Talo la siinahayo guurdoonka

Talo la siinahayo guurdoonka


50 arrimood oo lagu gaaro guur farxad leh. Qaybta 1-aad

Sidee lagu gaaraa guur farxad leh? Waa arin aan dhowr jeer wax ka qornay isla markaana aysan suaasheedu dhamaan. Hadaba waxaan eegeynaa mar kale 5o qodob oo guurkaaga ka dhigi kara mid farxadi ku dheehantahay.

1. Waqti kala qaata. In aad wada joogtaan 24 saac caafimaad kuma jiro. Waxaa wanaagsan dhowr saacadood ama dhowr maalmood in aad kala maqnaataan si aad isugu xiistaan. Waqti badan oo la kala maqnaadaa dhinaca kale uu dhaawacaa guurka.

2. Isfahan abuura - Waa in aad isfahantaan, oo qaasatan aad fahantaan dabeecada qofka. Soomaali waxay ku maahmaahdaa “waano abuurisbaa ka horeysay” marka inta aan lays eedeyn waa in lays bartaa oo la fahmaa dabeecada dabiiciga ah ee qofkasta uu leeyahay.

3. Qilaafyada degdeg ku xaliyada - Nabiga (scw) ayaa laga wariyay in uu faray in xalinta qilaadkaga aan la daahin oo isla maalintaas la xaliyo. Hadaba hadalka nabiga (scw) ayaa noogu filan tusaale. Haddii qilaaf dhaco sida ugu degdega badan meel ha loo dhigo.

4. iska iloow wixii la soo dhaafay - Wixii dambiyo ee aad gaysatay iska iloow oo sheeko haka dhigin.

5. Cid perfect ah ma jirto - Bani’aadamka ilaahay uma abuurin in aysan qalad sameyn, sidaa darteed waa in aad ogaataa in xaaskaaga ama saygaagu uusan PERFECT ahayn ee xasuuso in uu yahay baniaadam daciif ah oo habeen iyo maalin qalad geysta.

6. Jaceylkaaga muuji - Tani waa mid aan ku liidano haddii aan nahay Soomaalida. Waa in aan u muujinaa jaceylka iyo mahadnaqa lamaanaheena. Waa in xaaskaaga haddii ay cuntada wax ka qalado aadan cambaareyn balse aad dhahdo “Macaanto aad ayay u macaantahay” waa niyad dhis. Markii ay wax wanaagsan sameysana aad ku amaantaa.

7. Xali dhibaatooyinkaaga. Wixii adiga dhibaato qaas kuu ah waa in aadan ka qeyb galin lamaanahaaga. Inkastoo ay wanaagsantahay in aad u bandhigto haddii ay xalintooda ka qeyb ka qaadan karto.

8. Ha is dhaliilina - Dhaliisha badan waxay abuureysaa kala shaki iyo hoos u dhac xaga maskaxda ah. Xaaskaaga ammaan halkii aad ka dhaliili lahayd.

9. Muranka ha balaarin - Way dhacdaa in labada qof ay wax isku qabsadaan balse ha keenin meesha wixii sanadkoodhan dhacay. Arinta markaas qilaafku ka taaganyahay oo keliya xooga ha la saaro ee yaan la soo qufin qabriyada.

10. Marnaba haka shakinin lamaanahaaga. Shakigu waa bilowga burburka guurkiina.
11. Aaminaadu waa muhiim – qodobkaan waa mid iska cad, haddii aadan aaminsaneyn lamaanahaaga taasi waxay hogaanka u qabaneysaa kala shaki iyo isfahandaro.

12. Marka horeba dooro qof kugu haboon – Waxaan filayaa in qodobkaan uu ku haboonaa in laga dhigo midka koowaad. Marka aad dooraneyso cida aad guursaneyso waa in aad ku raadisaa qof adiga kuu dhigna oo aad isfahmeysaan.

13. Nadaafadu waa farxada guriga – Nadaafada guriga iyo lamaanayaashu waa mid aad muhiim u ah, guriga oo aan nadiif ahayn waxa uu dilayaa farxada. Xaaska ama sayga oo aan nadaafadeeda daryeelin waxay keeneysaa in labada qof kala xiiso dhacaan oo lamaanahaaga uusan ku dhiiran in uu kuu soo dhawaado.

14. Waa in aad naftaada hurtaa – Halkaan lagama wado in aad isqarxiso balse waxaa laga wadaa in aad u dulqaadato culeysyada nolosha. Guurku mararka qaar waxa uu noqdaa mid adag oo dhibaato ah balse markaas waxaa loo baahanyahay dulqaad iyo samir.

15. Daryeel lamaanahaaga – Xaaskaaga waa in aad u daryeeshaa sida aad isku daryeesho. Seygaaga waxaa la doonayaa in aad u daryeesho sida adigu aad isku daryeesho. Ninka ragga waxaa laga doonayaa in uu xaaskiisa u muujiyo kalgacal joogto ah iyo daryeel.

16. Hadiyadaha – In aad seygaaga ama xaaskaaga hadiyado u soo iibiso waxay kor u qaadeysaa awooda kalgacalkiina iyo xiriirka ka dhexeeya labada qof.

17. Ha noqon doqon – Waa midka qaata oo keliya balse aan dhiibin.

18. Dhibaatooyinka haku eedeyn – lamaanahaaga ha u saarin dhibaatooyinka sida “adiga ayaa sameeyay” ama “dartaa ayay ku dhacday”.

19. Maanta xooga saar – Qorsheyntu ma xuma balse in aad ka walwasho bari wax loo baahanyahay ma ahan. Noloshaada maanta ka faaideyso bari in ay imaaneyso Allah ayaa og.

20. Waligaa xasuuso in guurku uu yahay xiriir labo geesood ah- Ha sameynin wax aad ka shalaayi doonto, ha iska qaadanin go’aan aadan kala tashan lamaanahaaga.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

2 comments:

  1. loooooooooooooolz waaaaaaaaaa muhiim qudu badaaaan balse qof kaa maqan misana aad si xad dhaaf ah aad isku jeceshahiin sidee ayaad daawa deeda ku heli kartaaaaaaaa ??????????

    ReplyDelete
  2. Anonymous7/31/2015

    naagaha iyo nimanka yaa talo u baahan tolow, siiba naagaha soomaaliyeed oo ka cararaya galmada ninka, nimanka somaliyed way ka cabanayaan dumarka oo diidan galmadii

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes