Diyaarad shil ku gashay Garoonka Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud

Wararka saakay ka soo baxaya degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarad yar oo nooca khaadka keena ah saakay shil ku gashay gudaha garoonka diyaaradaha degmada.
Diyaarada oo ay la socdeen ilaa Afar shaqaale ah ayaa markii ay soo caga dhigtay waxaa la sheegay in ay ka baxday dariiqa ama jidka loogu talagalay in ay diyaaraduhu ku socdaan, taasoo keentay in ay soo gaarto wax yeelo aan sidaa u sii badneyn.
"Wax dhibaato ah oo sidaa u weyn ma gaarin diyaarada iyo shaqaalihii la socdayba, khaadkana si caad ah ayaa looga dajiyay ayuu yiri,’’ Cali Yuusuf oo ka mid ah howl-wadeenada garoonka diyaaradaha degmada Guri-ceel.
Degmda Guri-ceel ayaa inta badan waxaa ka soo dega khaadka loo Iib geeyo gobolada bartamaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in markii ay diyaaradu soo caga dhiganeysay garoonka wax dhibaato ah ka jirin, laakiin ciladu u muuqday mid diyaarada iskeed u qabsatay.
Dhinaca kale isla gobollka Galgaduud wararka laga helay inta u dhaxeysa deegaannada War-xoolo iyo Ceel-god ayaa sheegaya in halkaa miino kula kacday gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan xarrakada Shabaabul mujaahidiin, laakiin ilaa hadda wax tafaasiil ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxa miinada.
Ma’aha markii ugu horeysay oo ay miino kula kacdo qeybo ka mid ah gobolka xoogagga xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, iyadoo la og-yahay in sida oo kale horaantii bishii Ramadaan ee ina dhaaftay miino ku qaraxday gaari ay la socdeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab, waxaana xiligaa la sheegay in dadka Miinada ku wax yeeloobay uu ka mid ah ahaa guddoomiyihii hore ee gobolkaas Shiikh Yuusuf Ciise Kaba-kutukade.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes