Guddoomiyaha Xarakada Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe oo maamul u sameeyay degmada Mahadaay

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-kutukade) ayaa maaamul cusub u magacaabay degmada Mahadaay oo ka tirsan degmooyinka gobolkaas.
Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in mas'uulka degmada Mahadaay uu u magacaabay, Sheekh Maxamed Weheliye Odawaa (Abuu-C/raxmaan), isagoo shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan.
Mas'uulkan cusub ayaan la hadlin saxaafadda waxaase guddoomiyaha gobolka uu sheegay in maamulkan uu sameeyay uu bedeli doono maamulkii horay uga shaqeyn jirtay degmada, isagoo xusay in tani ay qayb ka tahay isbedello lagu sameynayo maamulka degmooyinka gobolka.
Degmada Mahadaay ayaa waxay waqooyi kaga beegan tahay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo isbedelka maamulka lagu sameeyay uu kusoo beegmay xilli guddoomiyaha gobolka dhawaan loo magacaabay xilka uu hayo.
Sheekh Yuusuf Kaba-kutukade ayaa socod ku marayay todobaadyadii ugu dambeeyay degmooyinka gobolka halkaasoo uu kulammo kula yeelanayay waxgaradka iyo mas'uuliyiinta degmooyinka.
Dhanka kale, mar uu ka hadlay xaaladda gobolka ayuu sheegay in xilligan uu yahay xilli barwaaqo ah ayna roobab wanaagsan ka da'een, isagoo xusay inay dadku ku howlan yihiin beerashada dalagyada kala duwan.
Gobolka Shabeellada dhexe oo waqooyi kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay saddexdii sano ee ugu dambeeyay ka talinaysay Xarakada Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes