. Isagoo sheegay in tani ay tahay fursad taariikhi ah oo looga hadlayo sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa xasilooni waarta.
"Arrinta burcadbadeedda iyo argagaxisadu waa arrin calaami ah oo looga baahan yahay dunida inay si caalami ah wax uga qabato, balse ma ahan wax Soomaalida oo keliya u yaalla," ayuu hadalkiisa ku daray.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in shirkii lagu qabtay Muqdisho bishii September ee lasoo dhaafay ay kasoo baxeen qodobbo lagu dhameynayo xilliga KMG ah ee ay dowladdu ku shaqeynayso marka la gaaro sannadka 2012. Isagoo xusay in dowladda ay ka go'an tahay inay fuliso qodobbadii shirkaas kasoo baxay ee lagu heshiiyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes