Ma Dooneysa in Xulusta Caloosha Iska Yareyso Hadaba Sir Ayaa Lagu Hayaa Oo Ruumaan Ayaa Yareeya

Daraasad ayaa tilmaantay in ruumaanka iyo biyihiisa ay jirka ka yareeyaan xulusta caloosah(xeerta), iyadoo ay sheegeen in ruumaanka oo aad shiidato biyahiisana maalin waliba cabto muddo bil ah in xeerta caloosha kaa saaran ay degeyso .
Waxa ay sheegeen in dadka cuna ama caba ruumaanka aysan halis badan ugu jirin in unugyo dufan leh calooshooda ku beermaan , iyadoo ay lagu taliyay in la jogteeyo.
Baarayaasha ayaa ogadaay in casiirka ruumaanka uu yareeyo in dhiigga uu dufan yeesho iyadoo haddii dufanka uu jirka ku batana ay keeyneyso xanuuno dhanka wadnaha ah iyo in qofka uu ku dhaco cudurka sonkorta.
Sidoo kale Ruumaanka ayaa u wanaagsan oo daawo ah ragga ka cabanaya awoodda galmada oo ka yar iyo sidoo kale cudurka kansarka .
Sidoo kale lafaha ayuu ka ilaanaya in ay jilcaan halka haweenka kansarka naasaha isagana uu ka ilaalinayo , iyadoo taqaatiirta ku baaqeen in xooga la saaro .
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

8 comments:

  1. Anonymous11/24/2011

    majira sharab ka samaysan ruuman,ruumanku ma ka qaydhinbaa mise waa ka bisil?

    ReplyDelete
  2. Anonymous12/22/2011

    Ma noo sharixi kartaa ruumaanka waxuu yahay iyo waxa laga helo ama laga sameeyo. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  3. Anonymous12/22/2011

    Horta waa maxay Ruumaan? Halkeesa laga helaa?

    ReplyDelete
  4. waan ka hadalnay faa'idooyinka rummaanka ee webka ka dhex raadi

    ReplyDelete
  5. maxuu yahay rumaan si aan uga helo wadankan aanjooga fadlan iigu sheeg english.

    ReplyDelete
  6. Anonymous12/29/2011

    walal maxuu yahay ruumaan si aan u ogaado fadlan iigu sheeg magaciisa English mahadsanid

    ReplyDelete
  7. rummaanka af english ka waxaa lagu dhahaa Pomegranate

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes