Hay'ada NCA iyo Wasaaradda Cadaalada Puntland oo Haween Gobollada Puntland ka yimid u furay tababar ku saabsan wacyi-gelinta Burcadbadeeda

Siminaarkan ayaa looga hadlayaa wacyi-gelinta burcadbadeedda Soomaalida kaasoo loo furay 30 haween ah oo ka kala yimid deegaannada Eyl, Baargaal, Bandarbayla, Boosaaso iyo Garoowe oo dhammaantood ka tirsan Puntland.

Siminaarkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda NCA iyadoo la kaashanaysa wasaaradda cadaaladda, arrimaha diinta iyo dhaqan-celinta Puntland. Tababarkan ayaa wuxuu ka furmay hoolka shirarka ee wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska, wuxuuna socon doonaa muddoo laba maalmood ah.
Furitaanki tababarka ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin ka kala socday hay'ada NCA iyo wasaaradaha kale ee ay qusayso arrintan waxayna dhammaan mas'uuliyiintii ka hadlay ay goobta ka sheegeen inay burcadbadeedu dhibaato weyn ku hayo bulshada qaybaheeda kala gadisan, iyagoo kula dardaarmay kasoo qayb-galayaasha siminaarka inay ka qayb ka qaataan la dagaalanka iyo wacyi-galinta burcadbadeedda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka iyo arrimaha qayska Puntland C/qaadir Yuusuf Daahir oo ka hadlay furitaanka siminaarka ayaa wuxuu sheegay in haweenku ay gun-dhig u yihiin arrinta wacyi-galinta burcadbadeedda oo uu sheegay inay socoto muddo saddex sano ah loona baahan yahay inay si muuqata uga qayb-qaataan wacyi-galinta maadaama buu yiri ay dumarku bulshadeena ka yihiin 75%.
Sidoo kale, agaasimuhu wuxuu kula dardaarmay haweenkii siminaarka loo furay inay ka faa'iideystaan fursadan ayna dib uga faa'iideeyaan bulsho-weynta ku dhaqan goballadii ay ka yimaadeen.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka socday Puntland barnaamijyo la xiriira wacyi-galinta burcadbadeedda Soomaalida ee inta badan ka qowlaysta Gacanka Cadmeed iyo biyaha caalamiga ah ee ka baxasan xeebaha dalka Soomaaliya iyadoo dowladda Puntland ay waddo qorshe ay kula dagaalamayso burcadbadeeda, iyagoo la kaashanaya hay'adaha caalamiga ah iyo bulsho-weynta ku dhaqan deegaannada xeebaha ah ee ay ku badan yihiin kooxahaas shufto badeedda ah.
Yusuf Maxamed Maxamud (Yusuf yare), Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes