Wasiirradaha Beeraha Xanaanada Xoolaha ee DKMG ah ee Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday

Wasaaradaha beeraha xanaanada xoolaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa maanta ku kala saxiixday Muqdisho heshiis ka kooban lix qodob.
Qodobbada heshiiska ayaa la sheegay inay ku jiraan iskaashi labada wasaaradood dhexmara si loo xoojiyo wax soo saarka dhinaca beeraha ee Soomaaliya iyo weliba sidii ay ula xisaabtami lahaayeen hay'adaha ku shaqada leh beeraha.
Kulanka kadidb ayaa waxaa shir jaraa'id qabtay wasiirka beeraha iyo xanaanada xoolaha aSoomaaliya, C/llaahi Xaaji Xasan iyo wasiirka beeraha, xanaanada xoolaha ee Puntland, Inj. Maxamuud Xaaji Saalax iyagoo faahfaahin ka bixiyay heshiiska ay wada-gaareen.

Labada wasiir waxay sheegeen in heshiiskooda uu ugu weyn yahay sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka beeraha, sidoo kalena dib u dajin loogu sameyn lahaa dadkii ay soo barakiciyeen abaarihii ku dhuftay gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Wasiirka beeraha, xanaanada xoolaha iyo biyaha ee Puntland ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiska ay wada-gaareen wasaaradiisa iyo wasaaradda DKMG ah, wuxuuna sheegay inay xoojin doonaan iskaashiga ay leeyihiin.
Dowladda KMG ah iyo Puntland ayaa waxay madmadow u dhexeeya meesha ka saareen markii ay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo ra'iisul wasaare, C/weli Maxamed Cali ay booqasho ku tageen Puntland, halkaasoo ay wadahadallo kula soo yeesheen madaxda maamulkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes