Dadka reer Somaliland oo maanta u dareeray goobaha codbixinta

Shacabka Somaliland ayaa saakay u adreeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan xisbigi maamuli lahaa, iyadoo amaanka si weyn loo adkeeyey guud ahaan goobaha ay dadka codadkooda ka dhiibanayaan.

Magaalada Hargeysa oo caasimad u ah maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa dadka u soo baxay in ay codadkooda dhiibtaan, iyadoo dadka ay usoo kalaheen saakay aroortii 6:00am.

Wariyaasha ayaa kusoo waramaya in dadka ay ku jiraan safaf dhaadheer isla markaana ay diyaar u yihiin in ay codadkooda dhiibtaan, waxaana dadka marka aad wareysato ay kuu sheegayaan in ay codkooda siinayaan xisbiga Kulmiye.

Saadaal ay sameeyeen wariyaasha ayaa muujineysa in Xisbiga Kulmiye uu kaga shacbiyad badanyahay axsaabta kale, iyadoo dadka marka la weeydiyo sababta ay ugu codeynayaan Kulmiye ay kuu sheegayaan in ay ku jiraan dad usoo halgamay Somalia iyo Somaliland.


Gudiga Doorashooyinka ayaa amar ku bixiyey in aysan magaalada Hargeysa soo gali karin baabuur kana bixi karin, marka laga reebo baabuurta ambalaasta, kuwa qaada booyadaha biyaha, gawaarida dowolada iyo baabuurta ay isticmaalaan saxafiyiinta.

Waxaa sidoo kale dadka ay saakay u soo baxeen goobaha cod bixinta gobolka uu muranka ka taaganyahay ee Sool, iyadoo ay soo baxyaan warar sheegaya in meelaha qaar laga xaday sanaadiiqda lagu rido codadka.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes