Sida ninkaaga aad u qaban karto

Sida ninkaaga aad u qaban karto
Sheekada aan ku hayo ma aha xatooyadii gacan qaadka balse markaan waa in aad xaddo qalbiga ninkaada , adiga oo galaya isla markaana si sahal ah isaga furaya qufulada saaraan albaabka qalbigiisa . 
Ogaaw xoog kuma furi kartid waa in aad furo waliba albaabkiisa ku furtaa , halkii quful oo ku furma waayo lama huraan waaye in aad jibiso . 
Gabdho diyaar ,ma tihiin safarkeena ayaan bilaabeynaa , haddii tiro gabdho la helo waa muhiim haddii hal gabar uun timaadana safarka ma joogsanayo oo xogtaaan ayaan soo ogaaneynaa. 
Furaha Koowaad: Furaha Aamusnaanta oo ay la socoto eegmo Jaceyl. 
Marka uu xanaaqo ninkaada ama uu ku kacsan yahay caruurta haku bilaabin qaylo iyo fal celis ,isticmaal furaha aamusnaanta oo ay la socoto eegmo kalgaceyl , in yar ka dib weydii marka oo dheh “Caroorteyda aabahodoo maxaa kugu dhacay?. 
Furaha Labaad: Yeelo fikrad fiican una nuglaaw raali gilintiisa. 
Marka uu qilaaf idinka dhex dhaco tijaabi furaha fikrada fiican kuna dhaqaaq in ad ka cudur daarato waxa dhacay. 
Furaha Sedexaad: Kalsoonida iyo tix gilinta . 
Haddii uu ku soo laabto guriga kuna soo daalay shaqada iyo dhibka haysto , kula deg deg furaha kalsoonida , kuna dhaqaaq in aad dhiira giliso kana yareysid dhibka haysta. 
Furaha Afarad: In aad ku hor ixtiraamto caruurtiisa kuna siisid tixgilin . 
Ku abuur furaha tix gilinta , lana soco xiliyada hurdadiisa iyo nasashadiisa .kana ilaali in caruurtiisa in ay hortiisa isku qab qabsdaan una kala hormaraan cunada oo bar adaabta cunada . 
Furaha Shanaad: In Aadan qilaafin oo aad taageerto ra`yigiisa. 
Adiga oo la jooga ehelkisa ama ehelkaada adeegsdo furaha ixtiraamka, kana digtoonaaw in in aad ra`yigiisa ku hor qilaafto ama hadalka ku jarto ma wax uu yiri ku beeniso. 
Furaha Lixaad. Furaha Kalgaceylka Iyo U Dhawaanshaha.Dib ugu laabo hab dhaqamadada , marba noc u labiso , timaha u habee , iskuna day in aad hadal macaan ku soo jidatao sida qaali , xabiibi , nolosheyda IWM . 
Gabdho ka warama habka xatooyada noocaan ah maxaa kaaga baxay wa muhiim in aan helno fikirkada saliimka iyo talooyinkada.

Qore/Cabdi Raxman Abukar Dini
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

3 comments:

  1. Anonymous12/01/2011

    Aad iyo aad ban ula dhacay furayaashas qiimaha leh anigu wan soo dhaweyay.
    waxaan ahay marwo aan caruur ifka ku haysan diyaarna u ah nolosha raxadeda waxan idinka codsanaya inaad i so kordhi saan taloyinka macaanaha laguso jito,
    mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. HORTA ANIGA WEB SITKAAN WAAN KA HELAY WAANADA IYO TUSAALOOYINKIISA TEEDA KALE NIN WAXAA LA YIRI AFAR WIIL UU DHALAY AFARTIISA FAROOD UU DHUUQDHUUQUU KA JECEL YAHAY MARKA DUMARKA SOMALIYEEDNA MASHAA KILKA NAGA HEESTA WAA ISU SOO DHAWAASHAHA AYAABA YAR MAHA NOLOSHA IN UUN SOO DHAWAAN SHAHA UU NOQDO OO KALIYA MARKII SARIIRTA LA TAGO LAKIIN INTA GURIGA LA JOOGO XITAA WAA IN LA HELEE SIDA SHUMIS U SOO DHAWOOW TAABO DHEH SOO DUL FADHIISO MAR MAR MARKAAD CIDLADA TAHIIN WAX YAR ISKU RUUB TUSNA BILICDAADA SI SAWIRKAAGA UU MASKAXDIISA UGU QORO QURUXDAADA SI HABLAHA KALE UUSAN U FIRIN WAR GOA HOOSTIISA KALIYA HADAAD KA DHIGTAAN HALEESKU ARKO OO MUGDI KALIYA HA LEESKU CUNOO KASOO BAX TAAS DHARAG MAHA KADHARJI NINKAAGA QURUXDAADA BILICDAADA DABEECADAAADA JACEELKAAGA ISGANA SIDOO KALE NIMANKA XITAA WAA IN SIDAAS SI LA MIDA SAMEEYAAN LAKIIN MARKII MIDKOOD DIIDO WAR MA SAMEEN KARO WAR MARABO MA YEELI KARO AMABA UU ISGOON LA WAYDIIN UGU DEEQI WAAYO MUUFO AAN IIDAAN LAHEEN BAAN CUNEEYNAA OGAADA

    ReplyDelete
  3. Anonymous2/14/2012

    waa arrin aad u wanaagsan, Runti lkn Nimanyow aniga dhibta i heystaa, xaaskeyga fikirki an keenaba dood ayay ka qabtaa mana ogola inay igu raaacdo dhib wayn ayaba naga haysta halkas maxa talo ah?

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes