Qobka Mooska Ayaa madaxa u roon

Dad badan ayaa marka ay dareemaan madax xanuun u deg-dega in ay qaataan kaniiniyada madaxa xanuunka lagu daweeyo laakiin xal kale ayaa la helay oo qobka mooska(Muuzka) ayaa lagu daweeya.
Daraasad Ingiriiska laga sameeyay ayaa lagu sheegay in qobka mooska bisil oo la saaro madax marka aad dareento madax xanuunka muddo 15-daqiiqo ah uu kaa saacidayo in xanuunka uu ka ayaardo.
Wargeyska Daily Mail” ayaa ka soo xigtay taqtarka daraasadaan sameeyay Rob Dix in qobka mooska uu ka kooban yahay macdanta magnesium taasi oo yareeneysa in ay kacaan halboowlayaasha dhiigga.
Waxa uu xusay in dad badan oo sameeyay tijaabadaan ay wax weyn isaga dareemeen ,iyadoo uu ka taliyay in lagu dhaqaaqo si looga kaaftoomo isticmaalka kaniiniyada.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes