Wasaarada Isboortiga iyo Dhallinyarada Soomaaliya oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda isboortiga, dhallinyarada, shaqada iyo shaqaalaha DKMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Muxyadiin Sheekh Mursal ayaa maanta ku dhawaaqay in wasaaraddu aysan aqoonsanayn xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.
Wasiirku wuxuu ku eedeeyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta inuu lunsaday lacago badan oo loogu talogalay horumarinta isboortiga Soomaaliyeed, taasna ay kaliftay inay kalsoonida kala laabtaan ayna ka fiirsanayaan inay la shaqeeyaan.
"Waxaan maanta halkan ka caddeynaynaa in xiriirka kubadda cagta Soomaliyeed inay ku fashilmeen hoggaaminta xiriirka kubadda cagta, waayo ma ahan xubnaha hoggaanka haya dad u qalma inay howshaas sii-wadaan," ayuu yiri wasiirka, isagoo ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah oo ay ka mid yihiin FIFA iyo OIC inay indha buuxa ku eegaan xiriirka.
"Hay'adaha fududeeya howlaha xiriirka waxaan ku wargelinaynaa inay dib u eegaan dhaqaalihii ay ugu talogaleen dhallinyarada isbaartiga Soomaaliyeed halka ay mareen," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka isboortiga iyo dhalliniyarada Soomaaliyeed.
Wasiirka isboortigu wuxuu ku sheegay been abuur aan jirin inay dhaqaale iyo gaadiid weydiisteen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta isagoo hadalkaas ku sheegay dacaayad laga faafiyay.
"Maxaa keenay in sannad walba ay yiraahdaan wasiirradu waxay na weydiisteen dhaqaale iyo gaadiid. Innagu waan noolayn hortood waana noolaanaynaa dabadood waxaase layaab leh dhaqaalaha iyaga keliya la weydiisto oo dadka kale aysan haysan," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.
Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu ku eedeeyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta inay mas'uul ka ahaayeen guuldarradii ku dhacday xulka kubadda cagta oo shan gool iyo wax ay uga badisay toddobaadkii hore xulka dalka Itoobiya.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo baxday wasaaradda isboortiga iyo dhalilnyarada Soomaaliyeed oo ku aaddan inaysan aqoonsanayn iyo musuqmaasuqa dhaqaale ee lagu eedeeyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes