Kulan lagu lafo gurayey sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen arrimaha siyaasada beelah la hayb-sooco islamarkaana uga dhex muuqan lahaayeen saaxada siyaasada ayaa shalay lagu qabtay hotelka Imperial ee magaalada Hargeis,

gurayey sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen arrimaha siyaasada beelah la hayb-sooco islamarkaana uga dhex muuqan lahaayeen saaxada siyaasada ayaa shalay lagu qabtay hotelka Imperial ee magaalada Hargeis, kaasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiin xukuumada ka tirsan, salaadiin, aqoonyahano, iyo xubno ka soo jeeda beelah la hayb-sooco, kulankan oo uu soo qabanqaabiyey ururka wadaniga ah ee magaciisa la yidhaa VOSOMWO (Voice of Somaliland Minority Women Organization )  ama ururka codka haweenka laga tirade badan yahay kaasi oo ay taageero maaliyeed ka gaysatay haayada caalamiga ah ee NED.

ayaa waxay ujeedadiisu salka ku haysay sidii beelaha la haybsoocaa siyaasada uga qayb qaadan lahaayeen islamarkaana looga horumarin lahaa beelahaasi  xaga waxbarashada oo aqoontooda sare loogu qaadi lahaa mid maadiya iyo mid diiniyaba.

Ugu horeyn gudoomiyaha ururka wadaniga ah ee VOSOMWO, Marwo. Nimco Iid Salaan oo ka warbixisay hawlaha  u qabsoomay iyo ujeedada kulankani salka ku hayo ee la xidhiidh ka qaybgalka siyaasada beelaha la haybsooco, isla markaana sheegtay ururkani in uu ku howlan  yahay wacyigalinta ka wayb qaadashada beelaha la hayb-sooco sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen isla markaasna u heli lahaayeen wixii xuquuq ah ee ay xaq u leeyihiin, arimahaas oo dhinacyo badan taabanaya waxaa hadaladeedii ka mid ahaa  “sanadkii  hore iyo sanadkanba waxaan wadnaa barnaamij aanu ku wacyi galineyno sidii dadka la haybsooca ugu qaybqaadan lahaayeen  siyaasada wadanka, sidaasi daraadeed kulankani waxaa uu hordhac u yahay kulano kale oo aan ka qaban doono dhamaan gobolada wadanka Jamhuuriyada Somaliland hadii ala yidhaa, hadii aan ka hadlo ujeeda kulankan iyo kuwa soo socda waxay tahay in lagu wargeliyo beelaha la haybsooco qaybahooda kala duwan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen doorashada iyo nidaamka dumuqraadiga ah ee dalka ka hana qaaday  oo ay ogaadaan  in la dooran karo ,waxna ay dooran karaan ,islamarkaana ay ku dadalaan  sidii ay uga qayb qaadan lahayeen  golayaasha  barlamanka

Iyo deegaanka, waxaa kale oo kamid ah  ujeedooyinka,  in dadka lahayb sooco laga  qayb galiyo fursadaha  waxbarasho iyo shaqo ee dalka ka jira .

Nimco iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tidhi “xaqiiqdii waxaa ay tahay tan iyo mudaadii aan  howlahan bilownay waxaa noo qabsoomayey waxyaabo aad u mihiim ah taasi oo ay kow ka tahay tiro tobaneeyo arday ah in ay ka baxeen jaamacada hargeisa isla markaana tiradii ugu badney ay ka baxeen sanadkii hore ee 2010,  ardaydan oo dhamaantood ka soo jeeda beelaha la haybsooco waxaa suura galiyey dadaalo farabadan oo aanu samaynay iyadoo aan la kaashaney walaalahayaga reer Somaliland, sidoo kale gobolada dalka waxaan ka shaqaalay siiney tiro dad ah, waxaa kale oo aan samaynay daraasado loogu kuur galayo xaaladooda nololeed, dhaqaale, waxbarasho, shaqo iyo waliba caafimaadba kuwaasi oo aan samayna sanadihii 2006-2008.”

Nimco sidoo kale waxay faahfaahin dheer ka bixisey barnaamijyada ay ugu howlan yihiin sidii bulshada la haybsooco looga saari lahaa arimaha ku gadaaman ee dhinacyada nolosha aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, shaqada isla markaana ay uga qaybqaadan lahaayeen siyaasada dalka iyo shaqooyinka kala duwan ee haayaddaha dalka ka jira.

Agaasimaha guud ee warfaafinta iyo wacyigalinta Mudane. Faysal Cali Sheekh oo khudbad kooban ka jeediyey kulankaas waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “runtii farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala qaybgalo shirkan lagu falanqaynaayo sidii ay siyaasada uga qaybgali lahaayeen dadka la hay-sooco, runtii aniga iguma cusba howsha ururkani dadkii la bilaabay ayaan ka mid ahayn aniga iyo yuusuf kirix, wax fara badan oo dadku ogayna way qabteen oo ay ka mid tahay matalan dadka bini aadamku waxaa uu wax noqonkaraa ama waxqabsankaraa kolka aqoontiisa iyo tamartiisa la dhiso, gudidii u olaleynaayey kor u qaadida iyo sidii loogu heli lahaa waxbarasho iyo shaqooyin.

Tusaale ahaan waxaan dowlada hoose ee hargeisa uga soo dhamaynay in ay ka bixo fiiga 5 arday jaamacada hargeisa taasi oo uu hormuud u ahaa yuusuf kirix cawad. Xisbiga ucidna waxaa uu isna uga soo dhamaynay dhowr qof, sidoo kale wax dawlada hoose ee hargeysa  uga  dhameynay toban qof oo shaqaale oo dadka lahayb sooco ah  darajo walba  leh , dawlada hoose ee  gabilay ilaa lix qof ayaanu uga dhameynay  dawlada hoose ee berbera qayb intaas le eg  ayaa laga shaqo galiyey, mudane Faysal Cali sheikh isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu hadalkiisa ku daray hadii las kaashado oo wax la wada qabsado, idinkuna aad dadaashaan wax farabadan baa la qabsan karaa, maanta intaas oo qof ayaa inooga soo baxaysa jaamacadaha ama qaarkoodba ay soo baxeen imika, runtii hadii la sii wado laga heli karo oo intaaa in ka badan aqoontooda la dhisi karo oo ay hodhowto dalka iyo dadkaba wax la qaybsankaraan.

Waxaa kale oo uu faysal hadalkiisa ku sii darey “ qaybaha tixgalinta siino waxaa ka mid ah dhinaca maxkamadaha iyo sharciga oo ay aad ugu yar yihiin cabashadoooduna u badan tahay sidaasi daraadeed hadii la sii wado dadaalada noocan oo kale ah in ay ka soo bixi karaan dad badan oo aqoon yahano ahi, beelaha la haybsooco isagoo xusay in dadka qurba joogaa iyo inta halkan joogtaa isku xidh ay hadii la sameeyo ay horumar ku gaadhayaan”  agaasimuhu waxaa uu intaa raaciyey in xukuumad ahaan ay ka go’antahay  sidii loo horumarin lahaa beelahaasi isla markaana ay ku dhiiri galinayaan bulshadaasi in ay iyaguna dhinacooda dadaal ka muujiyaan.

Waxaa kale oo isna halkaasi ka Hadley Sul. Daakir Xasan Khaliif  oo ka mid ah salaadiinta beelaha la haybsooco oo isaguna hadal kooban ka jeediyey kulankaasi ayaa kaga Hadley dhowr arimood oo ku saabsan dhiirigalin, baraarujin iyo xukuumada cusubi ay dadaal uugu jirto sidii ay ugu horumarin lahayd beelahaasi, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “ ka qayb glaka siyaasada beelaha la hayb-sooco, runtii waxaa odhankaraa caam ahaan manta dawladan Jamhuuriyada Somaliland waa dawladii dhalinyarada, runtii manta inta qof ee dhalinyaro ah eek a shaqaysa aad bay u farabadan tahay, waana dawlada u saamaxday in ay fursad siiso, ka beel ahaan ee halkann lagaga hadlayana kolay imika madaxweynaah inkastoo sidii la tilmaamay lix qodob oo uu noogu balanqaaday u jiro oo wakhtiguna yar yahay, hadana fursadii uu horaysay hada dowladeena waxaa ka shaqeeya dad aad iyo aad u fiican, wasaaradahooda, oo madaxweynuhu wuxuu u raaciyay qoraal shirkasta oo wasiiradu ku lumayaan in dadka noocaas ah laga shaqaalaysiiyo”.

Suldaanku waxaa uu intaa ku daray “waxan leeyahay wax kasta oo ummadu u baahan tahayba inagaa iksu hayna,  waxa weeye inagu hadii aynu wada shaqayno gacmaha is wada qabsano aynu noqonoo ummada waxay doonayaan si midnim iyo wanaag ku doono, hadii aan ka hadlo ururada kolay uruarada mabda ahaan ma aaminsani in la furo, laakin waxaan odhan lahaa ha la furo oo madaxweyne ra’yid keeno keena gabooye, markaa walaalayaal kursigaa axmed siilaanyo waa inaynu gaadhi karnaa”

Waxaa kale oo isna halkaasi ka Hadley Yuusuf kirix cawad kaasi oo sheegay in uu ka mid ahaa pressure group kii ugu horeeyey ee u tafo xayta sidii beelaha lahaybsooco hiil iyo hooba la garabtaagtaa markasta, kuna dadaalayey sidii loogu heli lahaa waxbarasho iyo shaqooyin, waxaa kale oo uu yuusuf hormood  u haa in shan arday dawlada hoose hargeisa fiiga jaamacada hargeisa isla markaasna shantaa ardayna ku aflaxeen oo ay dhamaysteem waxbarashadoodi bachelor degreega ahayd taasi waa wax ilaahay loogu mahad naqo ayuu yidhi yuusuf kiris.

Waxaa kale oo isna halkaasi ka Hadley xubin ka mid xubnaha cusub ee loo soo xulay komiishanka xuquuqal insaanka qaranka  mudane Liibaan Ismaaciil Mahamoud kaasi oo u mahadnaqay ururka VOSOMWO iyo dhamaan ka soo qaybgalayaashii waxaanuu ku timaamay guul in midhihii ay beereen soo baxeen durtaba. Guntii iyo gabagabadii shirkan oo ahaa hal maalin ayaa waxaa soo xidhay gu danbayntii gudoomiyaha urur marwo Nimco taasi oo u mahad naqday ka hayadii maalgalisay in uu dhaco kulankan iyo kuwa kale ee soo socda ee ka dhici doona gobolada dalka Jamhuuriyada Somaliland, waxaa kale oo ay u mahad naqday ka soo qaybgalayaashii iyo dhamaan shaqaalaha ururka VOSOMWO.

Nimco Iid Salaan

Gud. Ururka VOSOMWO
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes