Madaxda Hay'adaha Turkiga ee ku sugan Soomaaliya oo ka qaybgalay aroos ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wakiillada hay'adaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho ayaa ka qaybgalay arooska mid ka mid ah turjubaannadooda oo Soomaali ah, waxaana sidoo kale arooska ka qaybgalay dad badan oo Soomaali ah.
Arooska oo lagu magacaabo Cabdulmudalib Haashim Nuurre ayaa u shaqeeya hay'adda Kimse Yok Mu's oo Turkish ah, wuxuuna aroosay gabar lagu magacaabo Hani Abdirisaaq Xaaji Xasan.
Wakaaladda wararka Turkiga ee Anatolia ayaa baahisay in dhammaan wakiilllada hay'adaha samo-falka Turkiga ee Muqdisho la siiyay warqado casuumaad ah si ay uga qayb-galaan arooska.
Goobta lagu qabanayay arooska ayaa lagu xardhay erayo ku qoran Soomaali iyo Turkish, iyadoo intii ay xafladdu socotay lagu arkayay goobta calammada Somalia iyo Turkiga, waxaana xafladda ku sugnaa shaqaalaha Soomaalida ah ee u shaqeeya hay'adaha Turkiga.
Dowladda Turkiga ayaa olole ballaaran oo ay ku caawinayso barakacayaashii abaaraha ka billowday Muqdisho bishii Ogoosto ee sannadkan, markaasoo ra'iisul wasaarahooda Recep Tayyip Erdogan uu Muqdisho ku tagay booqasho taariikhi ahayd.
Xafladda ayaa waxay martidii Turkiga ahaa iyo kuwii Soomaalida ahaa kusoo bandhigeen ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah iyo kuwo kale oo daansi ah, mana ahayn markii ugu horreysay oo aroos ay Muqdisho uga qaybgalaan wakiillada iyo shaqaalaha hay'adaha samofalka Turkiga ee Muqdisho ku sugan.
Wakiilka haya'dda Kimse Yok Mu, Orhan Erdoğan ayaa u sheegay Anatolia inuu isagu u taagnaa abbaha Nuurre oo ahaa wiilka wax aroosayay, maadaama waalidiintiis aysan meesha ku sugnayn, mana uusan sheegin halka ay ku maqnaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes