Dagaal xalay degmooyinka Dayniile iyo Huriwaa ku dhexmaray DKMG, AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab

Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal xalay degmooyinka Dayniile iyo Huriwaa ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab.
Dagaalladan ayaa waxay qarxeen markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kaga sugnaayeen labadaas degmo, iyadoo dagaalladaas ay ku dhaawacmeen tiro ka tirsan dhinacyadii hardanku u dhexeeyay.
Waxaa dagaaladan guulo ka kala sheegtay Xarakada Al-shabaab iyo DKMG ah, balse AMISOM kama aysan hadlin dagaaladii xalay dhacay, iyadoo madaafiicdii loo adeegsanayay dagaalladaas laga maqlayay magaalada Muqdisho oo dhan.
Guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ay kusoo qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab balse ma sheegin khasaaraha dhinacooda kasoo gaaray dagaalka iyo midka ay iyagu geysteen.
Dhanka kale, sarkaal u hadlay Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay inay khasaare ku gaarsiiyeen dagaalka ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo sheegay inaysan sheegi karin khasaaraha inta uu le'eg yahay maadaama xilligu uu habeen ahaa.
Labada degmo ee ay dagaalladu ka dhaceen ayaa waxaa weli isku horfadhiya ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogaga Xarakada Al-shabaab, iyadoo inta kale degmooyinka Muqdisho ay ka taliso dowladda KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes